|
booday xanuun lama filaan ah
waan u geeriyooday
Sheekhu in tii uu magaalada
daganaa oo dhan mudo dhowur iyo labaatan sana ah wa uu
ku caanbaxay akhrinta culuumta diiniga ah waxana uu aad
aqoon durugsan ugu lahaa qaybaha kala duwan ee
shareecada islaamka sida fiqiga,Axaadiista nabawiga ah .intii
uu ku sugnaa Borama ma jiro sheekh akhriyay inta kitaab
ee uu dadka u dhigay .taasana waxa lagu tilmaamaa ta uu
kaga duwanaa culimada ka le ee Borama dagan oo uun jirin
sheesh akhriyay inta kitaab ee uu sheekhu u dhigay dadka
diinta barta
Hadab maanta salaadii duhur ka
bacdi ay sheekha lagu aasay xabaalaha Caro Qoolaab ee
xaga bariga kaga toosan Boram .
waxana isugu yimid bolsho aad
u tirabadan oon la soo koobi karain Sh/Cabdilaahi Sh/Cali
Jowhar oo ka hadlay salaadii janaasada kadib xabaashana
lagu rogay waxa uu sheegay in uu sheekh muhiim ahi ka
baxay bulshadan halkii uu baneeyana uun jirin qof buuxin
karay .sheekh Cabdilaahi waxa kale oo uu dadkii aaska
isugu yimid ka codsaday in ay xasuustaan caruurtii
tirade badnaid ee uu sheekhu ka tagay oon halkaa lagu
iloobin waxana loo taro.
Hadaba madaxa xafiiska
Ogaalonline ee Borama Colhaye Kalii waxa uu tacsi u
dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday sheekh
Cabdiraxmaan ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo
sheekhana naxariistii jano Alaha ka waraabiyo Qabrigana
ha u nuuro aamiin
|