|
|
|
|
|
|
Askari lagu
toogtay suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho |
|
Ogaalonline:
2 July 2008
|
|
Kooxo Hubeeyan ayaa askari ka
tirsan ciidamada dowlada ku dilay suuq Bacaad ee degmada
Yaaqshiid ee gobolka Banaadir |
|
Askarigani ka tirsanaa
ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa dilkiisa
fuliyay kooxo ku hubeeysan Bastoolado xili uu ku suganaa
gudaha suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee gobolka
Banaadir. Qaar ka mid
ah ganacsatada suuq Bacaad ayaa shegay in Askariga
xabadii lagu dilayay ay dhaawcday haweeneey ka
agdhaweeyd goobta askarigaasi lagu dilay. taasi oo loola
cararay Cusbitaalka Keysaneey ee duledka Magaalada
Muqdisho. |
 |
|
|
|
|
Dadka ku nool deegaanka Suuq
Bacaad ayaa sido kale sheegay in ciidmada dowlada ay soo
gaareen halka lagu dilay askariga isla markaana ay hakad
galiyeen dhaq dhaqaaqa gancsi ee suuq Bacaad waxaana ay
ka qaadeen meeydka askarigaasi oo qori uu watay ay ka
qaateen kooxihii dilkiisa geeystay.
Dilaalka qorsheeysan ee loo
geeysanayo ciidamada dowlada ayaa waxaa ay dhawaanaha
wax iska caadi ah ka noqdeen magaalada Muqdisho waxaana
sidoo kale arintani ay qeyb ka tahay dagaalada ay
xoogaga ka soo hor jeeda kula jiraan ciidamada dowlada
iyo kuwa Ethiopianka
|
|
|
|
|