Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

TIiR DHEXAADKA UMADU HOOYADA MIYAA MISE AABAHA
Qaybta 3aad
                                                             Qore: Canab Xasan – London 
waxaan   qayabihii hore uga soo hadalanay in aduunka  oo lacamiraa tahay suno Illaahay uu dadka faray. waxa lagu camiraana tahay guurka,  oo dadku ku tarmaan iyadoo weliba loo mara jidka illaahay baneeya.  Hadaba guurka waxaa ka dhasha ma’suuliyad aad u balaaran.Hadaba maxay tahay masuuliyadaasi?  Waxaa ka loo ka dhasha  xaq. Hadaba muxuu yahay xaqaas? Yaase lagu leeyahay?
masuuliyadaas waxay ka dhalatay guurkii ay is guursadeen labada qof waxaana masuuliyada la saarayay Ninka   oo ka masuula haweenayda  uu guursaday,kadibana ubadaka uu dhalay. xaqa iyo xuquuqadan waa  miday isku leeyahiin labadii is guursatay ka dibna u gudabtaa haduu ubad Illaah siiyo. Hadab waxaan ku eegayaa qayabtaan sadexaad  siday masuuliyadaas uga soo baxaan iyo  hadii la dayaco  cida dayacaadu u badan tahay, waxaan hormarinaynaa dhinaca Aabah sida Illaahayba  masuuliyada isga u saaray.                        
AABE
 Aabe waa qofka  uu illahay masuuliyad saaray masuuliyadaas  oo balaaran kana bilaabta doorashada  uu dooranaayo Ninku cida  uu rabo inuuu Aabaha a u noqodo, masuuliyadaas oo haduu dayacana Illaah waydiinaayo.maalinta  Qiyaamaha. Nabiguna waxaa uu xadiis  ku yiri : Qof walbaa waxii masuulka looga  dhigaay, ayaa   la waydiinayaa. hadaba Aabayaashu waa dayacaan ma suuliyadaas,mana uga soo baxaan  sidii laga rabay waxanad moodaa in marka horeba caruur in ay helaan  u Guursadeen markay  helaana   ay daycaan.  Waxaa layaable Nin walbaa waa rabaa inuu caruur  uu ku faano helo magaciisunu aanu dabar go’in  oo  wax ku ab tirsado helo
 hadii uu gaboobana waxa u maciino helo. hadaba haduuba aabahu rabo inuu   helo waxaas oo dhan, maku xisaabtamaan  inay  marka hore masuuliyada saaran ka soo baxaan?. 
Amiirkii  muuminiita  cumar bin  qadaab ayaa waxa  uyimad Nin wiilkiisa ka dacwoonaaya  oo leh caasi buu igu noqoday. wiilkii ayaa yiri yaa Amiiru  muminiin horta anigu xaq Aabahay ma ku leeyahay?  waxaa uu yiri haa  maxaa kamid xaq  aan ku leeyahay aabahay ayuu yiri? ,Amiirkii waxa uu ugu jawaabay sadex shay:
1: marka hore inuu  hooyo fiican kuu dooro
2: inuu magac fiican kuu bixiyo
3 inuu diinta kubaro .
Waxaa uu yiri  hooyo fiican iima doorin oo adoon buu iga dhalay markay I dhashayan waa eryay  ana waa iga soo  qaatay, magac fiicana iima bixin inta uu magiciisii sheegay buu yiri magacaas  buu ii bixiyay, diin ima barin. waxaa uu yiri amiinrkii  intaan wiilka la ciqaabin horta Aabaha  hala ciqaabo.
hadaba aqaristoow   inta badan in aabayaasha soomaliyeed ninkaas lamid yahiin. haday xaq  iyagu marka hore gudan lahaayeen waxa maanta  na haystaa mana haysan lahaayeen?.  Waxaa is waydiin leh  Raga soomaalidu  xaq koobaad  mayaqaanaan? haday yaqaanaana siday u yaqaanaan?  waxay  u yaqaanaan qaarkood sida ay diintu sheegto si aan ahayn. qaarana maba yaqaanaa, wiilal badan  inay helaan isakana koraan  waa  waxa ay  jecel yihiin. wiilasha la jeclaadaa tirdooda  loo aabo yeelin  waxii laga rabay hadaa laga hayaa wiil geesiya  waa  jec laayeen waana heleen . laakiin  geesimanada saan unaqaan iyo sey diintu u taqaan  ma isku mid baa?  markay dhashaan  kuma dadaalaan waxa la siinaa waxay yahiin in badan waxay ku dadaashaa inay koriyaan iyadoon laga fakarin  waxa lagu korinaayo, Nabaguna waa kiiyiri geedkii xaaraan ku baxo naaraa  kudabeeyan . hadaba  dhaliyarada  Soomaaliyeed  ee mooryaanta noqotay dalkii soomaalieedana sida aan aragno u galay hadii ay heli lahaayeen markii hore Aaboyaal fiican oo ku tarbiyadooda ku dadaala? In sedan ay dhaami lahaayeen. 

 



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter