Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

Shirweynihii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka furmay


Ogaalonline: 1 July 2008
Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxaa saaka ka bilowday Shirweynihii labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, inkastoo shirkaasi aysan ka qeybgelin Xubno Isbaheysiga ka tirsan oo weli sii jooga Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta  ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qeybgaleen in ka badan 100 Xubnood.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu intaas ku daray in Shirweynaha ka furmay Magaalada Djibouti ay xubnaha ka qeybgelaya ka doodi doonaan Islaamka iyo Siyaasadda, Qaab dhismeedka Bulshada Soomaaliyeed iyo qodobo kale, wuxuuse sheegay in ajendayaasha rasmiga ah ee shirka dib loo dhigay ilaa muddo todobaad ah, xiligaasi oo ay shirka ka soo qeybgeli doonaan Xubno 48 Xubnood gaaraya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasi oo haatan ku sugan Dalka Yemen.

48-ka Xubnood ee ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxay Yemen u tageen in ay ka qeybgalaan Wada hadallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee is-khilaafay.

Haddaba iyadoo uu maanta Jibouti ka furmay Shirweyne ay leeyihiin Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa iyana shirweyne midkaas la mid ah qaban doona Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ku sugan Magaalada Asmara, kuwaasi oo uu shir guddoomiye u yahay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, wuxuuna shirkaasi bilaaban doonaa 3-da bishan July.



 

 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter