Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

 

Qubanaha Wararka: Wararkii ugu danbeeyayMaanta

 

Ogaalonline: Muqdisho- 7 May 2008

Dagaal Culus oo u Dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo xaagaga kasoo horjeeda

dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo xaagaga kasoo horjeeda ayaa  ka dhacay inta u  dhaxaysa Nuur farax iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan .

Dagaalkani ee U dhaxeeya xoogaga Ka Soo Hor jeeda Joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Wadanka Somalia iyo Kuwa Ethiopia oo xalay Ka Soo Guuray Dagmada Buule Barde ayaa waxa uu Bilawday ka gadaal Markii ay u galeen Wadada isku xirta Tuulooyinka Nuur Farax iyo Garasyaani xoogaga Ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia Taasi oo sababatay in uu halakaasi ka bilowdo dagaal aad
u Culus oo Laysku Adeegsanayo hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa waxa la sheegayaa in uu Socday in ka badan Mudo Hal saac ah,dadka Deegaanka Garasiyaani ayaa sheegay in ilaa iyo hada la maqalayo madaafiicdan iyo Hubka Nuucyadiisa kala duwan ee la isku weeydaarsano halkasi,lama oga ilaa hada qasaarha ka dhashay dagalkan

Qarax wayn oo dad rayid ahi ku dhinteen

Qarax ay dad ku geeriyoodeen ayaa maanta ka dhacay Degmada Dharkeenley ee gobolka Banadir kaasi oo lala eeganayay gaari ay saaraayeen Ciidamada dowlada oo marayay halkasi.

Inta la oyahay 3 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax maanta lala eegtay Gaari ay lahaayee ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Dharkeeleey ee gobolka Babanaadir,Sadexda dhimatay ayaa kala ahaa 2 rayid ah iyo askari ka tirsan kuwa dowlada ee saarnaa gaarigaasi mana jiraan wax dhaawac ah oo u geeystay qaraxaasi.

Qaraxaasi kadib ayaa waxaa ay ciidamada Dowlada Bilaabeen in ay xiraan wadadasi iyagoo xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Wadada Isku xirta Degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir ee gobolka Banaadir balse Qadar kadib ay dib u fureen .

Qaraxyada inta badan lala eegto ciidamada Dowalada ayaa waxaa ay sababaan in ay ku nafwaayaan inta badan dadka rayidka ah iyo dadkii lala damacsanaa.

Odayaasha iyoCulumaa’udiinka  B/weyne oo kulan yeelanaya sidii loo samayn lahaa Ciidamo Madani ah

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiran ayaa sheegaya in odayaasha, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka ku dhaqan Magaalada B/weyne ay ka arinsnaayan sidii loo samayn lahaa Ciidamo Madani ah oo suga Ammaanka Magaalada B/Weyne.

Waxgaradka iyo Culuaa’udiinka B/weyne ayaa arrintaan dhismaha ciidamada guda galay kadib markii ay halkaasi ku soo bateen Burcadda dhaca u geysata dadka rayidka ah.

Burcadda Magaalada B/weyne ayaa howlaha Dhaca ka geysta maalmahaan ay noqdeen kuwo soo bata, iyadoo burcada ay dhacaan taleefanada gacanta lagu qaato, iyadoo aan B/weyne waqtiyada habeenkii ay dhib noqotay inay dadku socdaan Burcadda awgeed.

Dhinaca kale waxey odayaashu isla garteen in ciidamo Madani ah loo sameeyo magaalada B/weyn, kuwaasi oo sugi doona ammaanka magaalada, iyagoo la sheegay in waqtiyada habeenkii ay ciidamadaasi samayn doonaan Roondooyin ay ku ialaalinaayaan ammaanka magaalada B/weyne, iyagoo la dagaalamaya Burcada dadka dhacda.

Ciidamada Maxkamadaha oo Dhaqdhaaq Amaan sugid ka bilaabay Jowhar

Ciidamo Ka Tirsan Maxaakiimta Islaamiga Somaliyed ayaa xalay galay Degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe waxaana ay ka bilaabeen degmadasi Dhaq dhaqaaq ay Amaanka ku sugayaan.

Ciidamadani Taabacsan Maxaakiimta Islaamiga oo watayay Gawaarida dagaalka ayaa waxaa ay xalay fiidkii galeen magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Markii ay ciidamadani galeen magaalada Jowhar isla xalay ayaa waxaa ay howlgalo baaritaano ah ka bilaabeen xaafadaha magaaladasi waloow aan la xaqiijin Karin waxa ay baadi goobayeen.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadani maxaakiimta Islaamiga ah ay ku raad joogeen rag loo soo far Muuqay kuwaasi oo falala dhac ah ka wadeen magaalada Gudeheeda maalmihii la so dhaafay waxaana si dhab ah loo xaqiijin Karin in ay gacanta ku soo dhigeen dadkii ay ku raad joogeen.

Qaadashada lacagaha Duuga ah o si taxadirleh u bilowday

Qaadashada lacagaha Duuga ah ee shilin Somaliga ayaa si taxadir leh uga biloowday magaalada Muqdisho ka dib go’aankii ay shalay wada gaareen Gudiga ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiinka Somalied.

Dadka ayaa la arkayay iyagoo wax ku kala gadanaya lacaga duuga ah ee shilin Somaliga iyadoo aan la kala sooceeyn iyadoo ganacsataaduna ay sheegeen in ay u hogaansamayaan go’aanadii shalay ka soo baxaykulankii shalay lagu yeeshay magaalada Muqdisho ee ahaa in si siman loo qaato lacagaha.

Labadii maalin ee ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka bilaawday dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadweeyne ka careeysay kala sooca lagu hayo lacaga shilin Somaliga kaasi oo markii danbe ay go’aano ka soo saareen Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

 

 

 


 

 


 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter