|
|
|
|
|
|
Gabar Muslimad ah
hooyadeed Soomaali tahay Aabaheedna Cadaan(Gaal)yahay,
xiriirkeedana gooyay ka dib markii ay xijaabatay, yaa wali u
noqonaaya? |
|
Sh.Cusmaan Usuuli 9 May
2008
|
|
Su'aal:
Gabar Muslimad ah hooyadeed
Soomaali tahay Aabaheedna Cadaan(Gaal)yahay,
xiriirkeedana gooyay ka dib markii ay islaantay, yaa
wali u noqonaaya? |
|
Jawaab:
Assalaamu caleykum wr wb
akhii ilaah kheyrka hana waafajiyee sida aad sheegtay
gabadhada aabaheed mar hadduu xijaab u diiday waa
faasiq.
|
 |
|
weliyaada faasiqana waa laga
guurinayaa sida culumada qaar ay qabaan sidaa darteed
hadduu jiro aabaha aabihii awooga oo muslim ah isaga
ayaa bixinaayo gabadha, waxaa ku xiga walaalka hooyada
iyo aabaha dhaleen wa haakadaa.
haddiise qaraabada aabaha ay
muslim ahayn waxaa weli u noqonaayo muslimka xiga
gabadha ama maraakista islaamka meesha ay joogto.
laakin waxaa muhiim ah in la hubiyo hooyada ama gabdha
waxa ay shegayaan oo ah in aabaha xijaabka diiday waayo
arimahaan oo kale qof wuxuu sheegay laguma rido xukun
ilaah la xaqiiyo.
walaahu aclam
|
|
|