Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

WARAYSI AF HAYEENKA URURKA AL ISLAAX DR.DUSUQI

Waraysiga waxa qaaday : khadar Hussein

waxa shabakada Ogaalonline u suurto gashay in ay waraysi la yeelato Dr.Ibraahin Dusuqi oo ah af hayeenka ururka Al Islaax, kana mid ah dadka u ulaleeya nabadayta shacbiga dagaalku daashaday,isaga oo isla markaasna ah dhakhyar wayn oo can ah wax qabadkiisa iyo u gargaarida dadka tabaalaysana cid walabaa markhaati uga tahay.

hadaba waraysiga oo dhinacyo badan taabanaya, xaqiiqooyin qarsoona shaaca ka qaadaya waxa uu u dhacay sida tan soo socota.

OGAALONLINE: Dr.Dusuqi marka hore ku soo dhawow shabakada internetka ee Ogaalonline?

Dr.Dusuqi: Mahad and xad lahayn Allah ayey u sugnaatay, kadib bogga internetka Ogaal Online waa salaaman yahay, mahadna wey u dheertahay.

inta aanan waraysiga u galin waxa aan jeclaan lahaa in aan ka hor mariyo horu dhacan kooban:

Xaaladda uu maanta marayo dalka Soomaaliya waa mid halis ah, waa meel qorigu qooqan yahay, muruquna dooba dhabayo, caqliga iyo mandiqana lagu jees-jeeso, waa meel uu ka hanaqaaday mabda` guracan ee dhahaya “Kaan aniga ila jirin waa cadow”.

Jawi sidaasi u calawsan ayuu ururka Al-Islaax ka shaqeeyaa, uus iyo dhiig dhexdoodana caano dhaay ah ka lisaa ama malab, xabag barasha ah ka miiraa, umana aabayeelo, axna ma yiraahdo markay haleesho micida shinidu, Illaa uu ka gun gaadhayo ujeedooyinkii loo dhisay, ee ahaa dhisidda qofka Sommaliga iyo bulshada Soomaaliyeed oo sumcad, sharaf iyo karaamo ku leh Beesha caalamka, kuna talaabsata horumar dhinac walba ah, isla markaana Kitaabkeeda ku haysata gacanta midig.

OGAALONLINE: marka hore waxaan jeclaan lahayn Dr.ibraahin Dusuqi in akhristayaasha sharax gaaban ka siiso waxa uu yahay dhaqdhaaqa islaamka soomayeed ee geeska afrika, dadbadana u yaqanaan ISLAAX?

Dr.Dusuqi : su'aasha ku saabsan Islaax maxay tahay? waxaa ka qaldan oo sixid mudan, Magaca oo ah: Dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed oo qura (Geeska Afrika) waa khalad waana looma noqdaan.

Haddaan si kooban uga jawaabo su`aashan: Islaax waa urur Soomaali ah, wadani ah, xerudhalan ah (Indigenous) Facweyn, Baaxadweyn, oo ka howl gala Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xubna ay ka yihiin dad ka soo jeeda qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo dhan, beel Soomaaliyeed oo ka maqan majirto, boqolkiiba boqol waa aqoon yahanno, rag iyo haween waa loo siman yahay, waa ururka abid Soomaali yeelato ee ugu dhaqmid badan.

Mabda`a “Talo Wadaagga” waa urur dhowrkii sanaba doorta madaxdiisa, doorashada ururkuna waa tan ugu hufan ee lagu fikiri karo.

Ujeedooyinka loo dhisay ururka waa dhisidda qofka Soomaaliga ah si loo gaadho bulsho Soomaaliyeed oo aqoon, ilbaxnimo, horumar dhinac walba leh gaadhay, isla markaasna ku heysata Kitaabkeeda Kariimka ah gacanta Midig.

Ugu dambeyntiina la helo dowlad hirgelisa hannaanka loo yaqaano “Dowlad wanaagsan” ee ka kooban 8-da qodob.

OGAALONLINE: ma noo sheegi kartaa islaax waxa ay shacbiga soomaliyeed ee dagaalku daashaday u qabatay mudadii dagaalada sokeeyo hurayeen mudadaas oo ah intii ay si fiican saaxada ugu soo muuqatay?

Dr.Dusuqi : Islaax waxay bulshada Soomaaliyeed u tartay ma ogi cid abidkeed u tartay, xataa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo xukumay ma aysan gaadhin heerka wax qabad ee Al-Islaax haddii laga fiiriyo dhinaca adeegyada bulshada, maxaa yeelay maamuladu canshuur xoog leh ayey ka qaadi jireen Bulshada, sidaa darteedna wax ka midah hantidoodii ayeey maamuladoodu ugu adeegi jirtey bulshada.

Al-Islaax bulshada canshuur iyo qaadhaan toona kama qaadin, isla markaa degmo kasta oo dalka ka mid ah Koonfur iyo Waqooyi waxay ka haqabtirtay waxbarasho tayo badan, sidoo kale daryeel caafimaad oo lacag la`aan ah sida ciribtirka Cudurka Qaaxada, waxay u ololeeyaan mashruuc indho fiiqid ah oo kumanyaal indho la` bilaash loogu fiiqayo, iyo gurmad deg-deg ah markii cudurada faa-faa ka dilaacaan meel dalka ka mid ah.

Ururka Al-Islaax qeybihiisa kala duwan waxay bulshada Soomaaliyeed u qodeen boqolaal ceel biyood si baahida biyood wax looga qabto.

Sidoo kale boqolaal masaajid iyo Dugsiyo Quraan ayaa loo dhisay bulshada Soomaaliyeed.

Kumanyaal agoon ah aya la kafaalo qaaday.

