Xuquuqda
Haweenayda
Qalinkii/ Mustafa Jama
Qaybtii 5aad
5)
Xaquuqda
Haweenayda ee
Maadig ah:
Islaamku
wuxuu u yeelay
Haweenayda Xuquuq
Maadi ah oo ay
ku leedahay
Ninkeeda. Ninka
waxaa lasiiyay
Xaqa Qawaamada(Masuuliyada
Maamul ee
Qoyska),
masuuliyadani waxay
keenasanaysaa inuu
Ninku ka masuul
noqdo amuuraha
maadiga ah oo
idil sida:
Meharka uu
ku xalaashanayo
Ooridiisa, Nafaqada(masruuka),
iwm.
1.
Xaqeeda
Meherka:
Meherka
ayaa ugu
horeeya Xuquuqda
maadiga ah ee
Haweenaydu ay ku
leedahay Ninkeeda.
Islaamka ka hor
Haweenaydu malahayn
Meher, Islaamka
oo kaliya
ayaa Xurmadaas
iyo Qiimaystaan
Haweenka siiyay.
Umadaha qaarkood
Gabadha ayaa
ninka siisa
Dhowri(Meherka).
Qadarintaasi Haweenayda
lasiiyey waa
mid kaalinteeda iyo
qiimaheeda kor
loogu qaaday,
Ninkeeduna ku
muujinayo
qadarintaas markuu
baxsho Xaqaasi
Rabi ku waajibiyay.
Alleh SWT wuxuu
leeyahay: “siiya
Haweenka Meherkooda
isagoo waajib
ah, hadii ay
idiinka raali
noqdaan wax kamid
Meherkaasi cuna
idinkoo
haniyaysanaya oo
calafsan”.
Xoolaha Meherka
Haweenaydu iyadaa
gaar u leh
oo Ninkeedana
wixii ay u garato
way ka siin kartaa.
Haweenaydu
Meherkeeda iyadaa
goynaysa sidaan
arki doonana
waxaa la jeclaystay
ka fudud ee
ay Ninka iyo
Haweenaydu ku
kala raali
yihiin, qoyska
ay ka dhalatay
Meherka kuma
leh xaq ee
waxay ku
leeyihiin
tabantaabin, waxaana loo
jeclaystay inay
guurka u
fududeeyaan Gabadhooda.
Alleh SWT wuxuu
u u sugay
Haweenayda Meher
iyo Nafaqo(Masruuf)
halka uu
Ninkana usugay
Qawaamada, culimadu
waxay ku
fasireen taas
in Haweenayda lagu
qancinayo inay
ku raali
Noqoto Qawaamada
ninka lasiiyay
sidaasna ay tahay
waxa Meherka
loogu xukmiyay.
Waxaa u daliil
ah taas Rabi SWT
wuxuu yidhi: “Ragaa
ka masuul ah
Haweenka, wixii
Ilaahay uu
kaga fadilay
badhkood badhka
kale iyo ku
nafaqaynta
Xoolohooda darteed…”
, Nabiguna
SCW wuxuu ku
yidhi ninkii
waayay wuxuu
Meher u siiyo
Haweenayda : “raadi(Meherka)
fargal bir
ahna kolay
kutahay”,
Nabigu Gabdhihiisa
iyo kuwo
Muslmiinta midna
uma ogolaan
in lagu guuriyo
Meher la’aan.
Shareecadu
Meherka uma
goynin qiime
go’an badnaantiisa
iyo yaraantiisa
midna(mid Fargal
Xadiid ah ayuu
awoodaa midna
Dahabbuu awoodaa,
mid Ayaado Qur’aan
ah oo uu
baro Ooridiisa,
iwm), waayo
dadku isku
duruuf maaha
isku wadcina
maahaa qaarbaa
maal qabeen
ah qaarna waa
Danyar, wixii
kolba awoodu
tahay ayuu
noqon Meherku.
Xukumka
Meherka:
-
Maalikiyada:
Meherka la’aantiisu
Nikaaxu ma ansaxayo.
-
Xanafiyada:
Meherku waa
shardiga uu
ku anasaxayo
Nikaaxa Qofka
Muslimk ah.
-
Shaaficayada:
Meherku maaha
Runkni kamid
ah Nikaaxa shardina
uma aha, ee
waa wuxuu
keensanayo Nikaaxu.
Meherka
waala bixin
karaa hal
mar, waxaana loo
bixin karaa
qayb hore
marka Nikaaxu
dhacayo iyo
qayb la bixiyo
Nikaaxa dabadii.
Laakiin Caadada
Somaaliga ee
ah in Dibloo dhigo
Meherka gabi
ahaanba ee
ay dhici karto
inlaba Ilaawo
waxaa ku
jira Dulmi
iyo Tacadi,
dhanka kale waxaa
la arkay Haween
Soomaaliyeed oo
u haysta hadii
Maherka loo
hormariyo inay
calaamad u tahay
in uu Ninku
ka maarmi karo;
taasina runtii
waa mid jahligu
sabab u yahay
waana in Haweenka
la baro Xuquuqda ay
ku leeyihiin
Ragooda.
Hadii
uu Ninku
geeriyoodo iyadoo
aanu wali
bixin Meherkii
waa dayn
waxaana laga
bixinayaa Xoolaha
uu katagay,
sidoo kale
Haweenaydiisu wayka
Cafin kartaa(Walaahu
Aclam).
Haweenka
iyo Ehelkoodu
waaxaa u khayr
badan inayna
qaaliyeynin qiimaha
Meherka, waayo
taasi waxay
yaraynaysaa Guurka,
waxay kaloo
abuuri kartaa
inay bataan
Gabdhaha iyo
Wiilasha doobabka
ah, guur laa’aantu
waxay sababi
kartaa mashaakil
ijtimaaci ah.
Islaamku wuxuu
fududeeyay guurka.
Waxaa Tusaale
inoo ah Saxaabadii
iyo Taabiciyiinta
oo Gabdhohooda
ugu guurin
jiray Meher
aan qaali
ahayn, una
dhibyarayn jiray
masaariifta guurka.
Nabigeena Suubani
isagoo taas
xoojinaya wuxuu
yidhi: “waxaa
Nikaax ugu
khayr badan
ka fudud”.
2)
Xaqeeda Nafaqada(Masruufka):
Islaamku
wuxuu u sugay
Haweenayda inuu
Ninkeedu Nafaqeeyo(Masruufo),
waa waajib
ku qotoma
Kitaabka, Sunada
iyo Ijmaaca.
Nafaqadu waa
inayna kayaraan
inta uu
awood uleeyahay
Ninku, isla
markaana waa
inayna Haweenaydu
ninkeeda ku
kalifin Nafaqo
aanu awood u
lahayn. Haweenku
haku daydaan
Haweenkii
Salfkeenii Wanaagsanaa(Muslimiintii
Qarnigii 1,2,3aad)
ee midkood
subax kasta
Nikeeda kula
sii dardaarmi
jirtay inaanu
Xaaraan uu
soo kasbin
iyadoo leh “hebelow
hanoo keenin
Xaaraam, gaajo
waanu u sabri
karnaa ee
uma sabri
karno Naarta”.
Cadaalada Bulshada
Islaamku uu
u nidaamiyay waxay
ka bilaabantaa
Qoyska, Ragu waa
inayna sabab
u noqon gabood
fal iyo
dulmi ay kula
kacaan Haweenkooda
iyo Ubadkooda
taasina keeni
karto burbur
dhaqan, diineed
iyo bulsho.
Xukumka
Nafaqada(masruufka):
Waxaa
looga jeedaa
Nafaqada(Masruufka)
wixii daboolaya
baahida Haweenayda
ee ah Cunto(Quud),
Mariin(Aradbax),
Adeeg, Daawo,
iwm. Xitaa
haday Haweenaydu
maal qabeen
tahay Ninka
waxaa ku
waajib ah inuu
Masruufo, hadii
ay Haweenayda maalqabeenka
ahi iyadu
garato inay
caawiso Ninkeeda
iyadaa u door leh
waana wanaag
xageeda kayimid
ee maaha
waxku waajib
ah.
Aayado
tiro badan
ayaa bayaamiyay
in Eebe Ninka
saaray waajibka
Nafaqayta, Eebe
SWT wuxuu leeyahay:
“Aabaha(ka
wax loo dhalay)
waxaa saaran
masruufkooda(Haweenka)
iyo aradbaxooda
si wanaagsan,
laguma dhibo
nafna waxayna
awoodin”,
“haku
nafaqeeyo
midkastaaba awoodiisa
intuu awoodo,
ka wax yar haystaa
haka nafaqeeyo
inta Eebe
siiyay, Eebena
kuma dhibayo
nafna waxuuna
siinin, Eebe
wuxuu ka yeeli
cidhiidhi kadib
fudayd..”.
Sunada
Rasuulka SCW waxay
ku bayaaminaysaa
Axaadiith badan
Xaqa Nafaqada,
wuxay ka soo
wariyeen Bukhaari
iyo Muslim Sayidatu
Caa’isha “inay
Hinda Bintu
Cutba tidhi
Rasuuul Allow Abaa
Sufyaan waa
nin gacan
adag aniga
iyo caruurtaydana
waxbanama siiyo
wixii aan ka
qaato isagoo
aan ogayn
maahee, wuxuu
yidhi (Nabigu
SCW) qaado inta
ku filan
adiga iyo
caruurtaada si
wanaagsan jiro”,
waxaa laga
wariyay Xakiim
Ibnu Mucaawiya
RLC inuu yidhi
waxaan ku
idhi: “Rasuulkii
Allow muxuu yahay
xaqa ay ku
leedahay
Haweeynaydu mid naga mid ah?
Wuxuu yidhi:
waad quudin
markaad wax quudato,
waad aradbixin
markaad aradbaxdo,
hana ka garaacin
hana xumayn,
hana uga
dudin meel
guriga ka baxsan”.
Shuruuda
Nafaqada(Masruufka):
1-
Inuu
Nikaaxu saxiix
yahay (aanu
faasid ahayn).
2-
Inuu
Saygeedu la
wareegay xilkii
Haweenaydiisa.
3-
Inay
nafteeda u
ogolaatay Ninkeeda.
4-
Inayna
diidin halka
uu dajinayo
Ninkeedu iyo
siduu udhaqayo.
5-
Inay
labaduba isku
tamatucaan oo
ay isku asturmaan.
Fuqahadu
waxay qabaan
in hadii shardi
shuruudaas kamid
ah la waayo aanay
Nafaqadu
waajibaynin. Walaahu Aclam.
Wa
inuu sidaas
iyo Maqaalo
dambe, Insha
Allaah.