Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

Xuquuqda Haweenayda

Qalinkii/ Mustafa Jama

Qaybtii 5aad

 

5)    Xaquuqda Haweenayda ee Maadig ah:

Islaamku wuxuu u yeelay Haweenayda Xuquuq Maadi ah oo ay ku leedahay Ninkeeda. Ninka waxaa lasiiyay Xaqa Qawaamada(Masuuliyada Maamul ee Qoyska), masuuliyadani waxay keenasanaysaa inuu Ninku ka masuul noqdo amuuraha maadiga ah oo idil sida: Meharka uu ku xalaashanayo Ooridiisa, Nafaqada(masruuka), iwm.

1.    Xaqeeda Meherka:

Meherka ayaa ugu horeeya Xuquuqda maadiga ah ee Haweenaydu ay ku leedahay Ninkeeda. Islaamka ka hor Haweenaydu malahayn Meher, Islaamka oo kaliya ayaa Xurmadaas iyo Qiimaystaan Haweenka siiyay. Umadaha qaarkood Gabadha ayaa ninka siisa Dhowri(Meherka). Qadarintaasi Haweenayda lasiiyey waa mid kaalinteeda iyo qiimaheeda kor loogu qaaday, Ninkeeduna ku muujinayo qadarintaas markuu baxsho Xaqaasi Rabi ku waajibiyay. Alleh SWT wuxuu leeyahay: “siiya Haweenka Meherkooda isagoo waajib ah, hadii ay idiinka raali noqdaan wax kamid Meherkaasi cuna idinkoo haniyaysanaya oo calafsan[1]. Xoolaha Meherka Haweenaydu iyadaa gaar u leh oo Ninkeedana wixii ay u garato way ka siin kartaa. Haweenaydu Meherkeeda iyadaa goynaysa sidaan arki doonana waxaa la jeclaystay ka fudud ee ay Ninka iyo Haweenaydu ku kala raali yihiin, qoyska ay ka dhalatay Meherka kuma leh xaq ee waxay ku leeyihiin tabantaabin, waxaana loo jeclaystay inay guurka u fududeeyaan Gabadhooda. Alleh SWT wuxuu u u sugay Haweenayda Meher iyo Nafaqo(Masruuf) halka uu Ninkana  usugay Qawaamada, culimadu waxay ku fasireen taas in Haweenayda lagu qancinayo inay ku raali Noqoto Qawaamada ninka lasiiyay sidaasna ay tahay waxa Meherka loogu xukmiyay. Waxaa u daliil ah taas Rabi SWT wuxuu yidhi: “Ragaa ka masuul ah Haweenka, wixii Ilaahay uu kaga fadilay badhkood badhka kale  iyo ku nafaqaynta Xoolohooda darteed…” [2], Nabiguna SCW wuxuu ku yidhi ninkii waayay wuxuu Meher u siiyo Haweenayda : “raadi(Meherka) fargal bir ahna kolay kutahay[3], Nabigu Gabdhihiisa iyo kuwo Muslmiinta midna uma ogolaan in lagu guuriyo Meher la’aan.

Shareecadu Meherka uma goynin  qiime go’an badnaantiisa iyo yaraantiisa midna(mid Fargal Xadiid ah ayuu awoodaa midna Dahabbuu awoodaa, mid Ayaado Qur’aan ah oo uu baro Ooridiisa, iwm), waayo dadku isku duruuf maaha isku wadcina maahaa qaarbaa  maal qabeen ah qaarna waa Danyar, wixii kolba awoodu tahay ayuu noqon Meherku.

Xukumka Meherka:

-         Maalikiyada: Meherka la’aantiisu Nikaaxu ma ansaxayo.

-         Xanafiyada: Meherku waa shardiga uu ku anasaxayo Nikaaxa Qofka Muslimk ah.

-         Shaaficayada: Meherku maaha Runkni kamid ah Nikaaxa shardina uma aha, ee waa wuxuu keensanayo Nikaaxu.

Meherka waala bixin karaa hal mar, waxaana loo bixin karaa qayb hore marka Nikaaxu dhacayo iyo qayb la bixiyo Nikaaxa dabadii. Laakiin Caadada Somaaliga ee ah in Dibloo dhigo Meherka gabi ahaanba ee ay dhici karto inlaba Ilaawo waxaa ku jira Dulmi iyo Tacadi, dhanka kale waxaa la arkay Haween Soomaaliyeed oo u haysta hadii Maherka loo hormariyo inay calaamad u tahay in uu Ninku ka maarmi karo; taasina runtii waa mid jahligu sabab u yahay waana in Haweenka la baro Xuquuqda ay ku leeyihiin Ragooda.

Hadii uu Ninku geeriyoodo iyadoo aanu wali bixin Meherkii waa dayn waxaana laga bixinayaa Xoolaha uu katagay, sidoo kale Haweenaydiisu wayka Cafin kartaa(Walaahu Aclam).

Haweenka iyo Ehelkoodu waaxaa u khayr badan inayna qaaliyeynin qiimaha Meherka, waayo taasi waxay yaraynaysaa Guurka, waxay kaloo abuuri kartaa inay bataan  Gabdhaha iyo Wiilasha doobabka ah, guur laa’aantu waxay sababi kartaa mashaakil ijtimaaci ah. Islaamku wuxuu fududeeyay guurka. Waxaa Tusaale inoo ah Saxaabadii iyo Taabiciyiinta oo Gabdhohooda ugu guurin jiray Meher aan qaali ahayn, una dhibyarayn jiray masaariifta guurka. Nabigeena Suubani isagoo taas xoojinaya wuxuu yidhi: “waxaa Nikaax ugu khayr badan ka fudud[4].

2) Xaqeeda Nafaqada(Masruufka):

Islaamku wuxuu u sugay Haweenayda inuu Ninkeedu Nafaqeeyo(Masruufo), waa waajib ku qotoma Kitaabka, Sunada iyo Ijmaaca. Nafaqadu waa inayna kayaraan inta uu awood uleeyahay Ninku, isla markaana waa inayna Haweenaydu ninkeeda ku kalifin Nafaqo aanu awood u lahayn. Haweenku haku daydaan Haweenkii Salfkeenii Wanaagsanaa(Muslimiintii Qarnigii 1,2,3aad) ee midkood subax kasta Nikeeda kula sii dardaarmi jirtay inaanu Xaaraan uu soo kasbin iyadoo lehhebelow hanoo keenin Xaaraam, gaajo waanu u sabri karnaa ee uma sabri karno Naarta”. Cadaalada Bulshada Islaamku uu u nidaamiyay waxay ka bilaabantaa Qoyska, Ragu waa inayna sabab u noqon gabood fal iyo dulmi ay kula kacaan Haweenkooda iyo Ubadkooda taasina keeni karto burbur dhaqan, diineed iyo bulsho.

Xukumka Nafaqada(masruufka):

Waxaa looga jeedaa Nafaqada(Masruufka) wixii daboolaya baahida Haweenayda ee ah Cunto(Quud), Mariin(Aradbax), Adeeg, Daawo, iwm. Xitaa haday Haweenaydu maal qabeen tahay Ninka waxaa ku waajib ah inuu Masruufo, hadii ay Haweenayda maalqabeenka ahi iyadu garato inay caawiso Ninkeeda iyadaa u door leh waana wanaag xageeda kayimid ee maaha waxku waajib ah.

Aayado tiro badan ayaa bayaamiyay in Eebe Ninka saaray waajibka Nafaqayta, Eebe SWT wuxuu leeyahay: “Aabaha(ka wax loo dhalay) waxaa saaran masruufkooda(Haweenka) iyo aradbaxooda si wanaagsan, laguma dhibo nafna waxayna awoodin[5], “haku nafaqeeyo midkastaaba awoodiisa intuu awoodo, ka wax yar haystaa haka nafaqeeyo inta Eebe siiyay, Eebena kuma dhibayo nafna waxuuna siinin, Eebe wuxuu ka yeeli cidhiidhi kadib fudayd..”[6].

Sunada Rasuulka SCW waxay ku bayaaminaysaa Axaadiith badan Xaqa Nafaqada, wuxay ka soo wariyeen Bukhaari iyo Muslim Sayidatu Caa’ishainay Hinda Bintu Cutba tidhi Rasuuul Allow Abaa Sufyaan waa nin gacan adag aniga iyo caruurtaydana waxbanama siiyo wixii aan ka qaato isagoo aan ogayn maahee, wuxuu yidhi (Nabigu SCW) qaado inta ku filan adiga iyo caruurtaada si wanaagsan jiro[7], waxaa laga wariyay Xakiim Ibnu Mucaawiya RLC inuu yidhi waxaan ku idhi: “Rasuulkii Allow muxuu yahay xaqa ay ku leedahay Haweeynaydu mid naga mid ah? Wuxuu yidhi: waad quudin markaad wax quudato, waad aradbixin markaad aradbaxdo, hana ka garaacin hana xumayn, hana uga dudin meel guriga ka baxsan[8].

Shuruuda  Nafaqada(Masruufka): [9]

1-     Inuu Nikaaxu saxiix yahay (aanu faasid ahayn).

2-     Inuu Saygeedu la wareegay xilkii Haweenaydiisa.

3-     Inay nafteeda u ogolaatay Ninkeeda.

4-     Inayna diidin halka uu dajinayo Ninkeedu iyo siduu udhaqayo.

5-     Inay labaduba isku tamatucaan oo ay isku asturmaan.

Fuqahadu waxay qabaan in hadii shardi shuruudaas kamid ah la waayo aanay Nafaqadu waajibaynin. Walaahu Aclam.

Wa inuu sidaas iyo Maqaalo dambe, Insha Allaah.

 

[1] An-Nisaa’: 4

[2] An-Nisaa’: 34

[3] Waxaa soo wariyay Bushaari

[4] Al-Xaakim iyo Inbu Maaja- al-Jaamic 2/9.

[5] Al-Baqarah: 233.

[6] Adh-Dhalaaq: 7

[7] Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim.

[8] Abu-Daa’uud (2142) (2/606), Ibnu-Maaja(1850) (593, 594), Ahmed(Musnad) 4/447, 5/3,5.

[9] Fiqhu Sunah: Zawaaj

 

 

 

 

                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter