wada hadlaan mas’uuliyiinta
labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan
qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan
Soomaaliya.
Xubnaha Dowladda Federaalka uga qeybgelaya Wada
hadallada
Maxamed Cabdi Ashkir
Maxamed Cali Xaamud
Nuur Iidow Beyle
Maxamed Maxamuud Xeyd
C/llaahi Shiikh Ismaaciil,
C/raxmaan Jaamac,
Cabdalla Boos Axmed,
Ibrahim Garabey
Ismaaciil Macallin Muuse,
Xubnaha Isbaheysiga
Dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadallada
Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
C/raxmaan Dheere
Cumar Idiris
Iyo xubin kale oo aanan magaceeda helin.
Maalinta berri ah oo ay
bisha May ku beegan tahay 10 ayay guddiyada labada
dhinac yeelanayaan Wada hadallo ay dhexdhexaadineyso
Qaramada Midoobay, kuwaasi oo xal loogu raadinayo
mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, iyadoo haddii ay
miro ka soo baxaan wada hadalladaan uu shir weyn ka
dhici doono dalka Boqortooyada Sacuudiga, kaasi oo la
filayo in ay isku soo hor-fariistaan madaxda labada
dhinac.