Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

Waraysi aanu la yeelannay Sh.Yusuf Maxamad oo khibrad balaadhan u le xannaanaynta Geela

Qaybta 1aad(1)

Gabyaagii caanka ahaa sheekh Cabdillaahi Suldan (Timacadde) allle ha u naxariistee ayaa yidhi isaga oo inoo sawiraya  Geel inta la waraabiyay sii fulaya(hoyanaya): oo sidii milatari si gaara u tababaran isugu dabo jira:

Dib u fulidda seeraar waxay dacayda saydhaaba

Wuxuu daabad leekoow ratigu doobta badiyaaba

Isagoo dirays wada qaboo dalabna eegaaya

Markuu duudka simo Geelu waa dawlad gooniya`e

Gabyaa Cali duksiiye Cumar na waxa uu yidhi:

Dagaal culus haddii labada dhinac laysu dhagax tuuro

Madfaca dhuunta waynlihi markuu  dhaw is maqashiiyo

Ka dhaqaaqe nimankii lahaa dhoobo iyo ciide

Dhankiisaa runtii loo kacaa dhogor yaroow geele

Dhabannada markaad kala martid eed dhaantoda u qaadid

Dhudhumada xadiidka ah markay dhigato eey qaado

Dhabbo toosan bay kula martaa kaana socod dheere

Dhallaankiyo haweenkiyo ciddii dheelman kari wayda

Waxaa dhabrka loo saarayaa dhaamiyaha Awre

Dhanaad eegtay mooyee adeer dhaqasho waa geele.

Tuduc gabayeedkanna waxa uu ka midahaa silsiladdii (miyi&magaalo) ee dhaxmartay Abwaan Cali Duksiiye iyo saaxiibkiis gabyaa Maxmad C/laahi Cilmi(food wayne) ee ku curatay magaalada Jabuuti kuna soo xidhantay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal socotayna 15ka sannadood.

Haddaba waxaanu waraysi la yeelannay sh.yuusuf maxamad xasan oo ku dhashay kuna barbaaray degaanka Iimay galbeed ee Gobolka ismaamulka somalida  ee dalka Ethiobia  waxbarashada asaasiga ahna ku soo qaatay maagaalada Muqdisho haatanna wax ka barta jaamacadda Al-imam Muxamad Ben Sucuud ee ku taalla Riyadh .Mr yuusuf waa nin khibrad saa`ida u le cilmiga geela mowduucaasi ayaanan ka waraysannay .

Ogaalonline: marka hore Yusuf, bal wax nooga taabo ahammiyadda  geela, gaarahaan tan uu  ummadda soomaaliyeed u leeyahay?

 

Yusuf:Geela ugu horrayn ilaahay baa caddeeyay ahamiyadda uu  leeyahay oo aayado badan oo quraa`ka ka mida ba lagu sheegay,Somali ahaanna Geelu waxa uu ahaan jiray imikana yahay lafdhabarta dhaqaalaha ummaddaasi ,waxa kale oo uu ahaan jiray shay`ga kaliya ee ay ku dhaataan waxaana taasi ka turjumaysa suugaanta somaliyeed oo uu runahaantii Geelu meel wayn kaga jiro,manta oo ay ummadda somaliyeed qaran la`aan nooshahay inkabadan 15 sanadood waxa ay wali ku sii joogjoogtaayi sidaan qabo waa dakhliga ka soo gela Geela inkastoo loo aanayn karo dhaqaale xumada ka jirta somaliya haatan cunaqabataynta innaga saaran xagga ka gancsiga iyo dhoofinta xoolaha ha ugu horreeyo Geelu`e,markaas dulahaan Geelu waa lagama maarmaan meel kaste oo la joogaba.

Ogaalonline: muxuu kaga duwanyahay Geelu xoolaha kale sida lo`da iyo adhiga?

Yusuf: Geelu waxyaabo badan oo asaasi ah buu kaga duwanyahay xoolaha kale ,tusaale ahaan haddii ha la maalo la yidhaahdo wuu ka caano badanyahay,haddii la yidhaahdo ha la gado( iibiyo)wuu ka lacag badan yahay ,haddii la yidhaahdo ha la qashana wuu ka hilib badanyahay,haddii hoos loo degana waxyaabo yaryar oo badan baa jira sida maalinta uu neefka Geelihi dhalo ilmihiisa xabka kama leefo sida xoolaha kale balse taasi waa howl u taalla nin Geel jirka ah, marka la lisayana labo qof ayaa haaneedda(labada dhicna ka marta oo lista) qofkalena nirigta ama qurbaca ayuu ka qabtaa.xagga samayska iyo abuurkana kollay wuu ka duwanyahay iyo dhinacyo  kaleba.

Ogaalonline: kollay waxyaabo badan baa is beddalay horumarkan maanta awgii,markaa ilbaxnimadu wax saamayna ma ku yeelatay dhaqashadii,qiimayntii iyo tayayntii Geela?

Yusuf:haa walaal Sakariyoow ilbaxnimada iyo hor umarku si xun bay u saamayeen  oo raggii Geela dhiqi jiray ee u gabyi jiray ee macnihiisa yaqaannay manta magaalo ayay ka aadeen oo waxaa dhacday in ninkii 100 Geela lahaa uu kaga tegay nin qowsaar ah ama xidhaale qaate(ciidan) taasoo lexjecladii meesha ka saaraysa,waxaase taa ka daran oo alle qaddaray in loo arko xoolo dhaqashadiiba dib u dhac iyadoo lagu gafsanyahay arrintaasi,kolkaa dulahaan Geelii tiro ahaan iyo tayo ahaanba wuu yaraadday hor u markan reer magaalku gadhayna waxaa muuqata inayna Geela dani ugu jirin.

Ogaalonline: goorma ayaa lagu tilmaami jiray ninka le hanti Geela maalqabeen? ,waxaan kawadaa imisa neef marka uu geeliisu yahay baa la odhan jiray waa hantiile?

Yusuf:inkaste oo ay degaannada somalidu u kala duwantahay arrintaasi,oo ay dhici karto inaad aragtid nin kule Geelaygu waa 100 isaga oo u jeeda inta dhedig oo kaliya oo ka reebaya Rati (Awr) oo dhan noocuu dooniba ha noqdee,haddana dulahaan  waxaa lagu tilmaami karaa ninku marka uu leeyahay tiro Geela (100) iyo wixii ka sarreeya sida 200ama300 uu xilli barwaaqeedna joogo nin  taajir ah oo nolol wacan ku nool dad kalena la noolaan karaan.

 

 

*la soco qaybaha danbe ee waraysigan

 

Zakaria Hussain –ogaalonline- Riyad

Email:murtishiil@hotmail.com

 

 

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter