|
|
|
|
|
|
Wasiirka Beeraha
Soomaliland oo ay ganaaxeen Booliska ilaalada wadooyinku |
|
Ogaalonline:
Hadhwanaagnews , 2 May 2008
|
Ciidanka ilaalada Wadooyinka Somaliland ee loo yaqaano
taraafiga ayaa maanta ganaaxay Wasiirka Beeraha Md.Aadan
Axmed Cilmi(Dhoola Yare) kadib markii uu si khalad ah u
jid-gooyey Wadada faras magaalaha ee Caasimada Hargeysa,
isagoo wakhtigaa wasiirku watay gaadhi khaasa oo uu
isagu waday. Isla markaana uu istaagay meel khalad ah,
kadibna ay Ciidamada wadooyinka ayaa istaajiyey oo ku
dhawaa.
|
|
 |
|
Wasiirka oo la ganaaxayo |
Wasiirka waxay ku ganaaxeen qadar lacageed oo dhan 21,
000 00mshlinka Somaliland ah una dhiganta ilaa lacag ku
dhow $3 Dolar. Isaga wakhtigaa Wasiirka markii la
ganaaxay taagnaa agagaarka Hotelka Gar-gaar oo uu
halkaasi ka iibsanayay qaar ka mid ah jaraa’idka dalka
soo baxa, waxaanay Ciidanku sheegeen inuu khalad ka
galay sharciga u yaalla wado marista, gaar ahaana
qodobkiisa 11aad.
Boon Cabdilaahi Maxamed Siciid oo ka mid ah Ciidamada
taraafiga wadooyinka Somaliland ahna taraafigii ganaaxay
Wasiirka oo aanu maanta si kadis ah kula kulanay wadada
faras magaalaha isagoo wakhtigaa ganaxaayey Wasiirka
Beeraha Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolya yare] ayaanu
waxaanu weydiinay sida ay wax u dhaceen iyo warqada uu
wasiirka u goyey waxaanu yidhi “Wasiirku waxa uu ku
xad-gudbay qodobka 11aad Xeerka nabadgelyada wadooyinka,
run ahaantiina hadaynu nahay reer Somaliland waxaynu
dhiganay xeer dhigaya “Sharciga Waa loo siman yahay” ama
Wasiir ha ahaado ama Shacab ha ahaado”
Mar uu ka hadlayey waxa uu ku ganaaxay Wasiirka waxa uu
yidhi “ Wasiirka Waxaanu u jarnay sadex Juwan oo waxa
noo keenta Dawlada Hoose waxaana ku qoran midkiiba 7,000
Shilinka Somaliland, ah oo u dhiganta 21,000 Shilinka SL
ah una dhiganta $3, kadib markii uu jabiyey qawaaniinta
jabiyey wada marista, gaar ahaan qodobka 11aad ee xeerka
wada marista Wasiirkuna [Aadan Dhoolayare] uu aqbalay
ganaaxaas, arrintanina waxay muujinaysaa inaanu qofna
sharciga ka weynayn oo uu qof walba uu sharcigu hayo”
Intaa kadib waxaanu wax ka weydiinay Wasiirka Wasaarada
Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] oo
aanu isaga kula kulanay iska meeshi lagu ganaaxay sida
ay wax u dhaceen, iyo waxa lgau ganaxay“Horta Sharciga
waa loo siman yahay, anaguna [Wasiirada] ama shaqo ku
jir ama caadiba ahow maanta waa fasax, oo waa 1 May
aniga oo si kadis ah Gar-gaar hotiisa jaraa’id uga
iibsanayaa, taraafigu waxay ii sheegeen inaan wadadii
gooyey, aniguna si wanaagsan ayaan u aqbalay iyaguna way
I garanayeen. Markaa waxaan leeyahay Sharciga cidina
kama weynaa haduu yahay Madaxweyne iyo haduu wasiirba
yahay, markaa sharcigu uu naqabanayaa oo cidna kama
sareyno waana in lii hogaansamo”
“Anigu askarta iskuma sheego oo ma idhaahdo qofka
noocaas ah ayaan ahay ama mansabkaa ayaan hayaa kii
igartana ahlan wasahlan, kii kalena waa inuu Waajibkiisa
guto, haduu yidhaahdo [Taraafigu] gaadhiga dhinaca dambe
fur, leydhka shid amarkiisa waan qaataa, waayo waxa
weeyaan maaha inaan shaqadooda hor-joogsado” ayuu yidhi
Wasiirka Beeruhu
Waxa uu intaa raaciyey Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare
inaanay arrintani ku koobnayn naftiisa oo kaliya, balse
uu kula dardaarmayo Madaxda kale ee la mid ah inay
sharciga u hogaansamaan oo ay waajib tahay. “Wasiirkuna
shaqadiisa ayuu qabsanayaa Askariguna shaqadiisa ayuu
qabsanayaa, markaa in la isugu hanjabo Madax ayaan
ahayee inuu ninkasta oo madax ahi uu u xisaabtamo inuu
yahay muwaadin caadiya oo aanu sharciga ka weynayn
Hadhwanaagnews.com
|
|
|
|