|
Afhayeenka Ciidamada Booliska
DFKM C/laahi Cumar Ibraahim (Shac shac ) ayaa sheegtay
in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Wabari ay qasaaro
u geysteen kooxihii shalay Weerarka ku soo qaaday
Saldhaiga, waxaana uu sheegay in ay ka dileen ilaa 5
Ruux sedax kalena ay qabteen sida uu hadalka u
dhigay,waxa uuna qirtay in dagaalkaasi ay uga
geeriyoodeen laba ka tirsan askarta Ciidamada booliska
ee saldhiga degmada waabari.
Sidoo kale Afhyeenka Ciidamada
Midawga Maxkmadaha islaamka Cabdi raxiin Ciise Cadow
ayaa idaacada Shabelle u sheegay in dagaalkaasi ay ku
dileen 8 ka tirsan Ciidamada booliska islamarkaana ay
gubeen laba gawaari uu sheegay in ay la haayeen
Ciidamada Booliska sida uu hadalka u dhigay,waxaan cabdi
raxiin uu qirtay in dagaalkaasi dhankooda uu ka
geeriyooday hal Ruux isagoona sheegay in ay La wareegeen
gacan ku haynta Saldhiga degmada Waabari oo ay markii
dambe ay ka baxeen.
Dagaalkii Shalay ka dhacay
degmada waabari ee u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo
kuwa Maxkamadaha islaamka ayaa la sheegay in ay ku
dhaawacmeen dad rayid ah iyo qasaaro soo gaaray labada
dhinac oo si rasmi ah aan loo xaqiijin karin.
Xaalada degmada Waabari oo
shalay galinkii dambe uu ka dhacay dagaal laysku
adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa saakay
degan,waxaana Caadi ku soo laabtay dhaq dhaqaaqii
ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka Bl-ka waxaana
saakay Saldhiga degmada Waabari ku soo laabtay cidamadii
Booliska iyo kuwa kale oo aad u farabadan oo ku sugnaa
goobihii shalay dagaalku ka dhacay.
|