Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

  Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Ciise oo Faraskii ka degay  

Sheekh Maxamed Idris Axmed :Port Elizabeth, South Afrika
Allaha casiiskaa ayaan weydiisanayaa inuu Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, iyo Sh. Saciid Yaxye iyo Culimadii iyo dadkii kale ee lagu Xasuuqay Masjid Al Hidaaya, u Naxariisto, Shahaado u Aqbalo, Jannaatul Firdawsna hoygooda ka dhigo. Eheladoodi, bahda dacwada, iyo muslimiintana, samir iyo iimaan Allah ka siiyo.
Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, ayaa xabashidu ku dishey Masjid, isaga iyo rag kale, waxaa igu salaamay, walaalihii igu soo dhoweeyey airportiga magaalada PE ee dalka South afrika galabta markii aan kasoo degey, anoo shalay dhan safar ahaa. Wuxuu khabarku igu noqday fajac, waxaanan soo xusuustay Sh. Cabdillaahi, iyo Muddada dheer ee aan wadada dacwada ee dheer ku walaalowney, xeshu milix noqonay, oo gurigiisa imaaraad aan
wax badan booqday, isna makka gurigayga wax badan ila soo degey.

Sheekhu wuxuu ahaa, daaci weyn, faqiih cilmi badan, jaamacadda Madiina casrigeedii dahabiga ahaana wax ku soo bartay, xilligii ay Joogeen Culimadii waaweynayd ee Sh. Ibnu Baaz iyo Sh. Shinqiidi Raxmatullaahi Calayhim ajmaciin iyo culima kaloo fara badnayd.

Sh. Cabdilaahi waxaanu is baranay, dhawr iyo labaatan sano muddo laga joogo, intii ka dambeysana dacwada islaamka ayaanu ku walaalowney, waxbadan waxaanu ku rafiiqnay, sucuudiga, imaaraadka iyo soomaaliya intaba.

Sh. Cabdillaahi waxaanu isla wadaagney waqtiyaal badan hawla dacwadeed, wax badan ayuu nagu soo dhoweeyey gurigiisi imaaraadka intaan laga soo musaafurin, marxalada adag oo dacwadu soo martayna waan isla soo marnay, rag lays qabto iyo rag la heshiiyo, intaba waan isla soo aragnay, mar kasta, waxaanu lahayn xiriir walaaltinimo oo wanaagsan, waxaana isugu kaaya dambeysey xilliyadii maxaakimtu muqdisha joogtey.

Sh. Cabdillaahi, Allaha u naxariistee, astaanta ugu weyn ee aan ku bartay mudadaas dheer, wexey ahayd, Qalbiga wanaagsan, (salaamatu sadriga). Wuxuu ahaa nin aad u qalbi fayow, waji furan oo bashbaasha leh, soo dhoweyn fiican, deeqsiya, nin kastoo ay fikrad isku qabtaanna u qalbi san, waana mid aan qof walbaa heli Karin.

Sh. Cabdillaahi, Wuxuu kaloo ahaa, nin aad ugu adeega walaalihiisa muslimiinta, oo kii baahan, kii shafaaca u baahda, kii dhibaatu ku jira, kii in wax lala furdaamiyo raba, intaba u jajaban, oo u adeega, oo wax la qabta.

Allaha weyn ee casiiska ah waxaan ka baryayaa inuu Sh. Cabdillaahi Jannaatul Firdows geeyo, Annaga iyo Eheladiisiina samir iyo iimaan naga siiyo.

Cadowga Xabashida ee ummadda Muslimkaa ee Soomaaliyeed Masaajidda iyo Magaalooyinka ku gummaadeysana Ilaahay dhabarka haka jebiyo, iyaga iyo inta u adeegta ee Muslimka dhibkiisa gacan ku siisa.

Waxaa waajib ku ah, ummadda soomaaliyeed iney cadowgaas foosha xun meel uga soo wada jeestaan, tafaraaruqana ka tagaan, si Ilaahay ugu naxariisto, guushana u haleelsiiyo, Inshallaahu goorey ahaataba Xabashi waa tii jabta, munaafiqna naxdin u dhinta!

Sheekh Maxamed Idris Axmed
Port Elizabeth, South Afrika
 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter