Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

Xuquuqda Haweenayda

Qalinkii/ Mustafa Jama

Qaybtii 1aad

Mawduucani waa mawduuc aad u balaadhan oo aynaan kaga bogan karin bogag kooban. Maanta xuquuqda haweenku waxay kamid yahay mawduucyada ugu muranka badan.  Hadaba markaynu xuquuqdan ka eegno saawiyada Islaamka waxaynu arki in nuqsaan badani inaga haysato, tan lafteeda, dhaqan galinteeda. Tani waxaa barbar yaala dood lid ah oo ku salaysan saawiyada reer galbeedk ayka eegayaan xuquuqda haweenka(marka ayaynu eegi hadii loo baahdo, insha Alaah).

Soomaali ahaan inkastoo aynu kasoo jeedno bulsho Muslim ah 100% hadana dhaqankeena ku aadan xuquuqda haweenku waa mid aad uga hooseeya heerka Islaamku ina farayo. Sida mujtamacaadka kale ee Islaamka ah, gaar ahaan Khaliijka, ayay  caadooyinku xukumaan heerka xuquuqda dumarka. Sidaas darteed ayaan aragnaa iyadoo ninku yahay xubinta kaliya ee bulshada dawr kuleh halka gabadhu ayku kooban tahay dowr hoose dhinac kastana magan uga ah ninka. Dhaqankaasi ayaa daboolay dhaqankii asalka ahaa ee Islaamka mar marka qaarna waxaa dhacda in dhaqankii caadada ku yimid uu badalo Islaamkii. Caadooyinkan oo uu keenay jahli gaadhsiisan in tacadi iyo meel ka dhac badan lagula kaco haweenka. Masalooyinka doodaha kululi ilaa hada ka oogan yihiin waxaaba ka mid ah ‘Gabadhu ma shaqayn kartaa’, ‘Gabadha garaacid ninkeedu ma ku edbin karaa’, ‘Gabadhu xaq ma u leedahay inay Gaadhi wado’ iyo masaa’il kale oo midba mid kasii yaab badan tahay. Dhaqankaas doorsoomay ee duudsiyaya xuquuqda walaasheen(Haweenay) wuxuu tusmo cad u yahay sida uu dib udhac Xaadaradeed inagu dhacay 14 qarni kadib bilowgii Dacwada Nabi Muxamad CSWS.

Sidee u arkaa Islaamku Raga iyo Haweena?

1-      Islaamku wuxuu u arkaa labka(Ninka) iyo dhadigu(Gabadha) inay ka soo wada jeedaan hal Asal oo ay yihiin ilma Aadam: Dadyahow kacabsada Rabigiina idinka abuuray naf kali ah(Aadam) iyadana kasii abuuray Oorideeda(Xaawa), labadooda oo wada jirana ka tafsiiray Rag badan iyo Haween[1]. Saaxibu Tafsiir Al-Dilaal Al-Qur’aan(Sayid Qudub) ayaa Aayadaas kore ka bixiyay aad sawir u qurux badan: “ Bashiriyadu waxay dhex muquuratay habow fog. Markay Haweenayda ka xayuubisay xuquuqdeeda Aadaminimo. Wakhti wakhtiyada kamid ah. Iyadoo lagu raadaysmay tasawur xun oo aan wax asal ah ku lahayn. Markay damacday bashariyadu inay daweyso gafkan waxay u fogaatay gabiga kale oo waxay hogaanka u sii daysay Haweenaydii. Bashariyadu waxay halmaantay in Haweenaydu tahay Aadame oo loo abuuray Aadame. Mana kala aha laba wax oo midba gaarkiisa yahay. Labka iyo dhadiguna waa lamaane is dhamaystiraya. Manhajka Rabaaniga ahi wuxuu Bashiriyada kusoo dabaalayaa Xaqiiqadaas fudud Habow fog kadib”.                                                                                                                                            

Raga iyo Haweenka waxaa jira waxyaabo badan oo aan lagu kala sooci karin, waana waxa aynu ku sheegi karno ‘Sinaanta Raga iyo Haweenka’ waxaana kamid ah:

                                      I.      Karaamada uu Ilaahay karaameeyay Aadamaha“Dhabaanu u karaamaynay Banii Aadamka[2].

                                   II.      Haweenayda iyo Ninku way usimayihiin Aadaminimada  “Aleh wuxuu idinka Abuuray Naf kali ah[3] .

                                 III.      Sinaanshaha xaga Xuquuqda; xuquudaasna waxaa kamid ah:

 

a-      Mucaamalaadka: xaga iibka iyo iibinta, iijaarida(Kiraynta), rahanka, waqfiga iyo wixii lamid ah.

b-      Dhaqaalaha: gabadhu sida ninka ayay wax dhaxli kartaa, waxna way mulkiyi kartaa mulkigaas haku kasbato Shaqo ama Dhaxal ama Siin ama Dardaaran ama Meher. Maalkeedana siday ugu takri falayso iyadaa xor u ah. Wakhti aan fogayn gabadha reer Galbeedka ah xaq umay lahayn inay wax yeelato ama maalkeeda ku takri fasho kaligeed.

c-      Guurka: gabadhu sida ninka xor bay utahay inay doorato ninka ay guursanayso cidna kuma sandulayn karto Say(Nin) aanay rabin.

d-      Barashada Cilmiga: Wiil iyo Gabadhba waa in la baraa Cilmiga si simana loogu dadaalo aqoon kororsigooda. Aleh SWT wuxuu inagu goodiyayaa: “Kuwa Aleh rumeeyayow ka dhowra Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar lagu shidayo dad iyo dhagaxan[4]. Nabiguna SCW wuxuu leeyahay: “Cilmi raadsashadu waxay faral kutahay Ninkastoo Muslim ah [5] wuxuu sh. Al-baani tasxiixiyay siyaadada ah “iyo Haweenay kastoo Muslim ah[6].

e-      Qaanuunka: qanuunka hortiisa Ninka iyo Gabadhu way simanyihiin.  Alah SWT wuxuu yidhi: “Tuuga iyo Tuugada jara gacmahooda[7], “Ta gogol dhaafta(ta sinaysata) iyo Kan googol dhaafa (kan sinaystay) ku jeedala midkastoo kamid ah boqol jeedal[8].

f-       Cibaadaadka: Islaamku wuu u simay Rag iyo Dumar cibaadadiisa sidoo kale abaal marintana way ka simanyihiin. Aleh SWT wuxuu leeyahay: “Cidii la timaada camal wanaagsan oo Rag ama Haween ah  isagoo Mu’min ah waxaan noolaynayaa Nolol wanaagsan, waxaanan ku abaal marinaynaa Ajarkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay camalfaleen[9], “Wuxuu ku Ajiibay Rabigood Anagu Ma dhuminayno  Camal mid Camal falay oo idinka mid ah Lab ama Dhadig, badhkiinba badhka kale ayuu ka ahaaday[10]. Gabadhu sida ninka oo kale ayay xor utahay Cibaadada kuma khasbana inay ninka ku daba socoto; tusaale waxaa taas u ah Asia markay Caqiidada ku khilaaftay Fircoon, markii Nabiga Nuux iyo Luud ay dumarkoodii Caqiidada ku raaci waayeen oo gaalo raac noqdeen[11].

g-      Xaqa Nolosha:  Casrigii Jaahiliga noloshu waxay ahayd xaq ayna Gabadhu waxba ku lahayn, markii la doono ayaa nolosha lagu duugi(xabaali) jiray. “Goortii la warsado Gabadhii laxabaal nololiyay, maxaa dambi ah oo ay gashay oo lagu dilay[12]. Jaahiliyadu waxay gaadhay heer gabdhaha nolol la duugo, wixii aan la duugina waxay ahaayeen wax noloshoodu rakhiis tahay oo sifooyinka ugu xunxun lagu sifeeyo. Masiixiyadu waxay u tiqiin gabadha Shaydaan. Ilaa maanta waxaan akhrinaa Riwaayado Islaa’iili ah(Yuhuudi abuurtay) oo sheegaya inay haweenku sharyihiin hooyadood Xaawina ay Aadam Shaydaan u raacday sidaana Janada looga soo saaray, Aayadaha Quraanka ayaa taas beeninaya.

h-      Xoriyada Ra’yiga iyo Hadalka: Islaamku wuxuu waajibiyay in Gabadha ra’yigeeda la dhagaysto. Tusaale waxaa inoogu filan doodii dhexmartay Al-Khansaa Al-Ansaariya iyo Nabiga SCW waxay ahayd dood cad oo ay Khansaa ku doonaysay inay ku bayaamiso inuu Islaamku gabadha u jideeyay inay doorato Saygeeda ee aanu waalidku ku jujuubi karin ka uu isagu doono[13]. Sidoo kale waxaa caan baxday odhaahda caanka ah ee Sayidinaa Cumar uu yidhi “Waxaa xaqa haleeshay gabadha, Cumarna wuu garab maray xaqii” kadib markii ay kala dooday Meherka  oo tidhi “sideed Cumarow u tidhaahdaa hala Rakhiisiyo Meherka iyadoo Eebe yidhi: “Idinkoo siiyay Haweenka midkood Meher(badan) haka qaadanina meherkaas waxba[14] sidaas ayuu ku qaatay Khaliif Cumar ra’yigii gabadha.

Xuquuqda ay Raga iyo Haweenku ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah(si kooban oo aan sharax wadan):

1.      Xambaarida Risaalada Ilaahay: waxaa gaar loogu xil-saaray Raga.

2.      Jihaadka iyo Hubqaadista: waxaa gaar uleh Raga. Inkastoo aynu taariikhda Islaamka ka heli karno Halyeeyo Haween ah, hadana Faral kuma aha shaqadaasi Haweenka.

3.      Qawaamada Qoyska(maamulka qoyska): waxaa la siiyay Raga.

4.      Imaamada/ Madaxwaynaha : waxaa la saaray Raga kaliya.

5.      Furitaanka: waxay ku jirtaa gacanta Ninka.

6.      Diyada(Magta) Haweenaydu waa nuska ama badhka Diyada Ninka.

7.      Saamiga Gabadha ee dhaxalku waa badhka Saamiga Ninka.

8.      Maraga furka: marag furka ninku = laba Durmar ah.

Maxay tahay Xuquuqda ay Ooridu(Haweenaydu) ku leedahay Saygeeda(Ninkeeda)?

1)     Xaqa Cishrada(dhaqashada wanaagsan):  

     Waxaa ka mid ah xuquuqda mucaasharada ee ay Ooridu ku leedahay Saygeeda:

            Xaqa Mucaasharada galmada. Rabi SWT wuxuu leeyahay: “waxaa la idiin baneeyay inaad Habeenka Soonka  la kulantaan Haweenkiina, waxay idiin yihiin dhar idina waxaa u tihiin dhar [15]. Waxaa Ilaahay tusaale ugu soo qaatay dharka waayo dharku waa waxka jidhka qofka ugu dhaw eek u loohan, sidaas darteed waxay muujinaysaa isu dhawaansho aad u xeel dheer oo dhex mara Ninka iyo Haweenaydiisa.  Mucaasharadaasi waxay ka dhigantahay Astur, Dugsi, Qurux iyo Xafidaad. Markale Rabi wuxuu leeyahay “ula dhaqma haweenkiina si fiican , hadaad dhibsataan waxaa suuroowda inaad wax ku dhibsataan oo uu Ilaahayna idiinka yeelo waxaas khayr badan[16]. Nabigeenu CSW wuxuu ku sifeeyay ninka u wanaagsan Haweenaydiisa inuu yahay ka dadka ugu khayr badan “waxaa idiinku khayr badan ka reerkiisa ugu wanaajin badan, Aniguna waxaan ahay kan reerkiisa ugu wanaajin badan[17], “waxaa Mu’miniinta ugu Imaan fiican kuwa ugu Akhlaaqda fiican ee ugu dhibir-san reerkooda(Ooriyahooda)”[18].

            Waxaa laga rabaa Sayga ama Ninku inuu wanaajiyo Ladhaqanka Haweenaydiisa, isagoo adeegsanaya:

1.      Inuu ilaaliyo karaamadeeda iyo sharafteeda. Waa inaanu ku dulaysan eray ama ficil. Waa inuu markuu u wacayo(u dhawaaqayo) ugu wacaa magacyada ay ugu jeceshahay inay maqasho. Nabigeenu SCW wuxuu yidhi “Haweenka ma karaameeyo(wanaajiyo) kariim maahee, mana liido  nin xun maahee[19].

2.      Inuu u dulqaato gafka Ooridiisa: waxaa dhici karta inay Haweenku si fudud u cadhoodaan markaa waa inuu dul iyo cafis badan ku dhaqaa reerkiisa. Nabigeenu SCW wuxuu ina farayaa: waxaad Haweenka  u dardaarantaan khayr, waxaa laga abuuray iyaga feedh qaloocda waxaana feedha ugu qalooc badan qaybteeda sare, hadaad is tidhaahdo toosi way jabi, hadii aad sideeda ku daysana kama suulayso qaloocni, Haweenka u dardaara khayr[20]. Feedha qaloocda waxaa looga jeedaa inuu Ninku u dhaqdo Haweenaydiisa sida Ilaahay u abuuray, hadii uu wax ku dhibsado wuxuu heli doonaa dhinac kale oo uu ku farxo.

3.      Inuu Ehelkeeda wanaajiyo: waxaad wanaajinayaa ehelka Haweenaydaada adigoo xidhiidh fiican la yeesha Qoyska ay kasoo jeedo; waxaa kamid ah xidhiidhkaas adigoo  kala qayb gala munaasibadaha faraxa iyo murugada labadaba. Inaad soo dhaweyso oo soorto markay marti kuusoo noqdaan. Dhaqanka Xididnimada ee Somaaliyeed waa mid qaali ah, waxaanan odhan karnaa wuxuu ka mid yahay dhaqamada Xididnimada ee Islaamka kuwa ugu dhow ayuu ku jiraa, Taariikhdana waxaad ka helaysaa colaado ba’an oo ay qaboojisay Xididnimo amaba xidhiidh fiicani bulshooyin ku dhex maray Guur ay kala guursadeen awgiisa.

4.      Inuu la loolloolo oo kula kaftamo hadalba hadalkuu ka macaanyahay, oo ula dhaqmo si dhibirsan. Inkastoo aynu dhaqan reer guuraa oo kakan ka nimi hadana dhaqankani Islaamka ku qotomaa  waa dhaqan u usuurto galiyay Qoysas badan nolol qabow oo xasilooni iyo is jacayl ku dheehan. Laakiin ku talax tagista loolku wuxuu Ninka qaadaa haybada, kolkaa dheeli tiraantu waa muhiim. Waxaa tusaale inoogu filan siduu Nabigu SCW ula mucaashiroon jiray Haweenkiisa sida ugu fiican. Nabigu reerkiisa waa u khidmayn jiray, waa u toli jiray dharka, waa u xaaqi jiray guriga, waa u maali jiray xoolaha.

5.      Inuu dhagaysto sheekadeeda oo haday hadasho ugu dhag raariciyo si ihtimaam leh, ra’yigeeda iyo taladeeda wanaagsana qaato oo qiimeeyo.

6.      Inuu Hadiyado u keeno markuu karaba si uu qalbigeeda u galiyo farax iyo rayn rayn joogto ah. Si uu ugu dhex abuurmo Qoyska kal gacal iyo mawado[21].

Kulalkeena dambe iyo Qaybta 2aad, insha Allaah.

 

 

[1] Nisaa’: 1

                                      I.      [2] Al-Israa’:70

 

[3] Al-acraaf: 189

[4] Al-taxriim: 6

[5] Waxaa Ibnu Cabaas kasoo wariyay: Imaam Axmad, Ibnu Xabaan iyo Xaakim. Al-Jaamicu Al-saqiir 2/103.

[6] Albaani: Al-saxiixu Al-jaamicu Al-saqiir(ma xasuusni cadadkii safxada).

[7] Al-maa’ida: 38

[8] An-Nuur: 2

[9] An-Naxl: 97

[10] Ala-Cumraan: 195

[11] Al-taxriim: 10-11

[12] Al-Takwiir: 8-9

[13] Waxaa wariyay Bukhaari(9/106), Muslim(2/1087, 1088).

[14] An-Nisaa’: 20

[15] A-Baqarah: 187

[16] An-Nisaa’: 19

[17] Waxaa wariyay Al-Tarmadi oo ka wariyay Caa’isha(Umul-Mu’miniin) Page No 3895, Dhabari oo kawariyay Mucaawiye, iyo Ibnu-Maaja oo ka wariyay Ibnu-Cabaas Page No 1977.

[18] Al-Tarmadi ayaa ka wariyay Caa’isha; waxuu Suyuudi ku suntay Calaamada Al-Xasan(Al-Jaamic Al-saqiir 1/99).

[19] Ibnu-Casaakir ayaa kawariyay Cali waana Saxiix. Al-Jaamic Al-Saqiir 2/11.

[20] Al-Lu’lu Al-Marjaan oo ka kooban waxay isku waafaqeen labada sheikh(Bukhaari iyo Muslim) 2/110 No 932.

[21] Al-mar’atu fii Al-tasawur Al-Islaamii 161-165.

 

 

 



                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter