Qasaareey jecel yihiin
Qur gooyeey nabad mudaan
Afrika dhiig baa qul quli
Qaadirkaan u tuugayaa
Inuu qolo qolo katiro
Qaran wada jiro ka dhigo
Afrika dhiig baa qariyey
Aqoonteey diidayaan
Qalinkey neceb yihiin
Qorigey jecel yihiin
Afrika dhiig baa qariyey
Shicibkoodaan qu,neyn
Qosol bey run moodayaan
Qara nimday aqoon
Afrika dhiig baa qul quli
Qaadirkaan u tuugayaa
Inuu qolo qolo katiro
Qaran wada jiro ka dhigo
|