Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

Madaxda Midowga Afrika ayaa sakay shirkoodi Kow iyo tobnaad uga furmay Magaalada Xeebta ah ee Sharma sheekh


Ogaalonline: Raage Cali Dheere 30 June 2008

Madaxda Midowga Afrika ayaa sakay shirkoodi Kow iyo tobnaad uga furmay Magaalada
Xeebta ah ee Sharma Sheekh ee wadanka Masar. Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa furitaanka shirka ka jeediyay qudbad waxuu ka sheegay Masar in ay ku
qanacsantahay in Qarada afrika ay hayso wadada saxda ah ee ay ku geerayso Hormar iyo
Isku Filnaasho,waxuu kaloo ku nuux nuuxsaday Madaxweynaha Masar adkeenta Golaha
nabad galyada iyo amaanka ee Qarada Afrika taasoo u sheegay in qayb wayn ay ka
qadanayo ka hortagida dhibatooyinka iyo dagaalada ka jiro qarada Afrika .

Sido kale Madaxweyne Mubarak waxuu ugu baaqay Madaxda Dalalka Afrika iyo dowladahooda intaba in ay Midowaan si ay uga hortagi lahayeen dhibaatooyinka ka jira calamka .

Qodobada lahadal hayo ee kulanka maantay soconaya ilaa barito ayaa waxaa hareyay dhibatada Dalka Zimbabwe nabada amniga Qarada Afrika Mushkiladaha Daarfuur iyo Soomaaliya iyowaliba tan Jabuuti iyo Eratarya.

 Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugambe oo canbaareenti ugu xumeyd uga imaanayso dhanka beesha calamka tan iyo intii la qabtay dhawaan doorashadii Madaxtinimada ee ka dhacday dalkaasi .

Golaha nabad galyada iyo amaanka Qarada Afrika ee tabacsan Midowga Afrika
oo ka koban shan iyo toban xibnood oo ka kala socda Dalalka Afrikaanka ah ayaa
Malintii Axada kulan ay ku yesheen Magaalada Sharma Sheekh ee Wadanka Masar kuna
lafa guray dacwooyinka faraha badan ee Midowga Afrika kaga imaanayo dhinaca
Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugambe .Ilo ku dhaw dhaw Midowga Afrika oo u
waramay warbaahinta ayaa xusay Golaha nabad galyada iyo amaanka Midowga Afrika
qadiyada la dhaqanka arinta Mugambe in lagu falanqaynayo kulamada dhacayo Mantay iyo
Barito.

Madaxweynaha Zambiya Mr. Levy ayaa malintii axada la dhigay isbitaal ku
yaalo magaalada Sharma sheekh ee dalka Masar kadib markii xanuun uu ku soo booday
iyadoo hadda la hadal haayo in loo soo qaadi doono magalada qaahira ,walow xaladiisa
ay hadda ay wanagsantahay sida ay sheegayaan warar ka soo baxay dhinaca isbitaalada.
 Mr.Levy Madaxweynaha Zambiya ayaa waxaa la sheegay in uu fahan ka Muujiyay Moqifka
Koxda mucaradka ah ee Zimbabwe ee uu Hogaamiyo Morgan Tsvangaria kadib markii ay dib
uga gurteen wareegi labaad ee Doorashada Madaxtinimada ee ka dhacday dalka Zimbabwe
 

Waxaa kaloo lagu soo qadayaa shirkaan xiisadaha ka jira Dalalka Afrika ay ugu
horeyso dhibaatada Darfuur ee dalka Sudaan tan Jabuuti iyo Eratarya ee dhanka
Xaduuda iyo arimaha Soomalida oo la filayo in laga hadlo kulan kaasi iyado waliba la
sugayo kulanka Kow iyo tobnaad ee Midowga Afrika in ay qaraaro gaaari doonaan
dhibaatooyinka ka jiro Qarada Afrika . Waxaa Muuqata in shirkaan xoogiisa uu u batay
dhinaca arimaha Zimbabwe iyo dhanka Jabuuti iyo Eratarya mana muuqata in arimaha
Soomaaliya la siinayo culays saas u wayn waxaana muuqata in madaxweyne C/laahi Yusuf
iyo waftigiisa ay shirkaan ku soo hungoween waliba ayagoo filayeen in Madaxda Afrika
ay waydiistaan mar labaad Ciidamadii Midowga Afrika ee hore looga Balan qaaday .
 

Raage Cali Dheere

  raagenews@hotmail.com

Qaahira -Masar

 

 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter