|
Shirkani oo uu shir
gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Isbahysiga
DR.Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaana looga hadlayay
u diyaargarowga shirka la filayo in uu dhaco 03/07/2008
kana dhaco xarunta Isbahysiga ee Magaalada Casmara.
Waxaana ugu horeyn halkaa ka
warbixiyay Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabada Sh.Xasan
Mahdi isagoo ka warbixiyay halka ay marayso diyaarinta
shirka iyo dastuurka taas oo uu sheegay in ay soo
dhameeyeen howshooda waxa uuna Gudoomiya amaan u soo
jeediyay gudiyadii la shaqaynayay.
Sidoo kale waxaan wax ka
waydiinay halka ay marayso qabanqaabada loogu diyaar
garoobayo qabsoomida shirkaasi Ku simaha Gudoomiyaha
Guddiga Warfaafinta Mudane Maxamed Xaashi waxuuna
sheegay in dhammaan guddiyada qabanqaabada ee shirka ay
soo diyaariyeen dhamaan howlahii laga sugayay, isla
markaana uu shirku dhici doono 3/7/08 oo ku aadan
maalinta khamiista ah.
Mudane Maxamed Xaashi waxa
uu intaa raaciyay inay ku soo qulqulayaan xarunta
Isbahaysiga ee Casmara xubno badan oo ka tirsan xubnaha
golaha dhexe ee Isbahaysiga xalayna ay soo gaareen xubno
uu ka mid yahay Shiiq Cabdulaahi Cali xaashi.
Gunaanadkii shirkaa ayaa
waxaa ka hadlay ku simaha Gudoomiyaha Isbahaysiga
mudane Zakariye Maxamuud Xaaji asagoo ku amaanay
shaqadii ay soo qabteen kuna booriyay inay sii laban
laabaan dadaalkooda la xariira qabsoomida shirka.
Xaafiiska
Warfaafinta ee ARS
Casmara June
30, 2008
|