|
Hayadu waxa ay fulisaa
mashaariic joogto ah oo ay ka faa'iidaystaan dadka
tabarta daran ee dagaalada sokeeye aafeeyeen,waxqabadkii
ugu danbeeyay ee Hay'ada waxa ay meelo kala duwan ka
hir galisay mashaariic kala duwan
sida: xoolo dad cayroobay loo qaybiyay,beeraro dad
tabaalaysan loo falay iyo Mashaariic caafimaad,iyo kuwo
dacwadeedba,hadaba warbixntooda oo kookooban waasida tan
soo socota:
mashruuca xoolo
qaybin:
hayada ADT mar kasta waxay u taagan tahay wax u qabadka
umadda soomaaliyaad sidaa darteed ayaa markay
ay dhibaatada baahsan ku dhacaday shacabka soomaaliya
gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah - oo aysan waxba u
qabanin hay,adaha samafalka-waxay garatey in ay kala
qayb qaadato sidii wax looga gaysan lahaa dhibaatadaasi
ku habsatey reer guuraaga.
hadaba ADT iyadoo ka duulaysa ulajeedooyinkii loo
aasaasay ayaa waxay ka fulisay gobolka sh/hoose mashruuc
loogu magacdaray (qoyska tusaalaha ah).
ADT iyadoo u kuur galaysa hadba meelaha baahida ka jirto
ayaa waxay ka fulisay mashruuc xoolo qaybin ah oo ka
kooban sac irmaan ah oo wato weeshiisa yar gobolka sh/
hoose gaar ahaan baadiyaha qoryoolay madaama ay dadkii
reer guuraaga ahaa ay xoolilhii ka baaba,een bal in ay
isku dayaan dadkaassi reer guuraaga ah in ay dib u soo
kabsadaan mar labaad.
hay,ada ADTwaxay gudoonsiisay ilaa iyo labo qays xoolo
irmaan ah si ay nolosha ula qabsadaan.
dabcan ADT waxay halkaasi ku soo aragtey dad aad u
dhibaataysan ha ahaato xaga caafimaadka ,dhaqaalaha
intaba.
mashruuca Beera
qodida
mashruucan labaad waxay ADT ay ka fulisay gobolka
g/hoose waxaan dadka degan meeshaasi ay u falaysay
beeraha madaama uu soo dhawaa xiligii beeraha la
beeranaayey.
waxaa mashruucaan ka faa"idastey dad gaaraaya ilaa 75
qays oo loo falay beerahooda.
Mashruuca
Caafimaadka ( qaafilo dhibiyah)
dabcan caafimaadka waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu
wayn ee uu qofka u baahan yahay hadii uu waayana ay soo
wajahayso dhibaatooyin waa wayn, sidaa darteed ayaa ADT
sidii looga bartey mar kasta in ay u gargaarto dadka
tabaalaysan ayaa waxay fulisay mashruucan caafimadeed
waxayna ka fulisay xirooyinka ka samaysaymay jidka
u dhexeya magaalada muqdisho iyo afgooye.
waxa uu socday mashruucaan ilaa sadex maalmood oo maalin
kasta la daawaynaayey 300 oo qoys,guud ahaanintii ay
socotey howshaasi waxaa la daaweeyey dad gaaraaya 900
ruux.
dhaqaatiirka howsha fulinaayay waxay kala ahaayeen
dhaqtarka ilmaha ,dadka waawayn iyo haweenka .
Shirar wacyi galin ah diini
iyo bulsho iskugu jira oo dadwaynaha dibada lagu wacyi
galinayay inay kaqayb qaataan
gargaarkadadkoodatabaaleysan loo samaynaayo.
waxa intaas dheer in Hay'adu
ku talaabsatay in ay u gudubto waxkaqabashada dadka
gobolada kale ku tabaalaysan,iyada oo dhawaan xafiis
laga hirgaliyay Maamul goboleedka Puntland dhawaana
shaqadiisa uu bilaabi doono insh alah,sidoo kale waxa
qorshiheedu socdaa sidii mashaariic looga hirgalin lahaa
Gobolada Somaliland hadii ilaahay idmo.
Dhamaan walaalaha
akhristayaashawaxana ugu baaqaynaain ay hay'adaku
kaalmeeyaan sidii ay shacabka Soomalaiyeedee taabalaysan
wax qabadkiisa gacan uga gaysan lahaayeen.
Hay'ada waxa aad kala xiriiri
kartaa ama aad waxugu soo hagaajin kartaa Adreska:
African
Development Trust (ADT)
Tel+ 44(0)207 9938 685
Mob:+ 44(0)79 8542 4058
E-mail:info@africandt.org
www.africandt.org
|