Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

AL QAACIDO AJANABI AHI SOOMALIYA MA JOOGTO

W/Q: Khadar Xuseen

waraysi furan oo websiteka Jazeeranet la yeeshay Dr.C-raxmaan mucalim(badiyow) ahna Gudoomiyaha Golaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ,waraysigaas ayaa taabtay mawaadiic badan oo ku saabsan arimaha ka taagan Soomaliya.

ahamiyada waraysigaasi lahaa darteed waxaan jeclaanay in aan soomaaliyayno si akhristayaashu u ogadaan xaqiiqada loolanka daba dheeraaday ee soomaliya ka socda.

ASALKA DHIBAATADA

dr c-raxmaan waxa uu tilmaamay in dhibaatada hada taagan aysan ka bilaabmin burburkii dowlada dhexe ee soomaaliya, hase ahaatee waa mid isticmaarkii soomaaliya gumaysan jiray beeray.

iyaga oo xooga saaray in ay ciidamo dhisid xooga saaraan, dhinaca kale waxa qayb wayn ka ah dhibka taagaan faragalinta dowlada itoobiya ku hayso soomaaliya taas oo sababtay qax sababay 1 milyan 16 sano ee burburku ku habsaday dowladii soomaaliya.

JIRITAAN LAŽAANTA DOWLADNIMO

dhamaan shirarkii dib u heshiisiin ee la qabtay may ahay shirar ay u dhamaayeen dhamaan qayabaha kala duwan ee mujtamacu ka kooban yahay.. waxa uu ahaa mid kooxaha is haysta oo kaliya ku kooban, dhicitaankii dowladii soomaliyeed ka dibna waxa ugu dhawaa mid shacabka kulmiya kii 2000 inkasta oo ururada gobolka tageero fiican uusan ka helin.

MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH

soo bixitaanka maxkamadaha islaamiga ah waa mid la dareemi karo, keensatayna jiri taan la'aanta dowladii soomaliya taas oo keensatay in qabiilo kastaaba maxkamad samaysato si ay amnigooda u ilaaliyaan.

laakiin maxkamaduhu kama aysan badbaadin fara galin siyaasadeed, ka dib markii ay yeesheen ajandayaal siyaasadeed, ka hor intaan lagu eedayn in ay argagixiso ku lug leeyihiin taas oo uga timiday waxa lagu magacaabay Isbaahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabada oo Amerika taageerayso.

mar uu tilmaamay in Amerika wali gacanta kula jirto arimaha somaliya iyo in kale waxa Dr badiyow raaciyay: America marna gacamaha kala bixin arimaha somaliya tan iyo intii khasaaraha xoogan kaga soo gaadhay dhaqdhaqaaqii loogu magac daray Soo Celinta Rajada 1991..

iyada oo Amerika hada saldhigyo ku leh dowlada jabuuti waqti walbana ku xad gudubta xuduuda somaliya iyada oo xujo ka dhiganasyo raadraaca ay ugu jirto daba galka argagixisada.

JOOGITAANKA AL QACIDA EE SOOMAALIYA

dr.badiyow waxa uu xusay Al Qacida in aysan somaliya joogin, hadii ay joogtana xubnaheedu noqon karaan oo kaliya kuwo somali ah, suurto galna ahay Al Qaacido ajanabi ahi in ayna ku dhuuman karin degaanka soomaaliyeed sababta oo ah dabeecada iyo hab nololeedka shacbiga soomaliyeed ayaan u saamaxayn, kaas oo fadeexeeyanaya cid walba oo ajanabi ah ciduu doonaba ha ahaadee.

DOWRKA DOWLADAHA CARABTA EE SOOMALIYA

dowrka dowladaha carabta ee soomaaliya waa mid muuqda gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini aadanimo iyo deeqaha u fidiyaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan abaarihii ku habsaday.

sida la wada ogsoon yahayna in soomaaliya qani ku yahay xoolaha nool taas oo loo dhoofiyo dowladaha khaliijka.

 

 

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter