Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

Qubanaha Ciyaaraha; warar kala duwan


Ogaalonline: Abdifatah Mohamed Abdurahman(biyonde) 1 jaly 2008
               Kooxda Chelsea oo si toos ah ula wareegtey Deco.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waxa ay la wareegtey ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee reer Spain, kooxda Chelsea ayaa waxa ay kula soo wareegtey Deco adduun lacageed uu gaaraayo £8m. 30 jirkan reer Portugal ayaa waxaa dhawaanahay la isla dhexmaraayay in uusan ku jirin qorshaha tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Pep Guardiola. Deco oo u saxiixay heshiis laba sano ah kooxda Chelsea isagoo la hadlaaya website-ka gaarka ah ee kooxda Chelsea ayaa yiri: ' aad bey iigu wanaagsantahay in aan halkan imaado, aad baanna ugu faraxsanahay in aan halkan ku soo biiro'.

Deco waxa uu noqonayaa ciyaaryahnkii ugu horeeyay ay la soo wareegto kooxda Chelsea tan iyo intii uu qabtay tababaraha reer Brazil Luis Fillipe Scolari, Deco oo asal ahaan ka soo jeedo Brazil waxa uu kooxda Barcelona ku soo biirey sanadkii 2004-tii isagoo inta uu Barcelona ku soo biirin 2004-tii waxa uu u ciyaari jirey kooxda FC Porto oo uu la qaaday koobka UEFA, Uefa Champion leageue , iyo hal koob oo ah horyaalka wadanka Portugal waxaana xilligaas kooxda FC Porto leylinaayay tababarihii hore ee kooxda Chelsea Jose Mourinho, Deco wuxuu kula guuleystey kooxda Barcelona laba horyaalka dalka Spain ah iyo UEFA Champions League isagoo qeyb ka ahaa kooxdii Barcelona ee ku garaacdey fiinaalaha koobka horyaalada Yurub ee ka dhacay Paris sanadkii 2006-da.

si kastaba ha ahaatee ciyaaryahanakan waxaa xilli ciyaareedkii dhaamaaday ee 2007-2008 ragaadiyay dhaawac wuxuuna kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii 2007-2008 uu line up u soo noqdey 14 kulan oo qura, Deco hadda waxaa sugaaya in uu meel iska saaro kooxda Manchester United oo sanadkan sanka ka qabsatay kooxaha Ingiriiska gaar ahaan kooxda Chelsea iyadoo laba koob oo ay u tartamayeen ka qaaday la  arki doone waxa uu Deco ku soo kordhiyo kooxda Chelsea oo qadkeeda dhexe markii horeba uu ahaa mid aad u adag.

Xulka Spain oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Madrid.
Xulka qaranka Spain ayaa shalay dib u laabtay dhulkooda hooyo iyagoo wata koobka qaramada Yurub, waxaana ku soo dhaweeyay magalaada Madrid ku dhawaad hal milyan oo taageeerayaal jadbeysan ah,
waxayna ka soo degeen gegida diyaaradaha Barajas Air port ee magalada madrid iyadoo diyaaridii siday oo lagu xardhay 'Campeones' oo macnaheedu yahay (Champions).

kadib waxay dadkii isu soo baxay la soo dhexmareen iyagoo kor u haaya koobka iyagoo saarnaa Bus dusha ka furan, intii ay soo dhexmarayeen dad weynahay isu soo baxay waxaa aad u sii batay sawaxankii iyadoo taageerayaasha ay ku qeylinyeen erayo ay ka mid yihiin 'Si, si, si la copa ya esta aqui' oo macnaheedu yahay(yes yes yes, the cup is now here). waxaa kaloo ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadkii isugu soo baxay soo dhaweynta xulka qaranka Spain oo isagu ku guuleystey koobka qaramada Yurub Euro 2008 ' Luis quedate!' oo ay ula jeedeen (Luis Stay) nala joog macalin Luis Aragones. sidoo kale waxa ay sheegayaan wariyayaashii la saarnaa xulka Spain diyaarada in ay ku boorinayeen ciyaartoyda macalin Luis Aragones in uu sii leyliyo xulka dalka Spain. sidoo kale xulka Jarmalka oo isaga laga qaaday koobkan ayaa isna shalay dib ugu laabtay dalkiisa hooyo qiyaastii dad gaaraayaa 300,000 ayaa ku soo dhaweeyay gegeda dayuuradaha ee magaalada Berlin.
 
                     Jose Mourinho oo u gacanhaatinaayo Quaresma.


Tababaraha kooxda Inter Milan Jose Mourinho ayaa waxa uu u gacan haatinayaa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda FC Porto ee reer Portugal Ricardo Quaresma, kooxda heysata horyaalka Talyaaniga aya waxa ay dooneysaa in ay sanadkan si weyn isu dhisto si ay guulo wax ku ool ah uga soo hoyso koobabka ay ciyaareyso, waxaana hadda socda wada hadal u dhaxeeya Inter milan iyo FC Porto oo lagu doonaayo in loogu gacan galliyo kooxda Inter Milan Quaresma, wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda FC Porto ay ku dooneyso Quaresma adduun lacageed oo gaaraaya 25 million Euroes. Mourinho oo ka hadlaaya sida ba'an ee uu u doonaayo Quaresma ayaa yiri: waxaan ku fakarayaa sidii aan ku helli lahaa Quraresma, mana doonaayo in aan cadaadis badan saaro wada xaajoodka hadda socda, mana doonaayo in aan dhaho waa ciyaaryahanka kalliya ee aan doonaayo, sidaana waxaa laga soo xigtey tababaraha kooxda Inter Milan jose Mourinho.
 
waxaa Qorey: Abdifatah Mohamed Abdurahman(biyonde)
Biyoonde8@hotmail.com
Qaahira ... Masar.


 

 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter