Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

 

Kulanka Khamiista  Qeybtii Labaad

Baraaruga islaamka iyo bilowgii Xarakada Ikhwaanka

 

Ogaalonline: Abu Sami Jama , 6 Maarso 2008
Qeybtaan waxey googol xaar u tahay bilawgiii Xarakada Ikhwaanka, waxaana ku soo qaadaneynaa muqaalka iyo raadka baraaruga Islaamka, kala fakir duwaanshaha xarakaadka, siyaabihii iyo sidii ay ku bilawdeen, eray-bixinta cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta, iyo fikirkii iyo ficilkii culumadii hore. Dabadeedna maqaalka soo socda yaan uga hadli doona si waafi ah Taariikhdii, Fikirkii iyo raadkii Ikhwaanka.
Maxaa lagu garan karaa muuqaalka baraarugga Islaamka?

Waxaa lagu garan karaa si loogu hadal hayo warbaahinta caalamka oo dhan iyo sidaa ay u soo kordheyso ka qeybgalka xisbiyada Islaamiga ah ee xukunka iyo siyasadda gaar ahaan dalalka ay jirto doorashooyinka iyo tartanka siyaadaseed.

Ustaad Badiyow
 Meel kasta waxaa lagu arkaa muslimiin ka shaqeynaya soo nooleynta ku dhaqanka Islaamka. Waxey ka muuqata masaajiddada, dugsiyada, jaamicadaha, goobaha shaqada iyo ganacsiga. Waxey ka muuqataa dhaqanka nolosha, calaaqaadka qoyska, qaabka salaanta iyo asluubta dadka.  Waxey ka muuqata bangiyada Islaamka oo si weyn ugu fidaya dunida daafaheeda.

Waxaa kale oo ay ka muuqata sida caalamka looga baranayo luqaqda carabiga iyo Islaamka, kitaabada laga qoray, websiteyada iyo wargeysaya soo kordhaya.  Islaamku wuxuu ka muuqdaa meel kasta, waxaana diinta ugu kobcidda badana caalamka. Arinkaasu waa sii badanayaa oo xarakada Islaamka waxaa horseed u ah dhallinyarada iyo aqoonyahaannada.

2. Waxaa la arkaa xarakaadka Islaamka oo magacyo kale duwan la baxay  isna khilaafsan. Arinkaas siduu ku dhacday?

Muslimiintu asalka diinta iskuma khilaafsana, laakiin waxey isku khilaafaan waxyaabo si dhameystiran oo buuxda aan ugu cadeyn kitaabka Ilaahey ama sunna Nabigeena Scw oo siyaabo kale duwan u fasirmi kara. Sidaas ayey ku sameysmeen madaahibta afarta ah sida Shaaficiyada(  ), Xambaliyada(   ), Maalikiyada(  ) iyo Xanafiyadda (  ).

Sidaas darteed, wax dhibaato ah ma laha jiritaanka xarakooyin ama xisbiyo kala duwan. Waxa kaliya xarakaaskaas ama xisbiyadaas laga rabo waa iney ilaaliyaan asluubta Islaamka ka dhexeysa, una tartamaan kheyrka. Xarakadaadahaas ama xisbiyadaas waxey isku khilaafi karaan fikirka, aragtida, istrateejiya iyo farsamada. Waxaa kale oo ay isku khilaafi karaan hogaanka iyo qaabka maamulka iyaga oo xataa inta kale ka mideysan.

Waxyaabaha la isku khilaafsanyahay waxaa ka mid ah qeexidda dhibaatada kobaad ee muslimminta heysata. Tusaale, dhibka kobaad ee shacbiga Somaaliya heysta muxuu yahay? Ma caqiidadooda ayaa khaldan oo toosin iyo sixid u baahan? Ma dhaqankooda akhlaaqiga ah ayaa xumaaday? Ma fahamkooda siyaasadda ayaa hooseeya? Ma dawladdo cilmaani ah ayaa mushkiladu ka socota oo xeerar ka soo horjeeda Islaamka in lagu dhaqmo?  Mise waa intaas oo la isku daro? Su’aalahaas iyo kuwa kale ayaa jawaabo kala duwan laga bixiyay, waana la isku khilaafay. Bal ka fakir !! adiga waxey kula tahay?
 
 3. Sidde xarakadka Cusub ee Islaamku ku soo bilaabawdeen?
 
Sida nabeygenna suuban (sw) uu ku sheegay Xaddis. Ku-dhaqanka Islaamku  marna hoos ayuu u dhici jiray marna baraarug ayaa soo bixi jiray. Nabigeynuna wuxuu yiri: “boqolkii sanaba ummada waxaa u soo baxaya ruux (ama jaamaco) diinta cusbooneysiiya)[1] Baraarugga hadda socda wuxuu bilowday markii reer Yurub ay qabsadeen caalamka Islaamka oo ay bedaleen qaabkii xukunka, dhaqaalaha iyo nolosha, ayna burburiyeen khilaafadii Islaamka sanadkii 1924.[2] Waxaa waqtigaas ka dhacayay caalamka isbedello waaweyn oo ka dhashay horumarka laga gaaray xagga farsamooyinka dagaalka iyo techolojiyada,

waxaana kobcay dareenka qaab dawladeedka ku saleysan “qawminida” ( nation-state) oo dalalka Yurub ka hana qaaday. Maxaa tallo ah oo lagu badbaadin karaa muslimiinta ayaa waxgaradka iyo culimaduba isweydiiyeen. Aqoonyahaanadii iyo culimadii qaarkood ayaa ku jawaabay “Islaamka dhabta ah oo loo noqdo”[3]. Halkaas ayeyna ka billawdeen xarakaadka Islaamka ee casriga ah.

4. Waxaan maqalnaa  erayada ah “Cilmaniga” iyo” Islaami”, maxaa loola jeedaa?

Fikirka la yiraahdo “Cilmaaninimada”[4] waxaa sal u ah falsafad sheegaysa in Ilaahey uusan shaqo ku laheyn qaabka nolosha, xukunka iyo xeer-sameynta oo wixii ay isku raacaan inta badan shacbigu qaanuun ay ka dhigan karaan. Waxaa intaas la raacin karaa, in diintu ay tahay hawl qofka iyo Ilaahey ka shaxeeysa oo dawladu ayan shaqo ku laheen. Sidaas darteed ururkii iyo qofkii aaminsan fikirkaas waxaa la dhihi karaa waa cilaami (secular).

Cilmaaninimadu waxey leedahay heerar kale duwan, diimuhuna waxey noqdaan qeyb ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka shucuubta. Inta badan dastuuradda dawladaha Islaamka waxey qorayaan in Islaamku yahya diin rasmiga ah dawladda. Taas waxey shaki weyn gelineysaa in dawladaas lagu tilmaamo iney yihiin “cilmaani”, hadana inta badan dhaqanka cilmaanimada waa mid muuqda oo aan la inkiri karin.  

 Dhanka kale, Islaamiyiinta waxaa loogu yeera magacyo kala duwan oo qaarkood cadawgoodu bixiyeen sida “asal-raac” (fundamentalist)“,”Mayal adag” ( radical) , laakiin magaca ugu saxsan waa in loogu yeero “Islaamyiin”, maxaa yeelay waxaa sal u ah fikirkoofa ku dhaqanka Islaamka. Taas mincaheedu ma ahan ineysan ku jirin dadka Islaamiyiinta qeyb “mutadarifiin ah” oo aaminsan in ayaga kaliya ay sax ku taaganyihiin inta kalena ay baadil ku jiraan.
 
5. Sida la ogyahay waxaa isticmaarkii muslimmintu kala hortageen Jihaad culumadu hor kacayeen. Ayadana faallo gaaban ka bixin kartaa?
 
Markii isticmaarku soo galay caalamka Islaamka, waxaa kaliya ee abaabulnaa waxey ahaayeen xarakaadka “Dareeqooyinka Sufiyadda” oo madax iyo kala dambeyn lahaa. Culimadaas qaarkood  waxey horkaceen “Jihaad” lala galay gaaladii ku soo duushay dalkooda. Dhanka kale, isticmaarki wuxuu heshiis la galay madaxda reeraha iyo hantilayaasha intooda badan. Xarakaadka Jihaadka kuwa caansan waxaa ka mid ah Mahdiyiintii Sudan, Cumar Al-Mukhtarkii Liibiya iyo Moxamed Cabdulle Xassan ee Somaliya. Dhamman xarakaadkaas waa laga xoog badiyay in kasta oo ayreebeen dhaxal taariikheed ee muhiim ah,laakiin waxaa in laga fai’ideyso daruus sababihii loo jebiyay si aan dib loogu soo celinin.  
Waxaa kale oo soo shaac baxay culimo kale oo dib darastay Islaamka, faham cusubna soo kordhisay sida Moxamed ibnu Cabdi wahab, Jammalu addin al_afqani, Rasheed Rida, Mohamed Cabdow iyo Ibnu Baadiis. Fikirka cusub ee culimadu wuxuu ku baahay calamka Islaamka oo dhan, waxeyna sal u noqdeen fikrka xarakaadka Islaamka ah dabadeed sameysmay.
 
6. Waqtigaas, Somaaliya culimada ugu caansanaa wax ma nooga shegi kartaa?

 Culumadii hore ee Somaaliya waa fara badanyihiin, laakii hadii dhawr magac la sheego, culimada caanka ah waxaa ka mid ah Sheikh Yusuf Al-Kawneyn,[5] Sheikh Cabdiraxman al-Zeylaci, Sheikh Aweys al-Barawi, Sheikh Ali Maye of Merca, Sheikh moxamed guuleed iyo Sheikh Suufi. Boqolaal kale ee culimada halkaan laguma soo koobi karo.

Waxaa lagu hubaa in culimada Somaaliyeed wax ka baran jirtay “Jaamicadda Al-Azhar” waqtiyo hore, waxaa kale oo la ogyahay iney  Islaamka gaarsiiyeen Barriga Afrika ilaa koonfurta Afrika. Laakiin,waxyaabaha ka qoran aad ayey u yaryihiin, waana hawl dhallinyarada iyo  aqoonyahaannada sugeysa.

 

Waa socotaa….Usbuuca dambe

 
Tixraac:
1- Xadiiks Abu da'uuda ayaa sunantiisa ku wariyay
2- 1924 waa waqtigii Mustafa Kamaal Atatork inqilaabay khilaafadii Islaamka
3- waxa casrigeenana ugu caansan Imaam Xasan al Banna
4- Fikirka Cilmaanigu waxa uu ku dhisan yahay kala saarista diinta iyo dunyada
5- Sh Yusuf Alkownini waxa uu ahaa wadaadkii Soomaaliyeeyay Higaada quraanka lau barto
 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter