Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

TIIR DHEXAADKA UMADU HOOYADA MIYAA MISE AABAHA
Qaybta 2aad

                                                               Qore: Canab Xasan - London

Tusaalah  kale  waxaan  ku soo qaadanaynaa maanta    qoysaskii ugu horeeyay  ee  nabigeena(csw) qoysaska nabigeenu waxaa  uu ahaa qoysas aad iyo aad  ku daysho mudan ilaa hadana aan lahayan  waxa   la mid ah, daaye waxa soo dhoweeya.

xaaskii ugu horeeyay  ee rasuulku (csw)waxaa  ahayd KHadiijo bintul Quwala  waxay   ahayd  qoftii nabigeen  gacan
 wayn ka siisay  xaga dacawada  sanadkay  dhimatayana  waxaaba loo bixiyay  sanadkii murugada.umunaa qadiija waxay Nababigeena ku taageertay  saan u soo sheegnayna murugooy badan  oo soo food saaray

Nababigeena(csw)umunaa qadiija waxay Nabiga ka soo saaratay xaalado khaadiija la'aanteed ku adkaan lahaa,xaga dacawada iyo xaga qoyska, xaga gurigana waxaa ay soo barbaarisay
 asxaab badan illahayana waxaa uu  kaga arsaaqay ubadkiisa ilaa hal maahe.
taasi waxay keentay in markay  dhimatay ay xaasikiisa qaar ka maseeyraan. nabiguna CSW waxaa uu xariirin jiray asaxaabtiisa hadaba qooyskaas ma ahay qaar aduun isku raacay laakiin waxay isku raaceen gurigoodana ku dhiseen iskuna raaceen isagoo qof walbaa qof kale shaqsiyad wanaagsan ku raacay,
markii danbena qaxay isugu gargaareen. Hadaba maxay Qadiijo ku muteysaty  is garab taagii saygeeda iyo ugargaaridii  xaqa? waxay ku mutaysatay  in allah salaan u soo diro, guri qasaban janada looga dhiso.  waxay ku guuleeysay aduunyo sharaf aakhirona jano.

Tusaake kale xiligii uu sayiduna Cumar khaliifada hayey  ayaa waxaa   uu reebay inaan  caanaha la biyaynin,markii waagu baryay ayaa islaani ku tiri:
gabadheeda miyaanad caanaha biyeeyneey? maxay tiri gabadhii sideen u biyeeyaa iyadoo amiirku reebay!!, islaantii ayaa tiri dadkii kale waa biyeeyeen, maxay tiri gabadhii? waxay ku jawaabtay hadal aad u cajiib badan kelmid muujisay( ixsaanka) illah hadaanad arkayn isaga ayaa ku arkaaya, waxay tiri  hadii cumar ku arkeeyn illah ayaa ku arkaya. markaa waxaa maqlaayay cumar.

cumar waxa uu u tegay wiilkiisa  Caasim waxaanu ku yir gabadhaas raadi oo guurso, caasim waa fuliye markii aabihii sidaas yir ayuu guursaday, waxay u dhashay gabar  gabdhii uu awoowaha u haa caasimana waxaa guursaday Cabdi casiis bin marwaan waxayana u dhashay Cumar bin cabdi casiis oo aad wada taqaanaan.

Tusaalaha kale wiil yar oo dhalin yar ah waxaa uu soo garab maray beer waxaa ka soo laalaaday tufaax waxaa uu ka goostay xabad tufaax ah iyadoo ay u geysay baahi, mudo ka dib waxaa uu soo raadiyay ninkii beera lahaa waxaanu ka codsaday inuu cafiyo laakiin ninkii waa diiday waa baryay wiilkii waana diiday ninkii mudo markii uu baryaayay hase haatee waa ka cafiyi waayay, maalintii danbe  ayuu gurigiisa ugu tagay   banaankana ku sugay, waxaa soo baxay ninkii oo salaad u socda waxaana ka codasaday markale inuu cafiyo!!.
waxa la fiicnaatay in uu wadaadkii jaanis uu helay waxaanu ku yiri: waxaa ii joogta gabadh indha la ,luga la ,gacama la.. hadaad guursatid waan ku cafin hadii kalena may, wiilkii dhalinyarda ahaa talaa ku cadaatay  hase ahaatee mastaqabalkaas madoow  waxaa uga darnaatay akhiradiisa waxaanu xasuusatay  (waman yataqilaaha yajcalq lahuu makhrajaa) waxaanu qaatay go'aan waxaanu  yiri hadaad I cafinaysid waan guursanayaa, ninkii waxa uu isku dhisay gabadhii iyo wiilkii  wixii qarash ahaana  isaga ayaa bixiyay,

hadaba wiilkii dhalinyardaa ahaa markuu gurigii galaayay waxa uu arkay waxaanu filayn, gabar aad u qurux badan markay aragtay inuu  caadi ahayna waxay waydiisay xaaldiisa markuu u sheegayna waxay tiri  aabahay  waa runtii  xumaan oo dhan waa ka dhego la'ahay  ka Indho la'ahay ka gacmo la a'hay, mudo ka dibna waxay isku dhaleen  Imamkeena aad wada taqaanaan ee Abuu xaniifa
hadaba waxaad ogaataa wax kastoo saldhiga looga dhigo usaluub wanaagsan iyo taqwda waxaa illaah kugu abaal marin  waxa aad u qaaliya,illahayna waxaa uu waxa qaaliya   ku bedelaa wax qaaliya, 
hadaba xageebay  kataagan yahiin  umadaha muslimiinta ahi arimaahs aan soo tilmaanay!!??.

 

 

 



                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter