|
Waraysi aannu la yeelannay sh.yusuf maxamad oo
khibrad balladhan ule xanaanaynta Geele
Qaybta 2aad
Wajigii hore ee waraysigan waxa uu kaga hadlay Yusuf ahamiyada
Geelu u leeyahay somalida ,waxyaabaha uu kaga duwanyahay xoolaha
kale ,sida ay ilbaxnimadu u saamaysay dhaqashada geela iyo goorta
lagu tilmaami karo maalqabeen ninka geel jirka ah.maantana waxa uu
ka warrami doonnaa waxyaabahan hoos ku qoran:
Ogaalonline : imasa jir iyadoo ah ayay hashu rimi kartaa
imase bilood bayse rimayga siddaa?
Yusuf :sida badan hashu iyada oo ah 4 sano jir ayay rintaa
maxaayeelay waa wakhtiga uu Geelu si fiican u koro waxaana dhici karta
inay 3sano iyo badh ku rinto oo waxay yidhaahdaan (seddex jir
dayr dheere) rimaygana waxa ay hashu siddaa 12bilood iyo badh sida
badan waxaase jira Geel lagu magcaabo abaahin ku dhaleen oo
habeenkii uu rimayga qaaday habeenka ku beegan dhala yacnii waa
12bilood oo go`w ah laakiinse waa nadir waana nooc hiddo-raacle.
Ogaalonline : Yusufow, Geela jiriddiisa iyo lisiddiisaba
waxaa u asala rag dhaqan ahaan ,maxay tahay xikmadda ku jirta
arrintaasi?
Yusuf :runahaantii markaynu joogno magaaladaba howlaha
sarsare ama kuwa adag rag baa loo ogyahay inay qabtaan miyi marka la
joogana howlaha kuwa ugu sarreeya uguna adag waxaa ka mida Geel
jiridda ,maxaayeelay gabadhu sidii ninka Geela uma daryeeli
karto iyada oo aynu ognahay in uu Geelu daaqo duurka oo uu reeraha aad
uga fogaado habeenkiina xilli danbe soo hoydo ,markaa gabadhu sidii
raga Geela Libaaxa ugama dhicin karto ceelkana sidii raga ugama shubi
karto sidii raggana ugama dhalin karto.xagga lisiddase waa dhici
kartaa inay gabadhuhu lisaan oo sida caadiga ah midigta ayay ka
istaagaan marka ay nin la haaneedayaan maxaayeelay ruuxa bidixda jooga
ayaa maamulaya habsami lisidda isaga ayaana Hadhuubka(Gorofka) haya
kuna dhawaaqa goorta la dhamaysiro hawshaasi.
Ogaalonlin e:qalabkan Geela lagu maalo kollay magaac badan
buu leeyahay ,ma noo sheegi kartaa magaacdiisa iyo waxa uu ka
samaysanyahay,mase dhici kartaa in koob ama jaanbad Geela lagu maalo?
Yusuf :dhabahaan magaacdiisa waxaa kamida
Hadhuub,Gorof,Dhakal,iyo Toobte asalahaana waa geed la qoray waxaana
dhici karta inuu yahay mid la tolay sidaas darteed waa la cugaa ama la
culaa(dab ayaa lagu uumiyaa) markuu in muddo ah joogo, halka
weelashaba laga xalo ,sida caadiga ahna ma dhacdo in Koob ama Jaanbad
lagu maalo Geela sobobtoo ah waa wax dhaqanka ka dhana kamana dhigno
in ay caanihii kaa daadanayaan laakiinse Geela qudhiisa ayaanan aqoon
u lahayn Jaanbad iyo Dhari in lagu maalo.
Ogaalonlin e:Yusufow ,xagga hees howleedda geela wax ma ka
xusuusantahay?
Yusuf : hees howleedda Geelu inkaste oo ay xoolaha kaleba la
wadaagaan waa mid qayb ka ah luqadda ay isu af agrataan Geela iyo
Geel-jirku ,haddaba waa noocyo badanyihiin oo Geela xilliyo kala duwan
baa loo heesaa sida marka la soofinayo,marka la soo hoynayo iyo marka
la waraabinayo,waxaana ugu muhiimsan tan loo qaado marka la
waraabinayee tuasaale ahaan waxa ay odhan jireen markay dooxa ceelka u
soo degaan:
Dixdu ma cidlaayeey:dadku ma col baayeey
Mar la caytamo`eey : sow lagama ciyo
Iyaga oo sheegayaa inay lagama maarmaan tahay in dooxa laga
dhawaaqo cayna alle ha ka yeelee.
