|
Waraysi aanu la yeelannay Sh.maxamad oo khibrad
ballaadhan ule Xannaanaynta Geela
Qaybta 3aad
Sida la ogyahay dalalka islaamka ah ayaa dunida ugu Geel
badan taasoo macnaheedu yahay waa hanti islaami ah Geelu ,dalalkaasina
waxaa kaalinta 1aad iyo tan 2aad kala galay dalalka Somalia iyo
Muritania ,haddaba mowduucii Geela ayaynu ku jirnee wajigan 3aad oo an
rajaynayno inuu noqon doono gabagabadii waraysigaasi waxa uu sh.Yusuf
si gaara diiradda u saari doonaa Ratiga ama Awrka waraysigiina waakan:
Ogaalonline :Awrku ama Ratigu magaac badan baa loogu yeedhaa
iyada oo lagu salaynayo marxaladaha kala duwan ee cimrigiisa ,bal
hadda kuwaasi wax nooga sheeg?
Yusuf : Ratigu xaqiiqdii waa magacyo badanyahay oo
marka uu yaryahay waxa loogu yeedhaa Qurbac sida ta dhedigba loo
yidhaahdo Nirig marka uu da` dhexe joogana qaalin baa la yidhaah ta
dhedigna qaalin baa lagu magcaabaa iyada oo dhawaqa uun lagu kala
garan karo markan uu Geela ku jirana Ratiga qoodh ama baar-qab baa
loogu yeedhaa marka uu yahay Awr rarada ogol oo la rartona waxaa la
yidhaa Hayin ,markaa Ratigu ama Awrku waa magac guud.
Ogaalonline :Awrku si uu u noqdo mid la rarto kollay tababar
buu u baahanyahay ,su`aashu waxay tahay side loo laylyaa Qalinka si uu
hayin u noqdo yaase laylya?
Yusuf :Qaalinku marka uu 3 illaa 5sano jirsado ayaa ugu
horraynba la laylyaa ,sida uu Geela iasaga dhex socdo ayuunbaa maalin
hoggaan lagaga soo dhex-qaadaa waxaana soo hoggaamiya nin awood le
maxaayeelay waa markii 1aad ee nooceedoo kale ah ee Qaalinkan hoggaan
qoorta loo sudho markaa waxa dabiiciya inuu buubo oo uu xataa khasaare
gaysto , markaa waa la tu`in deetana rarada ayaa dusha laga saara
waxyaaba cabsi geliya ayaa lagu samayni oo waxyaabo culus baa la
saaraa Awrtuna xagga laylyanka way kala nugulyihiin oo qaar aan
waxbadan qaadan baa jira halka ay qaar kalena u baahanyihiin in muddo
la laylyo iyada oo uu ninna hogaanka qabanayo mid kalena uu dabo
soconayo illaa uu hayin buuxa noqonayo Qaalinkaasi.
Ogaalonline :Yusufow, waxaad nooga warrantaa habkan Awrta loo
raro adiga oo wax ka taabanaya rarkan la adeegsado iyo waxyaabaha uu
ka koobanyhay?
Yusuf : ugu horrayn way u kala duwanaan karaan deegaannada
somalidu arrintaasi haddana waxaa jira waxyaabo asaasi ah oo laga
midaysanyahay sida qobtolka , kabadda ,kabaallada ,xadhkahan loo
isticmaalo raridda sida caynka iyo baydda iwm. Haddaba Awrka marka la
fadhiisiyo ugu horrayn waa la heeryayni ,heeryadaasi oo noqon karta
wax qobtol la yidhaah oo jilicsan deetana Kabad baa laga sarraysiin
,kabadaas oo aad loola dhaco quruxdeeda iyo qaabka loo sharraxay
, waxaana dhici karta dadka reer magaalka ahi inay iswaydiiyaan
warshada samaysay ,duluhaanna kabaddda waxaa loo adeegsadaa marka la
rabo in wax culus la saaro,waxaana kala duwan habka Awrta loo raro
marka reerku guurayo iyo marka Awrta raashin lagu rarayo ama dhiilaha
biyaha oo markaan hore waxaa lagu raraa kabaallo ,dhigo , udubbo iwm.
haseyeeshee marka lagu dhaaminayo ama raashin lagu rarayo heeryada
ayaa ku filan .
Ogaalonline : xadhkahan Awrta loo adeegsado ama ha noqdeen
kuwan ka qaybqaata rarkiisa ama kuwan lagu xidhee, bal iyagana
diiradda saar?
Yusuf : xadhkahaasi waxaa ka mida Dabarka oo lagu xidho Awrka
,Hoggaanka oo aan hore u soo sheegnay iyo Caynka iyo Baydda oo ka
qaybqaata raridda Awrta ,dhaman xadhkahaasna waxaa samaya dumarka oo
sooha. gabyaa horena waxa uu yidhi isaga oo sifaynaya Awrka:
Soo qabtaay carruurtad tidhaa seeda waynahaye
Surkaa loogu tuuraa hoggaan dumar sameeyeene
Salbabaabdhsiguu meel bannaan sin u fadhiistaaye
Samaydana sidii ruux caqli le sibirta kaa yeele.
(Samay) marka Awrka la rarayo ee la rabo in Caynka hoos laga
geliyo ayaa lagu yidhaa eraygaasi deetana sida laga rabo ayuu u
ruqaansadaa. Gabyaagaasi oo hadalkiisa wata ayaa yidhi:
Seddex canugna guradiisa way seexan karayaane
Surin dhuuban buu kula maraa kaana socod dheere
Ogaalonline : Awrkan Geela ku jira ee aad soo sheegtay in la
yidhaah Qoodh
ama Baarqab maxay yihiin shuruudaha horyaal ee lagu dooranayaa?
Yusuf :shuruudaha lagu doorto Awrka qoodha ah ama Barqabka ah
waxaa ugu muhiimsan in loo raaco caano badni ama qoodh wanaag ,waxaan
kawadaa inuu yahay Awrku mid hidde ule caano badni oo dhalaya Geel
caano badan ama uu yahay mid qoodh wanaag le oo qaab ahaan u
quruxbadan oo hilboon markaa waxa ay odhan jireen ( haddaan caano ka
waayay ma cadkiisaan seegi?) oo waxaa dhacda in la yidhaa Geela reer
hebel ha loo doonto Awr baarqaba iyada oo lagu ogyahay sifooyinkaan
soo sheegay.
Ogaalonline :Ratigan qoodha ah ma dhici kartaa isagoo Geela
ku jira in la rarto ,maxayse ku kala duwanyihiin Baarqab iyo Qoodh?
Yusuf :qoodh waxaa la yidhaa Awrkan isaga oo Geela ku jira
oo u xilsaaran rimintiisa haddana la rarto,sugaanyahan horena waxa uu
yidhi:
Isagoo intaa wada galuu Geela rimiyaaye
Giirkiyo tawaadduu sidii Good madow yahaye
Baarqabkase waxaa la dhahaa kan kaliya Geela uun ku jira ee aan la
raran.
Ogaalonline : waxaad noo sheegtaa inta u badan ee uu gaadho
neefka geela cimrigiisu sida caadiga ah adiga oo cuskanaaya
waayo_aragnimadaada?
Yusuf : kollay dalalka ayaa kala duwan laakiinse Somali ahaan
waxa la odhan karaa 25sano illaa 30 baa ugu wayn cimriga Geela inkaste
oo aan buug ka aqriyay in ay illaa 40iyo siyaado hashu noolaan karto
kumase raacsani anigu oo waxaan qabaa inay hashu 25sano markay gaadho
haddeed ay habrowday isla markaana xagga ajasha u kacday.
Ogaalonline : Yusufow hore waxaad walaac uga muujisay
horumarka iyo technologiyaddu saamaynta ay ku yeesheen Geela ,maxay
tahay aragtidaada ku wajahan aayaha danbe ee Geela?
Yusuf : runahaan waxaan aad uga cabsi qabaa in Geelii magac
uuni ka hadho oo manfaciisii la waayo ilbaxnimadan manta taagan awgeed
,jaziiraddan carbeed oo ahayd meel Geela ku dhaadataba maantaa waa la
ogyahay inuu ka tirtirmay kadib markii la yidhi land cruiser ha lagu
raaco .
Warayste:zakaria Hussein
Ogaalonline--- Riyadh
murtishiil@hotmail.com
|