Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

Maamulka Puntland oo eedayn dusha uga tuuray Q.M.


Ogaalonline: 5 July 2008
Golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Puntland ayaa si wayn u dhalliillay hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya Puntland, masuuliyiinta maamulku waxay sheegeen inaan la fulin inta badan mashaariicdii horumarineed ee gobolka loo qoondeeyay sannadkii la soo dhaafay
Saraakiisha qaramada midoobay iyaguna waxay sheegeen in mashaariicda baaqday ay sababtay ammaan-xumida ka jirtay Puntland muddooyinkii dambe

Kulanka ay maanta isku arkeen maamulka Puntland iyo qaramada midoobay

cadde

oo lagu qabtay xarunta jaamacadda PSU ee Garowe waxaa ka qaybgalay dhammaan xubnaha golaha xukuumadda Puntland oo uu ku jiro Madaxweyne Cadde Muuse, waxana lagu tilmaami karaa kii ugu adkaa ee abid dhexmara xukuumadda iyo qaramada midoobay marka laga eego doodihii la soo jeediyay.

Madaxweyen Cadde Musue ayaa isaguna ku raacay golihiisa wasiirrada in hay’aduhu aanay wax muuqda ka qaban qorshihii horay loogu ballamay isla markaasna qaramada midoobay ay dib uga fiirsato qaabka ay wax u waddo.

Doodaha dhacay waxay ka dambeeyeen ka dib markii Qaramada Midoobay ay soo bandhigtay waxbaqabadkeedii sanadkii la soo dhaafay oo ay ku saleeysan qorshe horay ay labada dhinac ugu ballameen fulintiisa waxayna qaramada midoobay sheegtay inay gobolka ku bixisay dhaqaale aad u fara badan.

Laakiin waxaa taas ku gacan sayray dhammaan masuuliyiintii dawladda ee kulankaas ka qaybgalay, wasaaradaha qorshaynta, cadaaladda, ammaanka, arrimaha gudaha, warfaafinta, shaqada iyo shaqaalaha, iyo agaasinka miino-saarka ayaa dhammaantood waxay sheegeen inaan waxba laga qaban dhammaan mashaariicdii ay qaramada midoobay ballanqaaday fulintooda sannadkii la soo dhaafay.

 

 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter