|
Meel kasta
waxaa lagu arkaa muslimiin ka shaqeynaya soo nooleynta
ku dhaqanka Islaamka. Waxey ka muuqata masaajiddada,
dugsiyada, jaamicadaha, goobaha shaqada iyo ganacsiga.
Waxey ka muuqataa dhaqanka nolosha, calaaqaadka
qoyska, qaabka salaanta iyo asluubta dadka. Waxey ka
muuqata bangiyada Islaamka oo si weyn ugu fidaya dunida
daafaheeda.
Waxaa kale oo ay ka muuqata sida caalamka looga baranayo
luqaqda carabiga iyo Islaamka, kitaabada laga qoray,
websiteyada iyo wargeysaya soo kordhaya. Islaamku wuxuu
ka muuqdaa meel kasta, waxaana diinta ugu kobcidda
badana caalamka. Arinkaasu waa sii badanayaa oo xarakada
Islaamka waxaa horseed u ah dhallinyarada iyo
aqoonyahaannada.
2. Waxaa la arkaa
xarakaadka Islaamka oo magacyo kale duwan la baxay isna
khilaafsan. Arinkaas siduu ku dhacday?
Muslimiintu asalka diinta
iskuma khilaafsana, laakiin waxey isku khilaafaan
waxyaabo si dhameystiran oo buuxda aan ugu cadeyn
kitaabka Ilaahey ama sunna Nabigeena Scw oo siyaabo kale
duwan u fasirmi kara. Sidaas ayey ku sameysmeen
madaahibta afarta ah sida Shaaficiyada( ),
Xambaliyada( ), Maalikiyada( ) iyo Xanafiyadda ( ).
Sidaas darteed, wax dhibaato
ah ma laha jiritaanka xarakooyin ama xisbiyo kala duwan.
Waxa kaliya xarakaaskaas ama xisbiyadaas laga rabo waa
iney ilaaliyaan asluubta Islaamka ka dhexeysa, una
tartamaan kheyrka. Xarakadaadahaas ama xisbiyadaas waxey
isku khilaafi karaan fikirka, aragtida, istrateejiya iyo
farsamada. Waxaa kale oo ay isku khilaafi karaan
hogaanka iyo qaabka maamulka iyaga oo xataa inta kale ka
mideysan.
Waxyaabaha la isku
khilaafsanyahay waxaa ka mid ah qeexidda dhibaatada
kobaad ee muslimminta heysata. Tusaale, dhibka kobaad
ee shacbiga Somaaliya heysta muxuu yahay? Ma
caqiidadooda ayaa khaldan oo toosin iyo sixid u
baahan? Ma dhaqankooda akhlaaqiga ah ayaa xumaaday? Ma
fahamkooda siyaasadda ayaa hooseeya? Ma dawladdo
cilmaani ah ayaa mushkiladu ka socota oo xeerar ka soo
horjeeda Islaamka in lagu dhaqmo? Mise waa intaas oo
la isku daro? Su’aalahaas iyo kuwa kale ayaa jawaabo
kala duwan laga bixiyay, waana la isku khilaafay. Bal
ka fakir !! adiga waxey kula tahay?
3. Sidde xarakadka
Cusub ee Islaamku ku soo bilaabawdeen?
Sida nabeygenna suuban (sw)
uu ku sheegay Xaddis. Ku-dhaqanka Islaamku marna hoos
ayuu u dhici jiray marna baraarug ayaa soo bixi jiray.
Nabigeynuna wuxuu yiri: “boqolkii sanaba
ummada waxaa u soo baxaya ruux (ama jaamaco) diinta
cusbooneysiiya)[1]
Baraarugga hadda socda wuxuu bilowday markii reer
Yurub ay qabsadeen caalamka Islaamka oo ay bedaleen
qaabkii xukunka, dhaqaalaha iyo nolosha, ayna
burburiyeen khilaafadii Islaamka sanadkii 1924.[2]
Waxaa waqtigaas ka dhacayay caalamka isbedello waaweyn
oo ka dhashay horumarka laga gaaray xagga
farsamooyinka dagaalka iyo techolojiyada,
waxaana kobcay dareenka
qaab dawladeedka ku saleysan “qawminida” ( nation-state)
oo dalalka Yurub ka hana qaaday. Maxaa tallo ah oo lagu
badbaadin karaa muslimiinta ayaa waxgaradka iyo
culimaduba isweydiiyeen. Aqoonyahaanadii iyo culimadii
qaarkood ayaa ku jawaabay “Islaamka dhabta ah oo
loo noqdo” [3].
Halkaas ayeyna ka billawdeen xarakaadka Islaamka ee
casriga ah.
4.
Waxaan maqalnaa erayada ah “Cilmaniga”
iyo” Islaami”,
maxaa loola jeedaa?
Fikirka la yiraahdo
“Cilmaaninimada” [4]
waxaa sal u ah falsafad sheegaysa in Ilaahey uusan shaqo
ku laheyn qaabka nolosha, xukunka iyo xeer-sameynta oo
wixii ay isku raacaan inta badan shacbigu qaanuun ay ka
dhigan karaan. Waxaa intaas la raacin karaa, in diintu
ay tahay hawl qofka iyo Ilaahey ka shaxeeysa oo dawladu
ayan shaqo ku laheen. Sidaas darteed ururkii iyo qofkii
aaminsan fikirkaas waxaa la dhihi karaa waa
cilaami
(secular).
Cilmaaninimadu waxey leedahay
heerar kale duwan, diimuhuna waxey noqdaan qeyb ka mid
ah hiddaha iyo dhaqanka shucuubta. Inta badan
dastuuradda dawladaha Islaamka waxey qorayaan in
Islaamku yahya diin rasmiga ah dawladda. Taas waxey
shaki weyn gelineysaa in dawladaas lagu tilmaamo iney
yihiin “cilmaani”, hadana inta badan dhaqanka
cilmaanimada waa mid muuqda oo aan la inkiri karin.
Dhanka kale,
Islaamiyiinta waxaa loogu yeera magacyo kala
duwan oo qaarkood cadawgoodu bixiyeen sida “asal-raac”
(fundamentalist)“,”Mayal adag” (
radical) , laakiin magaca ugu saxsan
waa in loogu yeero
“Islaamyiin”, maxaa yeelay waxaa sal u ah
fikirkoofa ku dhaqanka Islaamka. Taas mincaheedu ma
ahan ineysan ku jirin dadka Islaamiyiinta qeyb “mutadarifiin
ah” oo aaminsan in ayaga kaliya ay sax ku
taaganyihiin inta kalena ay baadil ku jiraan.
5. Sida la ogyahay
waxaa isticmaarkii muslimmintu kala hortageen Jihaad
culumadu hor kacayeen. Ayadana faallo gaaban ka bixin
kartaa?
Markii isticmaarku soo
galay caalamka Islaamka, waxaa kaliya ee abaabulnaa
waxey ahaayeen xarakaadka “Dareeqooyinka
Sufiyadda” oo madax iyo kala dambeyn lahaa.
Culimadaas qaarkood waxey horkaceen “Jihaad” lala
galay gaaladii ku soo duushay dalkooda. Dhanka kale,
isticmaarki wuxuu heshiis la galay madaxda reeraha iyo
hantilayaasha intooda badan. Xarakaadka Jihaadka kuwa
caansan waxaa ka mid ah Mahdiyiintii Sudan, Cumar
Al-Mukhtarkii Liibiya iyo Moxamed Cabdulle Xassan ee
Somaliya. Dhamman xarakaadkaas waa laga xoog badiyay
in kasta oo ayreebeen dhaxal taariikheed ee muhiim
ah,laakiin waxaa in laga fai’ideyso daruus sababihii
loo jebiyay si aan dib loogu soo celinin.
Waxaa kale oo soo shaac
baxay culimo kale oo dib darastay Islaamka, faham
cusubna soo kordhisay sida Moxamed ibnu Cabdi wahab,
Jammalu addin al_afqani, Rasheed Rida, Mohamed Cabdow
iyo Ibnu Baadiis. Fikirka cusub ee culimadu wuxuu ku
baahay calamka Islaamka oo dhan, waxeyna sal u noqdeen
fikrka xarakaadka Islaamka ah dabadeed sameysmay.
6. Waqtigaas,
Somaaliya culimada ugu caansanaa wax ma nooga shegi
kartaa?
Culumadii hore ee Somaaliya
waa fara badanyihiin, laakii hadii dhawr magac la
sheego, culimada caanka ah waxaa ka mid ah Sheikh Yusuf
Al-Kawneyn, [5]
Sheikh Cabdiraxman
al-Zeylaci, Sheikh Aweys al-Barawi, Sheikh Ali Maye of
Merca, Sheikh moxamed guuleed iyo Sheikh Suufi. Boqolaal
kale ee culimada halkaan laguma soo koobi karo.
Waxaa lagu hubaa in
culimada Somaaliyeed wax ka baran jirtay “Jaamicadda
Al-Azhar” waqtiyo hore, waxaa kale oo la ogyahay iney
Islaamka gaarsiiyeen Barriga Afrika ilaa koonfurta
Afrika. Laakiin,waxyaabaha ka qoran aad ayey u
yaryihiin, waana hawl dhallinyarada iyo
aqoonyahaannada sugeysa.
Waa socotaa….Usbuuca
dambe
|