Dibu-heshiisiinta iyo daminta colaadaha waa waxyaabaha bulshada Soomaaliyeed ku taqaano Al-Islaax.

Gurmad deg-deg ah ayaa lagu yaqaanaa Al-Islaax markii abaar ama masiibooyin kale oo dabiici ah ku habsadaan qayb ka mid ah bulshada Soomaliyeed, sida abaartii sanadkan ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah Goboladda Koonfurta.

Ugu dambeyntii Al-Islaax waa codka u taagan soo celinta Qarankii Soomaaliyeed.

OGAALONLINE: muxuu yahay mowqifka ISLAAX ee

maxkamadaha islaamka? mase ka mid yihiin hogaamiyaasha

maxkamadahaas?

Dr.Dusuqi :Al-Islaax malaha waxana kuma laha Maxaakiimta Islaamiga ah.

OGAALONLINE: waxa maalmahan qaar ka mid ah warbaahinta

soomalidu farta ku fiiqeen in ISLAAX dagaalka daraf ka

tahay arintaas maxaad ka leedahay?

Dr.Dusuqi : Al-Islaax waa urur nabadeed, mana hubeysna, si weyna waxay uga soo horjeedaa Isdilka, Dirirta, Dulmiga, Soomaalida dhexdeeda ah, taariikhduna waxay markhaati ka tahay aakhiro iyo adduunyo beel mooyee inaan wax kale laga helayn dagaal sokeeye oo muslimiin u dhexeeya.

Sidaasi darted, ururka Al-Islaax weligii kama qeyb qaadan, lugna kuma yeelan dirir u dhexeysa Soomaali dhexdeed, marka wixii sidaas ka duwan waa been qaawan..

OGAALONLINE: hadaan u soo laabano ISLAAX iyo dowlada

ku meel gaarka ah maxay tahay calaaqada ka dhaxaysaa?,

taageero intee leeg ayayse ISLAAX u haysaa dowlada ku

meel gaarka ah?

Dr.Dusuqi : Ururka Al-Islaax wuxuu rumeysan yahay in lagama maarmaan tahay in Qarankii Soomaaliyeed dib loo soo celiyo, wuxuuna ururku si aan kala hadhis lahayn u taageerayaa Dowlad Soomaaliyeed oo dhalata, ilaalisana Qaranimada Midnimada iyo sharafta dalka.

Marka isaga oo mabda`aas laga duulayo wuxuu Ururku taageeray (T.F.G) welina waa taageersan yahay.

Laakiin taageerada ururku maahan tii guulwadayaasha, balse wixii wanaag ahna waa ugu hambalyeynayaa, wixii qaldanna waa uga nasiixeynayaa.

OGAALONLINE: maalmo dhawayd waxa shaaca laga qaaday in

wafdii ISLAAX ka socda oo aad adigu ku jirto iyo

Madaxwaynaha Xukuumada ku meelgaarka ah baydhabo ku

yeesheen shir, shirkaas maxay ujeedadiisu ahayd?

maxaase ka soo baxay?

Dr.Dusuqi : Wey jirtaa in wafdi Al-Islaax ah, Madaxweynaha Ra`iisalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka si gooni gooni ah ay ugula shireen magaalada Baydhabo horaantii bishii March, dowladu iyadaa na casuuntay kadib markii aan dhambaal halbalyo ah u dirnay oon ugu hambalyeynay heshiiskii Cadan ee keenay labadii garab ee dowladdu ukala jabtay dib isugu soo noqdaan.

Kulamadaasina waxay ku dhamaadeen is afgarad iyo jawi wanaagsan iyo saaxiibtinimo.

OGAALONLIEN: Xilalka ka qaar ma loo magacaabay Islaax sidii xukuumada tan ka horaysan ee carta lagu soo dhisay?

Dr.Dusuqi : Wax xilal ah ma anaan weydiisan dowladda, laakiin labada golaba waan ku jirnaa.

OGAALONLIEN: halkee ayuu ku danbeeyay golihii dib u

hishiisiinta ee aad asaasteen ?

howshiise wali ma socotaa? wax qabadkiisa wax ma ku

xusi kartaa?

Dr.Dusuqi : Golaha dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed sidiisii ayuu u shaqeeyaa, maalin walbana wuxuu u taagan yahay hadafkii loo sameeyey.

Meel kasta oo dab colaadeed ka taagan yahayna wuxu u taagan yahay dhamaynta colaadaas, Banaadir iyo Hiiraan maanta waxaa ka socda dadaalo howlwadeenada Goluhu ka wadaan si loo damiyo dabka holcaya.

OGAALONLINE: ma aaminsan tihiin in somaliya AL QACIDA

ku dhuumanayso?

Dr.Dusuqi : Ma hayno macluumaad dhab ah oo lala shir tagi karo oo sugi kara ama beenin kara arrintaa.

OGAALONLINE:  dagaalka xamar ee maatida aadka ugu

leedatay yay dani ugu jirtaa ayaad u malaynaysaa?

Dr.Dusuqi : Dagaalka ka soconaya maalmahan Xamar Soomaali dan uma aha, waxaa kale oo filayaa inuusan cidna dan u ahayn, maxaa jira cid ujeedo micno leh ka gaari kartaa ma jirto. Waxa ku baaba`ayaana waa Bulshada reer Banaadir.

OGAALONLINE:  isku dayn intee leeg ayaad samayseen

dagaaladan hada sidii loo damin lahaa?

Dr.Dusuqi : Waxba iskulama hadhin siddii loo damin lahaa mana ka daali doonno InshaAllah.

Waraysiga waxa qaaday : khadar Hussein

 

 

 

 

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter