Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

SIDEE LOO QABTAY DHAGAR QABIHII SOOMALIYEED EE GABADHA CADAANKA AH QUDHA KA SOO JARAY

waxa soo turjumay: Khadar Hussien

Dhagar qabaha waxa dabay kaarkii bangigiisa, waa cinwaan wayn oo ay ka bilaabmatay warbixin dheer oo majalada AKTUEEL ee Hollnad ka soo baxda cadadkeedii 5aad 26 janawari 2005 ka qortay wiilka soomaaliga ahaa ee dilay gabadha noorwayjiyaanka ahayd magaalada Sogndal.

Xasan samriye hashin oo 35 jira ah waxa uu ula ekaa in uu sanadka cusub kula bilaabo doono rajo iyo dardar cusub , waxa ay ula ekaatay raadinta iyo baadigoobka loogaga jiro yurub oo dhan bilooyin in magaalada Zwolla ee wadanka Netherland tahay god aamin ah oo uu ku qarsoomi karo, waxa uu maskaxdiisa gashaday in Holandiisku marna noqonay saaxiibyaal xun si uu magaalaas ugu raaxaysto.

Mararka qaar xasan hurdadu waa ku adkaan jirtay. Isaga oo suuraysanay goorma ay ogaan doonta Sognal meesha uu ku dhuumanayo isaga oo ah qofkii qudha ka jaray gabdhoodii 19 jirka ahayd ee Hedda Karterudseter , waxa mar walba maskaxda kaga soo laalaabanaay talow goorma ayay heli doonaan?, hase ahaatee tolow qof ma sii arkay isaga oo ka cararay dabaqa uu falka ku gaystay? Riyooyinkaas iyo kuwo la mid ah ayaa mar walba ku soo laabanaayay isaga oo waliba masaafada intaas leeg ka soo fogooday maagalada.

Maalintii danbe wiilka soomaaliyeed waxa uu isaga soo tamshle tagay gudaha magaalada indhiisana ma qaban haba yaraatee wax boolis ah oo raadraacyaa kalsoonidaas ka dib waxa uu iskala soo baxay kaarka bangigiisa ee uu ka qaatay Sorgnal isaga oo labo mar kula baxay lacag, mar bangiga Rabo Bank ee ku yaala

jidka Willemskade , marka kalena SNS- bank ee ku yaal jidka Burgemeester Drijbersingel. Hase ahaatee waxa u Fiicnaan lahayd in uuna sidaas samayn lahayn.

GARDARADII IYO QASABKII

Songal maalin arbaco ah 27 oktober 2004 waxay ahayd maalin aad u qabow badan,cirkana wax daruur aysan saarnayn, gabadha qurusxda badan ee Hedda qaar saaxiibadeed ka mid ah aadeen goobta caanka ee ee suuqa magaalada "Meieriet" ee badhtamaha magaalada, waxay ahayd habeen farxad badan ,diran iyada oo wehelka iyo xiisaha goobtu aad u mashquulisay.

Marka laga reebo ardayda dugsiga sare ee habeenka xaflada isagu yimiday waxa isna isla goobta joogay qof kale oo reer Sogndal ah, kaas oo ahaa 35 Jirka Xasan samriye hashim kana yimiday xero qoxooti oo goobta u dhawayd.

Xasan waxa ka muuqday gardaro , yoolkiisa waxa ka mid ahaa sidii uu quruxleeyda soo jiidashada badan ee 19 jirka ah u heli lahaa. Waa sida markhaatiyada qaar cadeeyeen'e ,Waxa uu wiilka afrikaanka ahi ka dayn waayay gabadha shukaansi isaga oo ku celcelinaayay in ay banaanka u raacdo, markii Hedda raaci wayday waxa uu guda galy in uu bilaabo jawo qas ka muuqdo, waxaana arkaayay dad goobta joogay dagaalkooda.

Habeen badhka markii la gaaray Hedda waxa u muuqatay in intaas ugu filan tahay xaflada, waxana ka tagtay goobtii xaflada iyada oo si degan ugu laabanaysa dabaqii ardayda ee ay deganayd mana ayna filanaynay in qof raadraacayo,

maalintii danbe waxa ardaydaydii saaxiibabeed waayeen muuqii Hedda waxana ay ku abuurtay deganaasho la'aan, waxana ay bilaabeen in ay soo fiiriyaan qolkii ay deganayd, waxaase ay meesha kula kulmeen dhacdo aad u foolxun oo ah Hedda oo maydkeedii kor saaran yahay sariirteedii waxaana ay u muuqatay in la ciijiyay!.

BAABOORKII CUSBAA.

Waqtigii baadhitaanka boolisku wadeen waxa u cadaaday boliska danbiyada baadha in habeenkaas Hedda dagaal la gashay nin midabkiisu madow yahay, markhaati soomali ah ayaa si fiican u gartay qofka uu ahaa danbiiluhu, isaga oo sheegay in uu soomaali ahaa isku xero qoxootina ku wada noolaayeen, markhaatigu waxa uuintaas raaciyay in uu xasan labo mar arkay, marka koowaad: habeenkii xaflada, marka labaadna isaga oo bas u sii raacaya ilaa Oslo, tan danbe oo danbi baadhayaasha ku noqotay war aanay ku farxin, sababta oo ah dilka wax yar ka dib ayuu baska qaatay waxaana ay muuqataa in uu wadanka ka baxay waqti hore.

Danbibaadhayaashu waxa kale oo ay la xidhiidheen shirkada basaska iyada oo uu u sheegay dirawalkii baska waday habeenkaas sii qaatay qof xasan u eeg ilaa oslona saarnaa baska , waxa kale oo markhaati kale cadeeyay – waa shaqaale ka shaqqqya dowlada hoose- in inta uusan bixin qaatay baasaboor cusub.

waxa sadex war oo kale sheegeen in wiilka soomaaliyeed Oslo lagu arkay, Broberg oo ahaa madaxa falkaas danbeyeed waxa uu yiri isaga oo xafiiskiisa jooga magaalada Sognal waxa ii cadaatay markaas in shimbirku duulay, taas oo quus igu riday, waqtiga badan ee naga lumay,

iyo in danbiiluhu meel kasta oo uu rabo joogi karo, waxa lagu soo daabacay bogaga hore dhamaan joornaalada wadanka ka soo baxa sawirka xasan, hase ahaatee xafladii kirismaska iyo sanadka cusub ayaa carqalad ku noqday xiisaha warkan, ka dibna duufaanadii iyo qaraqayadii (tsunami) ee Asiya oo dalxiis badan oo u dhashay wadamada iskaandafiinkayanku ayaa dadku ku mashquuleen, baadhitaankiina waxa uu u muuqday mid rajo laŽaan ah waxa intaas sii raaciyay Broberg jawiga la galay awgeed .

hase ahaatee ugu danbaytii caawintii dadwaynaha waa ka kaaftoonay ka dib markii xasan isaga oo aan is ogayn isasa soo dhiibay qasab laŽaan, isaga oo isticmaalay kaarkii bangigiisa magaalada Zwolle waxa ay ahayd isha kaliya ee noo banaanayd oo aanu ku heli karno danbiiluhu meesha uu ku sugan yahay iyada oo sidaas lagu qabtay.

QABASHII XASAN

Iyada oo xasan ku raaxaysanaaya jawiga xoriyada leh eek u mashquulsan yahay iyo in uu ka caqli badiyay danbibaadhayaashi,ma uu ka war qabin in aad loo baadi goobaayo iyaga oo adeegsanaayay bangiyada lacagta lagala baxo, caawinta hollandiiska hadii aanan heli lahayna waligii ma aanu helneen danbiilaha.

7 janawari waxa ay ahayd maalintii u danbaysay oo uu nolosha xorta ee uu ku nool yahay ku waayay magaalada Zwolla.xasan oo ku lugaynaya jidka Berkumstraat, ee u dhow suuqa magaalada xasan waxa ay iska hor yimaadeen askarta VAG oo ah kuwo loo tababaray wax ka qabashada howlaha aadka u adag… waxa u muuqatay in uu helo fursad uu ku fakado

ugu danbaytiina waa is dhiibay iyada oo isla goobtaas lagu katiinadeeyay.

SuŽaashu se waxa ay tahay xasan waxa uu Ka sameenaayay magaalada Zwolle? Sida uu sheegay madaxa danbibaadhayaashu Brobrg wax sidaas ah kama sheegi karo.waxaase laga yaabaa in uu dad ka yaqaano meeshaas, ama qof ay isku wadan yihiin, waxaase aanu sheegi karnaa uun in magaaladaas waligiis ku noolaan, taasina mihiim nooma aha waxaase anaga na khuseeya in aanu ka maqalno falka dilka ah ee dhacay.

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter