Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

 

Dowlada ku meel gaarka oo magacowday xubnaha shirka djibouti uga qayb galaya

 

Ogaalonline: Muqdisho  8 May 2008
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magacawday xubnihii ugu qeybgeli lahaa wada hadallada Jabuuti ka furmaya 10-ka bishan
ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha ay Dowladda u  Magacaabatay wada hadalladaas ay ka mid yihiin:

 

1- Wasiirka Dib u heshiisiin Maxamed Cabdi Ashkir

2- Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud

3- Wasiirka Howlaha Guud Nuur Iidow Beyle

4-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd

5- Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil

6-Xildhibaan C/raxmaan Jaamac

7-Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed

8-Xildhibaan Ibrahim Garabey

9-  Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse.

waxayna xubnaha wafdigan saacadaha soo socda u duulayaan Dalka Jabuuti.

Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo isna laga sugayo guddi 7 xubnood ah oo shirkaas uga qeybgelaya ayaan ilaa iyo haatan laga heynin xubno uu wada hadallada u soo magacawday, iyadoo ay ba jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu Isbaheysiga codsaday in shirka dib loogu dhigo ilaa 21ka Bishan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah uu aad ugu dadaalayo sidii uu shirkaas u qabsoomi lahaa mudadii loogu talagalay oo ah 10-ka bishan.

Ugu dambeyntiina, Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Soomaaliya.

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter