|
Magaca Qaadku wuxuu ka
yimid kalimada carabiga ah ee (Quut) oo cunitaan ah, kalimada Jaadku
waxay katimid kalimada carabiga ah ee (Jaada) oo deeq ah
Ama Qaad dheh ama Jaad e,geedkaas
cunidiisu waxay nooga timid wadan ka Yaman oo dhawr boqol oo sano
laga cunayay. culumada islaamku waxay isku raaceen mar shir lagu
qabtay Madiina Al-Munawara inuu yahay Daraag qaar ka mid ah culumada
Yaman moo yeen.
waxa ay
muslimiintu isku raacsan yihiin Khamradu in ay xaaraan tahay maxaa
yeelay waxaa ka hadlay Quraanka,waxay kaloo isku raacsan yihiin
Xashiishada iwm , xashiishadana waxaa la arkay dhawr boqol oo sano ka
dib dhimashadii Nabi Muxamad scw gaar ahaan wakhtigii Tataarku ay
qabsadeen Baqdaad caasimadii islaamka, waxayna u daliishadeen
culumadu inay tahay xaaraan adiladii ka hadashay khamrada maxaa
yeelay khamrada iyo xashiishadu waxay wadaagaan in ay yihiin maan
dooriye sida kucad Xadiis mutafaq ah oo Sayid Cumar Nabiga ka wariyay
scw (Khamradu in ay tahay waxii caqliga daboola ama dada) xadiiskaa
waxaa soo hoos gali Xashiishka iyo Qaadka iwm.
waxaana jira shan
arimood oo shareecada Islamku ay ilaaliso 1-diinta 2-nafta
3-caqliga 4-maalka 5-nasabka ama cirdiga. si caqliga loo ilaaliyo
ayaa maanduuriyaha
loo xarimay sida khamrida iyo xashiishada iyo qaadka iwm, dadka qaar
ayaa kudooda in qaadku uusan saamayn oo waxba uu san yeelin,.dadkaas
waxaan leenahay waxaa jira dad khamradu aysan waxba yeelayn oo ku
shaqaysta ,qiyaasku ma aha in adiga ay kudhibi iyo inkale, sida kucad
xadiiskii nabigu uu kuyidhi(waxuu sarqaamiiyo kiisabadan kiisayarna
waa xaaraan) waa in aan maan dooriyaha loo dhawaanin xaataa inyar oo
aan waxba kuyeelaynin. Waxaa jira oo xaqiiqa ah in bulshadu waxay
kusoo bar baarto uu sax la ahaan diintaba dhankeeda ha ka xumaadee''
tusaale ahaan waxaa
jira xadiis uu Nabigu ku sheegay in ay dan biyadu yihiin dhawr iyo
todobaatan waxuu sheegay Nabigu csw kan oogu wayn iyo kan oogu yar
waxuuna usheegay sidan : waxaa ugu wayn in qof muslimah cirdigiisa ama
nasab kiisa wax ka sheegtid, waxaa uguyar in ninku hooyadii
naagaysto''' hadaba su aashu waxay tahay keebaa inaga inala wayn?
jawaabta adaan kaagatagi akhristaha sharafta mudanaw laakiin
ujeedadaydu waxay tahay in aan muujiyo in aysababtu tahay daqanka iyo
waxaan kadhaxalay bulshadeena, inagoo yaryar ayaan soo baranay kaasu
waa midgaan ama nasab dhiman taasna waxay keentay in ay caadi noo
noqoto inagoo aan danaynayn aragtida islaamka, qaadkuna waa saas oo
kale, khamradoo kale weeyaan xaataa hadii lafiiriyo khamrada isagaa ka
siixun oo wuu kaqaalisanyahay''waxaan shaki kujirin in qaadku uu dhib
wayn ku hayo bulshada soomaaliyeed gudo iyo dibadba uuna ugaysto
dhibaatooyin badan mid caafimaad mid dhaqaale iyo buburin qoys intaas
waxaa dheer ookasiidaran ka dhaga adayg xukun Alle,Alle Quraan ka
waxuu noogu sheegay (in qofka mu minka ah ama mu minada ah aysan
lahayn khiyaar mar haduu Alle iyo Rasuulkiisu arin ay gu aamiyaan).ma
ku caqliyaysan waynay in dawladihii ogalaa in khamro wadankooda lagu
cabo aydiideen in qaad uu soogalo wadamadooda sida Maraykanka iyo
dawlaha Ree Yurub badankood,’’ maku caqliyaysan waynay in dawladaha
Ethiopia iyo Kenya ay noo soo dhoofiyaan iyaguna aysan
cunin'.'umadeenu waxay kujirtaa dhib waxaana dhibkaa siihurin ama
shidaya waxaa ugu wayn Qaadka. culumada diinta iyo aqoonyahanka
soomaaliyeed iyo dhamaan ururada bul shada waxaa kuwaajib ah in ay
ladagaalaan Daraagaas kulana dagaalaan wacyi galinta bul shada iyadoo
loocadaynayo xukunkiisa kaalintaa waxaaleh culumaa u diinka iyo
iyadoo loocadaynayo dhibaatooyinka caafimaad ee uuleeyahay kaalintaana
waxaaleh Dhakhaatiirta iyo iyadooloocadaynayo dhibaatooyinka dhaqaale
ee uuleeyahay kaalintaana waxaaleh Dhaqaalyahaniinta iyo
iyadooloocadeynayo dhibaatooyinka qoys ee uu leeyahay kaalintaana
waxaa leh dadka arimaha Bulshada yaqaan . intaasoo qaybood markay wada
jaan qaadaan waxaan shaki ku jirin in ay wax wayn bul shada
kabadalayaan.
Mohamed sh adam
Sheekh_70@yahoo.co.uk |