|
|
|
|
|
|
Wasiirka Arimaha
dibada ee dowlada ku meel gaarka oo la kulmay Soomalida Norway |
|
Ogaalonline:
Oslo- 2 May 2008
|
xubno ka tirsan
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa qaban
qaabiyay kulan uu ka qayb qaatay wasiirka Arimaha dibada
ee dowlada ku meel gaarka ah,kaas oo lagu qabtay
(Holmenkollen Hotel-Oslo)oo aheyd goobtii lagu soo
gaba-gabeeyay,kulankii ay kooxda (Contact-Group)kaga
hadlayeen arimaha Soomaaliya.
Kulankan oo ay kaqayb galeen qaybo kale duwan oo ka mid
ah jaaliyada Soomalaiyeed ee dalka Norway, ayaa lagu
laga guray arimo badan oo lug ku leh arimaha Soomalaiya. |
|
Sheekh Axmed Maxamed
(Sheekh-Beyra)oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa
xafladda ku furay aayado quraan ah,wuxuuna kula
dardaarmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey iyo
dhamaan umadda Soomaaliyeed,inay gacmaha is
qabsadaan,kana shaqeeyaan sidii |
 |
|
loo heshiisiin lahaa
kooxaha isku-haya siyaasada Soomaaiya,isagoo ka codsaday
labada-dhinac inaysan qori-caaradiis waxba ku
raadin,wuxuuna Wasiirka kula taliyay,hadii aysan wanaag
u heyn umadda Soomaaliyeed inay ka hor-wareegaan oo ay
is-casilaan
Sheekha kadib waxaa
maykarafoonka lagu soo dhaweeyay aqoonyahan iyo
indheergarad kasooqayb galay xaflada oo ay ka mid
ahaayeen,Marwo Fawsiya Maxamed Xaashi oo iyadu ah
aqoonyahanad,si weyn looga qadariyo dalka Norwey,ahna la
Taliye madaxbanaan oo dawlada Norwey u qaabilsan dhanka
arimaha mujtamaca Soomaalida, |
|
waxa kale oo
maykarafoonka la wareegay
Xildhibaan ka tirsan Gobolka Oslo, Professor Siyaad
Mursal,waxa sidoo kale hadalka qaatay Gudoomiyaha
Qurbo-Joogta Soomaaliyeed ee dalka
Norwey(Somali-Diaspora-Organization) Dr-Cabdi-Wahaab
Maxamed Saciid .
ugu danbeayntii Wasiirka
ayaa warbixin guud oo ku saabsan |
 |
|
siyaasada dawladiisa siiyay
dadwaynihiii kulankaka soo qayb galay,shirka oo ku soo
beegmay waqti ay soomalaiya marayso meel aad u xasaasi
ah, ayaalafilaayay in kulanku aad u kulanaan doono
haseahaatee waxa uu ku dhamaaday jawi deganaansho ka
muuqato. |
|
|