|
ma
u maxkamdeyn karo nolosha qaaska ayuu yiri xidigii
weynaa ee kubadda cagta Diego Armanda Maradona.
Franka
Rijkard oo ka tagaaya kooxda Barcelona .
Tababaraha naadiga Barcelona Frank Rijkard ayaa waxaa
lagu badalayaa laacibkii hore ee kooxda Barcelona Josep
Gurdiola dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida uu caddeeyay
milkiilaha naaidgaasi Juan Laporta, go'aankan uu Laporta
ku dhawaaqay ayaa yimid kagdaal markii laba maalmood ka
hor ay awood sheegatay kooxda Barvelona kooxda hadda loo
caleemo saaray in tahay horyaalka dalka
Spain
Real
Madrid. Gurdiola oo horey u ahaa
ciyaaryahan ka tirsan kooxda Barcelona ayaa waxaa si
caadi ah loogu badali doonaa Rijkard 30 Juun ee
sanadkan, warkaasna waxaa lagu xaqiijiyay warsaxafadeed
lagu qorey website-ka gaarka ah ee kooxda Barcelona
kaasoo u dhignaa sida tan: kulan ay isugu yimaadeen
masu'liyiinta sar sare ee kooxda Barcelona ayaa waxaa
lagu cadeeyay in madaxweyne Laporta uu ku dhawaaqay
tababaraha kooxda barcelona ninka lagu magacaabo Rijkard
dhamaadka xilli ciyaareedkan. Franka Rijkard waxa uu
joojin doonaa shaqadiisa tababarenimo ee kooxda
Barcelona 30-ka Juun markaasoo lagu badalaayo Josep
Gurdiola, Barcelona ay dhaxalsiisay guuldaradii ay kala
kulmeen kooxda
Real
Madrid in ay waayaan kaalinta labaad ee
horyaalka iyadoo ay horyaalka ka harsanyihiin laba kulan
oo ay lakala ciyaareyso kooxda Real Mallorca oo ay
gurigeeda kula ciyaareyso iyo kooxda Real Murcia oo ay u
safri doonto.
Berlusconi
oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka haayay
kooxda AC Milan.
Silvio
Berlusconi
ayaa si caadi ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu
ka haayay kooxda AC Milan ee reer Talyaani, Berlusconi
oo shalay galab loo dhaariyay in uu noqdo ra'iisal
wadaraha cusub ee dalka Talyaaniga taasoo ku qasbaysa in
uusan sii heyn karin xilkii uu ka haayay kooxda AC
Milan, isagoo la hadlaaya website-ka gaarka ah ee kooxda
AC Milan Berlusconi ayaa yiri: markii uu iga aqbalay
madaxweynaha dalka Talyaaniga in aan hoggaamiyo golaha
wasiirada dalkan sharciga ayaa igu qasbay in aan iska
casilo shaqsiyadii Isboortiga, Berlusconi waxa uu qabtay
hogganka kooxda AC Milan February 1986-dii isagoona
sababo tan la mid ah uga dagey xilkaasi December
2004-ta, wuxuuna dib ugu soo laabtay kooxda AC Milan
Juun 2006-da. Berlusconi intii uu la joogey kooxda AC
Milan waxa uu kula guuleystey 7 mar horyaalka serei A-da
dalka Talyaaniga, shan koob oo Yurub ah, shan jeer oo ah
super Cup-ka Talyaaniga iyo kan Yurub, iyo Coppa Italia.
By: Abdifatah
Mohamed Abdurahman Mursal(biyoonde)
E-mail:
biyoonde8@hotmail.com
Qaahira ....
Masar
|