Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

WARAYSI MADAXA WAFDIGA MIDOWGA MAXKAMADAHA ISLAAMKA

DR.Maxamed Cali Ibraahim

Waryasi dheer oo ay la yeelatay Ogaalonline Dr. Maxamed Cali Ibrahin Madaxa wafdiga Midowga Maxkamadaha Islaamka ee shirka Khartoum ayaa noo suurto gashay in aanu waraysi kaga soo qaadno Huteelka uu degan yahay ee Hilton caasimada Khartoum

Ogaal online: marka hore Dr maxamed ku soo dhawow shabakada Ogaalonline

Dr. Maxamed: waxa aan aad ugu faraxsan ahay kuna dhawahay shabakda ogaal una mahad celinayaa shaqaaleheeda

Ogaal online:Dr Maxamed marka hore maadama oo aad ka mid ahayd masuuliyiinta Islaax ayaad shirka u matalaysaa ma Midowga Maxkamadaha Islaamka mise ururka Islaax?

Dr Maxamed: waxa aan shirka u matalayaa dhamaan shacbiga soomaliyeed ee rayidka ah, aniga oo fiirinya danaha dalka iyo dadka soomaalaiyeed, ahna muwaadin waajibna ay ku tahay ninkasta oo soomaaliya in u daneeyo danta guud ee Umada iyo ta dalka somaliyeed.

Ogaalonline: waxa ururka islaax ee aad ka mid tahay ka soo saaray bayaan ah in aadan ka tirsanayn xarakada, shirkana mageeceda ku matalayn sideed u aragtaa?

Dr.Maxamed: "oo su'aasha ka gaabsaday in uu ka jawaabo" waxa uu ku soo koobay waxaan eegayaa danta guud ee Umada waxaana mihiim ah in la fahmo danta rayidka.

Ogaalonline: ma dhici kartaa in aad ku dhawaaqdid dhaqdhaqaaq cusub oo islaami ah ?

Dr.Maxamed: gadaal ayan arintaa u dhiganay walina go"aan kama bixin karo, faahfahin intaa ka badana hada idinkama siin karo.

Ogaalonline: khilaafaad intee leeg ayaa idiin dhaxeeya idinka iyo maamulka xarakada ee hada xilka haya? Qodoboda khiilaafka maxaase ka mida ?

Dr Maxamed : 'Dr ka oo si buuxda su"aashas uga cudur daartay in uu ka jawaabo" waxa yidhi dhamaan saaxafadu su"aashas way i waydiiyeen laakiin hada kama jawaabi karo.

OgaalOnline: maalin dhawayd bayaan ayaad soo saartay dhaleecayn kululna u soo jeedisay maamulka islaax adiga oo ku eedeeyay in uu ka gaabsaday in uu mowqif ka yeesho dhacdooyinka dalku maraayo maxaa kugu kalifay?

Dr Maxamed: su"aashaas iyo ku la mida waxaan jeclaan lahaa in aad mar kale dib iiga dhigtaan .

Ogaalonline: ma waxa aad u ololaynaysaa in inqilaab lagu sameyo hoogaanka hada xarakada maamula ?

Dr Maxamed: maya wax inqilaab ah oo aan samaynaynaa ma jiraan ee waxa aan dhisaynaa oo kaliya waa qaranka umada somaliyeed, dhamaana aan maas'uul ka wada nahay , mamulka xarakadana wax inqilaaba oo aan ku haynaa ma jirto mana ku talo jiro.

 

 

Ogaalonline: sided u aragtaa is badalka xamar ka dhacay?

Dr Maxamed: dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa ay ka leeyihiin hal aragti kacdoonka xamar ka dhacay oo ah in uu yahay faraj khayr qaba oo uu ilahay u soo saray Umada Soomaaliyeed ana aragitadaas ayaan la qabaa shabacka waxaanan qabaa in u yahay is badal rabani ah guulna ku dhamaan doona, is badal kasataana waxa uu leeyahay dadkiisa iyo ragiisa, maanta ilahaay waxa uu xamar uga furtay hogaamiye kooxeedyadii si fudud waana arin lagu farxo

Ogaalonline: haw galka maxkamda miyaad ka mid ahayd tan iyo bilawgii mise hada ayuun baad matalaysaa?

Dr Maxamed: si shucuuriya ayaan uga mid ahayn ilaa hadana waan ka mid ahay, danaha dalka awgeed.

Ogaalonline:yaa kuu soo magacagay in aad shirka maxakamdaha u matalsho?

Dr Maxamed: iska dhaaf su"ashaas

Ogaalonline:dad badan oo kacdoonka hada socda mugdi uga jira ayaa jira , kalsooni intee leeg ayaad ku qabtaa in uu guulaysan doono kacdoonkani?

Dr Maxamed: waxa aan aad ugu kalsoonahay anagoo ilahay ku kalsoon in kacdoonkani noqon dooni mid ku dhamaada guul ay ku reeyaan dhamaan shacabka somaliyeed 100% ducana ku soo dara

Ogaalonline: hishiiska hada la gaadhay rajo intee leeg ayaad ku qabtaa in uu guulaysto?

Dr Maxamed: rajo aad u balaadhan ayaan ku qabaa in uu socon doono heshiiskani, dawladana waxaanu kula heshiinay wixii aan isku af garanay waanan ku rajo wayn ahay in uu socon doono.

Ogaalonline: qodobka ugu khilaafka badnaa ee idiin dhexeeyay dowlada ee ahaa in la keeno ciidamo shisheeye aragtidiina maxay tahay iyadoo dawladuna siinayso tix galin in la keeno ciidan shisheeye?

Dr Maxamed: ma ogolin in la keeno ciidan ajaanib ah marna dalkeena iyo dadkeena inaga ayuu noo bahan yahay, marka ma ogolaan karno in la keeno ciidan ajaanib ah waan u sheeganay dawaladana

 

Ogaalonline:caqabadaha maxkamadaha ku soo fool leh wax ma ka taaban kartaa ? sidee ayaadse u malaynaysaa in guusha la hantay looga ilaalin lahaa in ay dhicisowdo?

Dr Maxamed: howl walba waxa ay leedahay caqabaad, kuwa ka hor iman kara maxkamadahana way badan yihiin waxaana ka mid ah:

1- iyadoon jirin imkinaayad wax qabad ha ahaado maadi ama wax kaleba

2- hogaamiya kooxeedyadii laga saaray wadanka iyagana waa caqabad markasa hortagan una bahan in la xaliyo

3- In dib loo hagajiyo dhamaan hantidii wadanka ee burbrtay tan dadka iyo ta dawlada labadaaba oo u baahan dadaal aad u badan

4 -waxa kale oo ka mida in la siiyo dhaqan celin dhalinyarada hubka wadatay lagana dhigo, loogana badalo qalin iyo shaqo.. iyo qar kale oo badan

Waxa looga ilalin karaa midnimo iyo muwadinmo buuxda oo lala yimado iyo dawlada oo ilaalisa heshiiyada iyo danaha dadka iyo dalka.

 

Ogaalonline: dawlada suudan iyo aradayda joogta soo dhawayn intee leeg ayaad kala kulanteen ?

Dr Maxamed: waxa sharaf ku dheehan tahay in dawalada sudan iyo shacabkeeda ay noo soo dhaweeyeen si sharaf leh waana mid aanu ka filaynay waa mid aan la ilawi Karin waxanan aad ugu mahad celinaya madaxwaynaha dalka Cumar Xasan Axmed Al Bashiir, iyo shacbigiisa .

sidoo kale waxa mudnaan mudan ardayda Soomaaliyeed ee Sudan oo ah arday tayo leh sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen waanad ku mahadsantihiin

Ogaalonline: ugu danbayn akhristayaasha waraysigan wax fariin ah maxaad u gudbinaysaaa gaar ahaa jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbaha ku nool?

Dr Maxamed: dhamaan dadka ku nool qurbaha iyo kuwa wadanka joogaba waxa aan gaadhsiinayaa in ay wadaninimo ku beeraan naftooda , soomaalinimo ayaa loo baahan yahay, laga tago qabiilka iyo is qolo qolaynta ,dhaxdeena waxan faraaya dhamaan dadka qurbaha jooga in ay noo soo duceeyaan dadkoodana xasuusnadaan iyo dalkooda si ay isago oo nabad ah ugu soo laabtaan wadankooda hooyo wixii ay qaban karaana ay ka qabtaan dhinacooda.

Cumar xasan khayre

Ogaalonline: Khartoum - Sudan

Cumar07@yahoo.com

 

 

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter