Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

Xuquuqda Haweenayda

Qalinkii/ Mustafa Jama

Qaybtii 2aad

2)                Xaqeeda Waxbarashada iyo Barbaarinta Diineed:

Waxaa la faray Saygu(Sawjku) inuu Ooridiisa baro ama uu ku tabantaabiyo barashada umuuraha diinta iyo kuwa aduunyadaba(kuwa nafciga leh) . Umuurahaasi waa kuwo uu qofku ku baranayo xuquuqda uu Eebe ku leeyahay qofku uu abuuray, sidoo kale waxay baranaysaa Haweenaydu xuquuqda Saygeedu u kuleeyahay, xuquuqda awlaadeeda, xuquuqda jaarka, Caqiidada, Cibaadaadka, Mucaamalaadka, Akhlaaqda, iwm. Barashada ay gabadhu barato Diinteedu waxay u dantahay Qoyskeeda iyo bulshadeedaba. Hooyadu hadii ay aqoon yeelato waxaa la hubaa inuu Saygeedu yahay cida ugu horeysa ee u aayaysa. Gayabayaa Carbeed ayaa hore u yidhi: “Hooyadu waa Madarasad, hadii aad si fiican u diyaariso waxaad waxaad diyaarisay Facyaal bulsho oo loo aayo wanaagooda”.

Fahamyo madmadow ku dheehanyahay(Shubahaad) oo ubaahan inla saxo:

  • Shubhada 1aad: “Gabadhu uma baahna aqoon dhaafsiisan arimaha gurida”.

Arintani waa arin bulshooyinka Islaamka xushay oo ku faaftay ilaa heer markii dambe ay isu badashay caado layskaga hortaago waxbarida Gabdhaha, ama hadii waxla baro aan waxbadan la barin. Tani waa shubho aan wax asal ah ku lahayn Islaamka haba yaraatee(fiiri Qaybta  1aad ee aynu kaga hadalay sinaanta Rag iyo Haweenka). Sunada  Nabiguna SCW ayayna ku cadahay inla faray qofkastoo Islaam ah inuu Aqoonyahan noqdo sababtoo ah waxaynu nahay Umatu Iqra’, wuxuuna si cad inoo farayaa Nabigeenu SCW: “Cilmi raadsashadu waxay faral kutahay Ninkastoo Muslim ah [1] wuxuu Muxadithka Sheekh Naasu Diin Al-baani(Aleh Naxariis ha siiyee) tasxiixiyay siyaadada ah “iyo Haweenay kastoo Muslim ah[2].  Hadii aan la kasbanin aqoon lagama baaqsan karo ciqaabka Aleh ee uu usoo rogay cidii caasida awaamirtiisa tana Haweenku waaka qayb, Aleh SWT wuxuu inagu goodiyayaa: “Kuwa Aleh rumeeyayow ka dhowra Nafihiina iyo Ehelkiinaba naar lagu shidayo dad iyo dhagaxan[3]. Sayidinaa Cumar Inbu Khadhaab ayaa su’aalay Xabiibkiisa Mustafa SCW sida looga ilaalinayo Naarta ehelkaaga(reerkaaga) wuxuuna  SCW ugu jawaabay: “waxaad ka reebaysaan wixii Ilaahay idinka reebay, waxaanad faraysaan wixii uu Ilaahay idin faray”. Wuxuu kaloo Rabi SWT ina farayaa: “waxaad fartaa ehelkaaga Salaada kuna Sabir oogisteeda iyadoo dhamaystiran[4]. Aayadani Sayga waxay faraysaa inuu ehelkiisa ugu dadaalo farista siday u baran lahaayeen cibaadaadka ay ugu horayso Salaadu, waxay ubaahantahay arintani sabir dheeri ah iyo dhibirsani.

Labada Saxaabi eekala ah Abaa-Saciid Al-khudarii iyo Abaa-Hurayra waxay soo wariyeen inuu Nabigu(SCW) yidhi: “hadii uu ninku kiciyo ehelkiisa(Ooridiisa) habeenkii oo ay wada tukadaan ama uu tukado laba rakcadood waxaa lagu daraa iyaga Raga(Daakiriinta ah) iyo Haweenka(Daakiraat ka ah) ee Eebe xusa(Dikriya)[5]. Sifada Daakiriinta iyo Daakiraadku waa mid qoyska u hogaaminaysa darajo sare oo ay mutaysteen kaliya dadka Ilaahay agtiisa laga soo dhaweeyaa, darajadaas waxay gaadhi karaan kaliya markuu midkood kan kale lawadaago khayrka Ilaahay ku hanuuniyay una sabro wax u sheegida kan kale.

Ayadahaasi iyo Axaadiistaasi dhamaan waxay ninka farayaan inuu Ooridiisa baro Diinta ku dhaqankeeda kulana dadaalo. Hadaba hadii uuna isagu ku filayn inuu kaalintaas buuxiyo waa inuu ku dhiiriyaa inay Haweenaydu ku biirto goobaha Cilmiga lagu barto una fududeeyaa. Waxaaba dhici karta inay Haweenaydu kaba Cilmi badan tahay isaga, xaaladan oo kale waxaa looga baahanyahay inuu ku dhiiri galiyo Ooridiisa siday Cilmigaas ugu dhaqi lahayd Qoyskeeda kadibna bulshada wixii ay ka gaadho, ceebna maaha inuu isaguna ka faa’iidaysto una arko khayr ee aanu sharaysan; Qoys kastoo Saxaabada ka mid ah kolba kii Xaadira Cilmiga uu Rasuulku(SCW) barayo Umada ayaa kan kale usii gudbin jiray. Taariikhda waxaan ka helaynaa tusaaleyaal badan oo ku saabsan Haween Aqoonleey ah sida Caa’sha, Xafsa, Umu-Salama(oo ahaa hooyooyinkii Mu’miniinta) waxay ahaayeen culimo ku caanbaxay inay yihiin Macalimadaha Raga. Haweenkii Salafkeena Saalixa ahna sidaas oo kale ayay ahaayeen waxaana Taariikhdu daabacday kuwo badan oo Caalimado ahaa Umadana wax taray.

Saxwada Islaamiga ah ee barakaysani waxay marar badan saamaysaa Haweenka(sida badan), waxaanad arki iyagii oo hanuunay oo xijaabtay oo ku dhanqanka Diinteena Raga kaga horeeya. Hayeeshee tani marar badan waxay qoysaska qaar ku abuurtaa ruxan iyo daganaansho la’aan waayo ninkii uma hanuunsana siday Haweenaydiisu u hanuuntay. Xaaladani waxay Haweenayda uga baahantahay inay si xikmad leh ula dhaqanto Saygeeda iyadoo rabta inay u hagto xaga khayrka, waana inay u sabirto, waxaa laga yaabaa in Ilaahay niyadeeda iyo camalkeeda u barakeeyo oo ay ku guulaysato badbaadada Qoykeeda.

Ayaadahaas iyo Axaadiistaasi aynu kor ku soo tusaalaynay kuma khaas aha ninka kaligiis ee waxay hadba masuuliyada faritaanka iyo reebitaanku fuulaysaa Sayga iyo Oorida kolba kii Aleh siiyo aqoonteeda iyo xikmadeeda(Asal ahaan ninkuu xilku saaranyahay gabadhuna waa inay ku caawimtaa).

  • Shubhada 2aad:“Qawaamada (Masuuliyada Qoyska) ninka la siiyay oo khalad laga fahmo”.

Masuuliyada Qawaamada ee Eebe ku manaystay Ninku waxuu yahay macneheedu inuu ninku tawjiihiyo Ooridiisa oo Daryeelo. Hadii gabadhu yeelato waxlagu qoonsado waxay taasi muujinaysaa inuu ninku ku gabood falay masuuliyadii Qawaamada ee Eebe korkiisa saaray, ama aanu sidii ay ahayd Qawaamadu ufahmin.

Qadiyada Qawaamadu waxay ka mid tahay arimaha Raga qaar ay khaladka ka fahmeen. Masalan waxay u haystaan inay tahay Xaqa ay waajib ugu leeyihiin  in Haweenaydu u adeegto, u nadiifo guriga, u kariso, isu qurxiso, caruurta u koriso kali ah. Wixii intaas kasoo hadhaa xisaabta uguma jiraan oo masalan ma waydiiyo Ooridiisa waxayn maanta akhrisay(hadayna wax akhrina kuma dhiiriyo inay akhrido wax faa’iido leh), xilkiisa waxaan ku jirin inuu wakhti ugaar ah u yeelo reerkiisa oo uu waxku baro, oo ay afkaaro ay kadoodi karaan isna dhaafsan karaan, oo ay arimaha caalamka ka taagan iska warsan karaan, iyo wakhti uu caruurtiisa laqaato.

Waxaa la arkay in Ducaad badan oo jidka Eebe uqaylinaya hadh iyo habeen ay guryahoodu dayacmeen baylah badanina ka jirto. Daacigu hadii uu ku fashilmo gurigiisa wuxuu ka dhigan yahay Dubaalad(Faynuus) holcaysa oo dadka u iftiimin iyaduna gubanaysa ilaa ayka idlaato. Daaciga waxaa la gudboon  inuu wakhtigiisa qayb muhiim ah kasiiyo gurigiisa. Daaciga maantu waa inaanu noqon wadaadkii hore oo Somaaliyeed oo ayna xaaskiisu maqal inay Salaadu waajib tahay caruurtiisuna maqalin inay xaaraan tahay dhacid(qaadis) geel dad kale(geel booli ah).

Aqoonta maadiga ah ee ay Haweenaydu kororsataa iyana waa mid Qoyska iyo Bulshadaba wax kusoo biirin karta mana aha in laga saso aqoonta xeesha dheer ee ay Haaweenaydu kasbato. Dibu dhaca ugu wayn ee Umada Islaamka ku habsatay waxaa loo eersanayaa markii Haweenkeena oo ah hooyooyinka ubadkeena laga dhartiray xaqooda aqoon-kororsi, taasi waxay ina gayaysiisay inay Hooyo jaahil ahi ubadkeenii koriso ubadkeenuna ay seegaan aqoon muhiim oo la falgasha bilowga nololeed ee qofka koraya. Waynu aragnaa midhihii ubadkii ay canqariyeen Haweenkii Salafka Saalixa(Saxaabadii iyo Taabiciintii) iyo siday Ragii iyo Haweenkii ay koriyeen caalamka oo idil ugu iftiimsheen Xadaarad aanay iyadoo kale dunida soomarin. Ilaa casrigan aynu joogno Muritaaniya iyo Wadamada waqooyiga Afrika qaarkood Hooyada ayaa ilmaha soo barta aqoonta Luqada sida Naxwaha, Sarfiga, Imlaaga iyo Qoraalka sidoo kale waxay bartaa ilmaheeda Quraanka, Siirada iyo Fiqhiga. Ilmahaasi wuxuu Bulshada usoo baxaa isagoo aasaas dhaqan iyo mid diineedba leh.

  • Shubhada 3aad: “Shaqada Haweenku ma banaana waayo waxaan aan  looga aamiin ahyn Ikhitilaad(is-dhexgal Rag iyo Haween) iyo Tabaruj(isbandhigis)”.

Runtii masaladani waa mid xasaasiyadeeda iyo doodeeda xambaarsan. Hayeeshee waa in madmadowga ku jira masaladan la cadeeyaa.

Markaa waa muhiim inaan ogaano in Haweenayda xilkeeda asaasiga ahi uu yahay Guriga oo ay ugu horayso ababinta iyo tarbiyaynta Ubadka. Waxaa waajib ah markaa inaanu jirin wax ka mashquuliya Haweenayda muhimadeedaasi wayn ee ayna u qumi karin cid aan iyada ahayni.

Hadaba ma jiri karaan duruufo ku khasbi kara gabadha inay shaqo u aado meel ka baxsan gurigeeda? Goorma ayay Haweenaydu u banaantahay inay shaqayso? Culimada Islaamka ee casrigan waxay u badan yihiin inay gabadhu shaqayn karto markay duruufo jiraan ku khasbaya shaqada. Majiro wax daliil ah oo cad oo  ka reebaya Haweenayda shaqada, maadaama asalka ashyaadu yahay xalaal waxay culimadu arintani ku xambaareen inay banaantahay iyadoo duruuf loo eegayo isla markaana lagu qaydayo shuruudo[6].

Duruufaha haweenayda shaqada ku kalifi kara waxaa ka mid ah:

    • Inay tahay Haweenay ninkeedii dhintay oo agoon haysata.
    • Haweenay la furay.
    • Haweenay aan calafkeedii guur wali u soo bixin ‘Gashaanti’.
    • Inay ka masuultahay Qoys aan lahayn cid kale oo usoo saarta masaariifta
    • Ninkeeda oo aanu kasabkiisu ku filayn masruufka reerka oo kasabkeeda shaqo uun waxka tari karo baahidaas.
    • Xirfadeeda oo bulshadu u baahantahay sida: Waxbarida Gabdhaha, Dhakhtarka haweenka iyo caruurta, Kalkaaliso caafimaad, iwm.

Qisada Suuratu Al-Qasas ee labadii gadhood ee uu dhalay Odayga waayeelka ahi ee Nabi Muse (CS) kula kulmay ceelka korkiisa iyagoo ceelalyo ah. Waxay Qisadani tilaamaysaa duruuf keentay inay gabdhahaasi u qumaan shaqadaasi culus maadaama ayna jirin cidka furataa. Aleh SWT wuxuu yidhi: “markuu gaadhay biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa Umad dad ahoo ka waraabsanaysa, wuxuuna sokadooda ka helay Labo Haween ah oo adhigooda dib u horaya(celinaya) wuxuuna yidhi muxuu arinkiinu yahay, waxayna yidhaahdeen ma waraabsano ilaa ay ka fulaan xoola-raacatadu, Aabahayana waa oday waayeel ah[7].

            Culimada ogol inay Haweenaydu shaqayn karto waxay ku dabrayaan oglaanshahaas sadex shuruudood ee soo socda:

      1. Waa inayna shaqadaasi ahayn mid xaaraan ah ama aanay cilaaqo lalahayn shay xaaraan ah. Masalan inay ka shaqayso Baar khamri lagu gado ama faa’xisho lagu sameeyo, inay shaqadu khalwo keenayso(sida inay noqoto Personal Secretary oo u baahan inay madaxeeda la kali noqoto mararka qaar), in shaqadu ku khasbayso inay xidhato dhar aanu Islaamku u ogolayn, iwm. Shaqa kasta oo aanu sharcigu ogolaynba waxay soo galaysaa taas. 
      2. Waa inay Haweenaydu laasimto Aadaabta Islaamka ee dhar xidhashada iyo socodka markay guriga kabaxayso. Aleh SWT wuxuu leeyahay:   “yaanay muujinin quruxdooda inta muuqata mooyee”, “oo yeyna ku garaacin adimadooda dhulka si loo ogaado waxa u qarsoon ee qurux ah”[8], “hadalka ha jilcinina oo damac uu galo kii qalbiga ka buko, hadal wanaagsana ku hadla”[9].
      3. Waa inaanay shaqadeedu ku keenin baylah masuuliyadaheeda kale sida xuquuqda Saygeeda, Ubadkeeda tasoo ah masuuliyadeeda koowaad.

             Hadaba muxuu yahay Ikhtilaadku asal ahaan? Kalmadani ‘Al-ikhtilaad’ waxuu micneheedu yahay isdhexgal ay isdhexgalaan Raga iyo Haweenku. Kalmadan adeegsigeedu waa mid casri ah oo lama adeegsan jirin wakhtigii Nabigeena SCW. Si kastaba ha ahaatee waxaynu isdhexgalkaasi ukala qaadeynaa mid banaan iyo mid aan banaanayn(khalwa). Saxaabada iyo Taabiciinta casrigoodii waxaa jiray munaasibado ay ku kulmaan Raga iyo Haweenka haday tahay kuwo aduunyo ama kuwo diineed oo ay hadii shuruudiihii loo qayday ay oofsadaan sharcigu ogolaa wax dhibaato ahina ayna ku jirin. Masaajidka ayaa tusaale wayn u ahaa meelaha kulmiya Raga iyo Haweenka, waagaas Masjidka Nabigu SCW malahayn sitaaradaha ay leeyihiin kuwa maanta jiraa, si siman ayayna Rag iyo Dumarku Rasuulka SCW u su’aali jireen arimaha diintooda iyadoo codkoodana la maqlayo muqaalkoodana la arkayo. Umu-Cadhiya oo ah Saxaabiyad wayn waxaa laga soo wariyay inay tidhi: “waxaan Rasuulka SCW la duulay (la qaswooday) todoba duulaan waxaan ciidanka u ilaalin jiray agabkooda, waxbaan u karin jiray, waxaan daaweyn jiray dhaawaca”. Sidoo kale wuxuu Muslim kasoo wariyay Anas in maalintii Uxud ay Caa’isha iyo Umu-Sulaym tafa xaydnaayeen oo ay dhabarkooda ku sideen sibraar(qarbad) biyo ah iyagoo kawaraabinaya ciidanka, markuu idlaadana dib bay usoo dhaaminyeen. Qisooyinkaasi oo idili waxay sawirayaan isdhexgal bulsheedka banaani kuu yahay.  Burburkii Umada Islaamka ku Dhacay markii Cadowga Islaamku ku guulaystay Dagaalkiisii Fikriga ahaa wuxuu keenay inay caadooyin iyo dhaqan bulsheedyo galaan halkii Nusuusta lana moodo dhaqamo Diinta asal ku leh. Masalada Ikhtilaadku wuxay ku dhex luntay qolo fududaysay oo xadka kala baxday iyo qolo adkaysay oo gaadhiisay heer ayna banaanayn inay labada Jinsi sina u kulminaan(Alaahu mustacaan). Waxaynu ubaahanahay Bulsho Islaamka ugu dhaqanta sida uu Ilaahay ugu talagalay oo ah si fudud oo aan culays lahayn, Qofkastaana waa inuu Alleh ka cabsadaa intuu karo.

Kulalkeena dambe iyo Qaybta 3aad, insha Allaah.

 

[1] Waxaa kasoo wariyay Ibnu Cabaas: Imaam Axmad, Ibnu Xabaan iyo Xaakim. Al-Jaamicu Al-saqiir 2/103.

[2] Albaani: Al-saxiixu Al-jaamicu Al-saqiir(ma xasuusni cadadkii safxada).

[3] Al-taxriim: 6

[4] Dhaahaa: 132

[5] Waxaa soo saaray: Abu-Daa’uud No 1709, Ibu-Maaja No 12335, Ibnu-Xabaan 4/119, Xaakim 2/416. Waana Xadiis Saxiix ah.

[6] Sh. Yusuf Qardaawi: Malaamix Al-mujtamac Al-muslim Al-ladii Nanshuduhu.(Source:  http://www.qaradawi.net/site/topics/article.asp?cu_no=2&item_no=690&version=1&template_id=92&parent_id=1)

[7] Al-Qasas: 23

[8] An-nuur: 31

[9] Al-Axsaab:

 

 

 

 

                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter