|
dabka isla markaana ay dab
qabad siiyeen gaari ay lahaayeen Ciidamada DFKM oo
yiilay Saldhiga degmada Waabari, waxaana uurada ka
baxday gaariga laga gubay lagu arkay inta badan
magaalada Muqdisho.
Dagaalka galabta ka dhacay
Saldhiga degmada waabari waxaa ku dhintay laba ka tirsan
askarta Ciidamada DFKM tiro intaasi ka badan dhaawac
ayaa soo gaaray iyadoo kooxaha ka soo horjeeda DFKM ay
markii dambe ay isaga baxeen Saldhiga degmada Waabari .
Sidoo kale dadka deegaanka
waxa ay intaasi ku dareen in ay arkeen dhaawaca mid ka
mid ah kooxaha ka soo horjeeda DFKM,waxaanaCaawa Xaalada
degmada waabari ay tahay mid kacsan.
Qarax ka
dhacay Siinay oo khasaaro xoogan gaystay
Qarax xoogan ayaa Caawa
waxa uu ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Siinaay ee
Magaalada Muqdisho ka dib markii Bamgacmeed lagu Tuuray
goob lagu qaxweeyo oo ku taala xaafadaasi.
Qaraxaan ayaa waxaa ku
dhaawacmay 9 qof oo rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu
qaraxa ka dhacay,waxaana dhaawacyada loola Cararay
Cisbitaalada Magaalada Muqdisho.
6 ka mid ah Dhaawacyada
ayaa ah kuwa liita islamarkaana sedax ka mid ah
dhaawacyadooda ay tahay mid fudud,waxaana jirin wax
Ciidan ah oo goobta soo gaaray goobta uu qaraxa ka
dhacay
Dagaal ka
dhacay wadada Dabka
Dagaal Culus ayaa ka
ka qarxay galabta qeybo ka mid ah Wadada dabka ee
magaalada Muqdisho iyadoo dagaalka laysku adeegsanayo
hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka waxaa uu u
dhaxeeyaa Ciidamada DFKM iyo kooxaha ka soo horjeeda
joogitaanka Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada DFKKM .
Lama oga qasaraaha soo
gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo, waxaana
dagaalku yahay mid qal qal galiyay dadka deegaanka,
waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in uu dagaalku ka
socdo Qeybo ka mid ah wadada Dabka ee magaalada
Muqdisho.
|