Marka ceelka loogu dhacana waxay odhan jireen tusaale ahaan:
Shalaan duhurkii : kugu sheegtoo
Kugu sharad galay : inaan kuu shubo
==== ==========
Doob ridaha awr : ha danbeeyee
Daawida irmaan : darka soo geli
======== ======= =======
Hoobey hoobey: hoobey hoobay
Geel-jirka intiisa badanna markaasayba curisaa halka ay qaarkoodna
waxyaabo ay xafideen kaga celceliyaan.Waxaad mooddaa inan illaawayba
waxyaabo badan oo aan ka hayn jiray heesaha geela wanan ka
cudurdaaranayaa.
Ogaalonline :maadaama uu Geelu ka sabir badanyahay xoolaha
kale imisa ayuu neefka Geelihi u sabri karaa biyo la`aan iyo baad
la`aan ?
Yusuf : Geelu waa runoo wuu u adkaysi badanyahay harraadaka
oo waxaa dhacda in 30maalmood iyo habeennadoodii isaga oonan biyo
cabbin la maalo gaarahaan meelaha oomanaha ah ,taasi waa inta ugu
badan ee Geelu biyo la`aan noolaan karo waxaase jirta in Geela
ladaab ahaan (maalin kasta) loo waraabiyo ama maalin la qadiyo
maalinna la waraabiyo.
Xagga baadla`aantana in muddo ah waa u sabri karaa oo tusaale ahaan
Awrta marka lagu safrayo ee ay siddo raashin ama rar kale o oculus
waxaa dhacda in 6maalmood iyo 6doodii habeen aanan la daajin
socdaalkaas awgii.
Ogaalonline :yusufow bal waxaad wax nooga sheegta cudurrada
Geela ku dhaca iyo siyaabaha looga daaweey?
Yusuf :kollay Geelu waa makhluuq sidaas darteedna waa arrin
dabiiciya inay xanuunno ku dhacaan,markaa cudarrada ku dhaca Geela
waxaa ka mida cudurka la yidhaahdo dhukaanka,kudka iyo qanjaha waana
cudurro dilaaya waxa kale oo jira xanuunno ka fudud kuwaasi sida
dhugatoda oo kale, dulahaanse somalidu male dhakhaatiir si gaara ugu
takhasustay cudurada xoolaha oo ka qayb qaadata ka hortagidda
cudurraddasi inkaste oo hatan ay jiraan dhakhaatiir dhinaca xoolaha ah
haba iska tiro yaadeene.anku noqdee Geela waxaa daweeya ninkii ku dhex
dhashay ee caanihiisa ku soo koray isaga ayuunbaa irbadeeya kadib
marka uu magaalada ka soo gato dawada uu rabo,waxaana iska dhici karta
in uu ku kaaftoomo gubidda la gubayo geela waxaana loo adegsadaa
arrintaasi wax la yidhaahdo madag(laba qori oo yaryar oo dab laga
dhaliyo).
Ogaalonline :waxaad nooga warantaa sumadaha Geela lagu dhigo
iyo ujeedooyinka laga leeyahay?
Yusuf : summaddu horta sideedaba waa calaamad looga danleeyah
inay cid kaste ku garato Geeleedda si marka uu gadmo ama lumo
loogu soo celiyo ,markaa reer walba summad u gaara buu u sameeyaa
Geeliisa oo ka dhexaysa lafaha uu reerkaasi ka koobanyaay ,waxaana
dhacda inay summad asaasi ah ay beeshu wadaagto iyada oo ay laf walba
ku kordhinayso summad hoosaad yar ,summadduna asalahaan waa xarriijin
Geela lagaga dhigo ama qoorta ama tafaha ,waxa kale oo jirta in Geela
dhegaha laga sunto iyada oo la jeexayo dhegta waxaana lagu tilmaamaa
(fur)ama( dacal).
*la soco qaybta danbe ee waraysigan
Zakaria Hussein – Ogaalonline –Riaydh
EMAIL:murtishiil@hotmail.com
|