Hoyga xaqiiqada Somali Digital Quran

  Home| War soo dir| Contact Us|  

Hoyga Xaqiiqada
Home 6
Wararka6
Maqaalada 6
Islaamka 6
Waxbarashada 6
Jaaliyadaha 6
Sugaanta 6
Waraysiyo  6
RadioOgaalonline  6
 Caafimaadka 6
Sportiga 6
English Articles 6
Warbixino 6
Audio and Video 6

04:00-04:30

11:00-11:10

14:00-15:00

18:00-18:30

 

 

   Linkisyo Mihiim ah

4Arlaad                 4All Puntland               4BBC SomaliBBCSomali   4Codka America voa   4DjibTalk           4Hiiraan                   4Islaax              4Jaamacada Muqdisho
4Goobjoog             4Lughaya
4Onkod
4Somalitalk
4Somaliwayn
4Somaliland.org  
4Shabelle
4Xoriyo

Websityo Islaami ah

4Islamonline
4Islamway
4Dar alhijra
4Ikhwanonline
4Islamonline.com
4Islamweb
4Qorane
4Islamcity
4Hilinkatoosan
4Islam Chanel
4Boqol Soon
4Usuuli.net

 

Ahmed Ould Abdalla oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada berrito furmaaya

 

Ogaalonline: Cabdifataax Biyonde , 9 May 2008
Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada lagu wado in dowladda KMG iyo isbaheysiga mucaaradka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Asamra ee ugu furmo doono berrito magaalada Jabuuti ayaa waxa uu ka muujiyay dareeno ku saabsan rajo fiicani in ay yeelan karaan, sidaasina waxaa lagu faafiyay warsaxafadeed ka soo xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Axmed Walad Cabdalla waxa uu sheegey in uu ku faraxsanyahay in ay tahay markii ugu horeysey ee kooxaha Soomaalidu ay ku heshiiyaan in ay kulmaan iyaga oo wata tiro ergooyin xadidan, oo ay meel cayiman iyo waqti ay qabsadaan. Wakiilku waxa uu intaa ku daray inay tani calaamad cad u tahay in Soomaalidu ay ka go'an tahay inay xushmeeyaan go'aamadoodii, marka ay aaminsan yihiin waxa ay sameynayaan.

Waxa uu yiri in nabad la sameeyaa waxa ay ka adagtahay in dagaal la abuuro, Ahmedou Ould Abdallah waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in Soomaalida, oo ay ku jiraan kuwa qurbaha ku nool ay doonayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo in nabadgelyo loo helo Somalia.

Wakiilka waxa uu sheegey in Soomaalida ay oggolaan doonaan in ay ayagu kulmaan oo ay is fahmaan, iyadoo faragellin dhinaca dibadda ah uga iman, shirkan oo ay isugu imaanayaan Dowladda KMGS iyo kooxda Mucaaradka ah ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxaa labada dhinac mid walba uga qeyb galayaa 7 xubnood, iaygoo ka shaqeyn doona in ay horumariyaan ajendaha nabadda, kadibna waxaa lagu sii kordhin doonaa 15 xubnood oo dheeraad ah dhinac walba, ujeedada ay wadahadalkan dowladda KMG iyo isbaheysiga din u xoreynta Soomaaliya ee mucaardka ah ay isugu imaanayaan wadanka Jabuuti ayaa ah sidii loogu gogol xaari lahaa nabad iyo wadahadal dhexmarta Soomaalida taasoo horseedeysa buu yiri dib u heshiisiin dhab ah iyo nabad waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla waxa uu u mahadcelliyay dowladda Jabuuti taageerada ay ka geysatay diyaarinta madasha uu shirku ka dhacaayo iyo soo dhawyntaba

 

 


 

 


 

  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter