Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

waraysi madaxa

Gudiga Islaax ee dib u heshiisiin Soomaaliyeed

Dr.C-raxmaan Macalin badiyow

By: Khadar xeseen

dhaqdhaqaaqa islaamka soomaaliyeed ee Islaax ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay gudi dib u heshiisiin oo ka shaqaynaysa isku soo dhawaynta iyo dib u heshiisiinta dowlada ku meel gaarka ah iyo maxaakimta islaamiga ee muqdisho.

gudigaas oo lagu iclaamiyay shir jaarŽid oo lagu qabtay hotel saxafi, war murtiyeed uu gudigu soo saaray ayaa lagu xusay xubnaha 7 da ah ee gudigu ka kooban yahay iyo shaqada uu qaban doono.

sidaas daraadeed waxa aanu isku daynay in aanu faah faahin dheeraad ah ka helno ujeedada iyo shaqada uu qaban doono gudigu,waxaananu waraysi la yeelanay Dr.c-raxmaan Mucalin Badiyow oo ah madaxa gudiga islaax ee dib u heshiisiinta soomaaliyeed waxaana uu u dhacay waraysigu sida tan soo soo socota:

OGAALONLINE: Dr.c/raxmaan marka hore ku soo dhawow

Ogaalonline

Dr.Badiyow: Shukran,  jazaakumu Allah hawlaha muhiimka ah ee

Ogaalonline ay u hayaan  ummada.

OGAALONLINE: sharax gaaban ma naga siin kartaa sida ay

ku timiday samayta fikrada samaynta gudiga dhex

dhexaadinta dowlada ku meel gaar ka ah iyo maxaakimta

islaamku?

Dr.Badiyow: Xarakada Islaax markii ay eegtay fashilka ku yimay

dib-u-heshiisiinta dawladda ku meel gaarka ah iyo

midawga maxaakimta ee shirkii labaad ee Khartuum,

saansaanta colaadaha iyo ififaalaha dagaalada cusub oo

faragelinno xooggan oo shisheshe ku lugleeyin, ayay

waxey  isla gartay in la dardargeliyo hawlaha

dib-heshiisiinta iyo baaqayada nadadda oo weligeedba

la yaqiinay Xarakada.

OGAALONLINE: maxay tahay ujeedada ka danbaysa samaynta

gudigan?

Dr.Badiyow: Guddigaan sida ku cad warmurtiyeedkii uu saaray

waxaa laga sugayaaa inuu la kulmo Golaha midawga

Maxaakimta, Xukumada Federalka kumeel gaarka ah iyo

dhamaa ururada bulshda rayidkah si looga wada shaqeeyo

joojinta colaadaha iyo xoojinta dib-u-heshiisiinta

OGAALONlINE:guul intee leeg ayaad ka gadhi kartaan

ayaad is leedahay maadama oo ay ku fashilmeen dowlado

iyo ururo  idinka imkaaniyaad iyo awaadba roon?

Dr.Badiyow: Ilaahey naxariistiisa lagama quusto, annagana waxaa

Ilaahey naga rabaa inaan dadaallo oo juhdiga ugu badan

aan bixino, lakiin aqbalaadada Ilaahey ayaa islka leh.

OGAALONLINE: halkee ayaad ka bilaabaysaan

heshiisiinta? yaadse ku horaynaysaan ma dowlada mise

maxkamadaha?

Dr.Badiyow: Waxaan ku hormareynna Maxaakimta oo hadda

madaxdoodu nala joogto magaalaga Muqdisho, waana

gaarsiinay inaan rabno inaan lakulano, waxaana ka

sugeynaa balan

 

 

 

OGAALONLINE:qaabab noocee ah ayaad adeegsanaysaan si

aad u xaqiijisaan guusha howlaha gudiga?

 

Dr.Badiyow: Musaalaxadu waxey ku dhisantahay farsamooyin ay ugu

muhiimsan yihiin in labada daraf ee la musaalaxeynaayo ay

kugu kalsoonaadaan, inaan niyad sami ugu kala dabqaadno

iyo inaadan dhaleeceynin kooxna. Waxaa intaa dheer

xeelado fara badan oo sal ku leh diinteena Islaamka

sida qarinta sirtooda iyo wararka fiican oo loo kala

tebiyo.

OGAALONLINE:cid idinka danbaysa ama idinkala qayb

galaysa howshan aad ku kacdeen ma jirtaa?

Dr.Badiyow: Haa!! Hawsha dib-u-heshiisiinta waa mid ay ka

qeyb galayaan dhamaan xooggaga nabada sida bulshada

rayidka ah iyo waxgaradka somaaliyeed, gaar ahaan

dadka ku sugan Muqdisho, Baidoa iyo Puntland

 

OGAALONLINE: farqiga u dhexeeya dowlada iyo

maxkamadaha,iyo qodobada xalka laga gaadhay ee qolo

kastaa ku andacoonayso in ay qolada kale jabisay sidee ayay

idinka idinku fududaan kartaa in aad is waafajisaan

labada dhinac?

Dr.Badiyow: Khilaafka u dhexeeya laba daraf ma ah wax sahlan,

laakiin ayaga ayey u taallah sida u heshiin lahaayeen.

Hawlaha naga rabo waa iney wadahaladda galaan oo ay

dagaallada joojiyaan. Haddi ay laba daraf rabaanna

waxaan kari karnaa inaa dhexdhexaadino

 

OGAALONLINE: ugu danbayntii codka islaax oo

mudooyinkii kacdoonku socday la maqal maxaa sababay in

hada aad bilowdaan howlo noocan oo kale ah?

Dr.Badiyow: Islaax ma ha urur hubeysan ee waa urur Islaami ah

oo ku dhisan in muslimiinta dhexdooda wixii la isku

khilaafo aan xoog lagu xalin ee wada hadal iyo sulux la

adeegsado. Intii ay socdeen dagaaladdii Magaalada

Muqdsho ee u dhexeeyay maxakimta iyo isbaheysiga

hogaamiye kooxeedyada , waxaan qabanay hawllo badan oo

aan kor loo sheegin, haddese waxaa xarakadu goosatay

in horsed loo noqno dib-u-heshiisiinta qaranka oo meel

halis ah mareesa.

OGAALONLINE: maxaad u soo jeedin lahayd labada dhinac?

Dr.Badiyow: Wada hadal, iyo wax wada qeybsi,

Waxa waraysiga qaaday - Khadar Hussein- Holland

 

 

 

 

 

 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter