Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 
 

TAARIIKHDII HORE EE FALASTIIN

Qore:C/risaaq Xaji Xussen

Qaybtii 2aad

أَنّ للثعلبِ دِينا مخطيٌّ من ظنّ يوماً

Waxaan leeyahay : Waxaa qaldan ninkii u maleeyay in yahuuda aay balan leedahay.

  YACQUUB ”CS”        Markii aay yahuuda usoo guureen dhulka reer falastiin..

Taariikhda sey noo warisay in labadii wiil ee nabiyanaa ibraahiim ee kala ahaa isxaaq iyo ismaaciil ay ku dhasheen falastiin lakin waxay ahaayeen dad usoo hijrooday ee ma aheeyn dadkii dagaanka u dhashay ama sii daganaa, Yacquub ”CS” oo loogu yeero ”isra’il” oo ah wiilkii isxaaq ”CS” , Yusuf ”CS” waxaa uu ka mid yahay caruurta nabi yacquub ”CS”.

Yacquub CS reerkiisa oo dhan waxaa uu usoo raray masar kamana guurin suu u yimid dalka masar, sidaas ayeey uga wareegeen dalka falastiin oo aay markii horeba ku yimideen hijro, sida aay taariikhada cadeysay ama kutubta ku qoran faraca reer yacquub hal jiil kuma dhameeysay dalka falastiin marka sidebey ku oran karaan ama ku dhihi karaan yahuuda dhulka falastiin hada anagaa leh oo awoow yaasheen ayaa daganaan jiray sida Yacquub CS waqti waqtiyada ka mid ah.

M muuse C S Marka kale ee aay yahuuda usoo hijrootay dalka falastiin waxay aheyd markii Nabi muuse CS uu qoomkiisa ahaa reer banii israil ee masar si uu uga bad baadiyo fircoon iyo ciidankiisa, halkaas waxaa ka arkee in yahuuda had iyo jeer aay ku soo gali jirtay  muhaajiriin ama dad qaxaya.

Lakin dadka asalka u ah falastiin waa ”Kancaaniyuun”, sida ku xusan kutubta muqadaska ah iyo buugaagta aay qoreen reer galbeed ma aha ku aay qoreen carabta , badi in aay ka soo hijroon jireen dalka masar xagaa iyo falastiin sababtoo ah falastiin waxaa aay hoos imaan jirtay maamul ahaan siyaasad ahaan iyo taariikhiyanba ilaa waqtigii laga dhisay macbadka kaas oo uu aasaasay N Yacquub CS, wakhtigaas ayeey bilaabeen faraacinta in aay dhulka isku balaariyaan qabsadaan dhulka reer falastiin wakhtiyadii ”al-haksoos” markii aay falastiin noqotay mid raasan masar marna laguma arkin taariikhda qudus ama falastiin in yahuuda aay dagtay falastiin ama waqti dheer aay ku nagadeen dhulka falastiin, hijrooyin gaaban ayeey yahuuda ku tagtay dalka falastiin.

Sida xaqiiqada ah ee cad in ”Kancaaniyiin” iyo ”al-yabiisiyuun” aay ahaayeen dadka asalka u ah dhulkaas.

1250 CH Muuse CS ”Masar”

 Soo bixidii nabi muuse CS ee dalka masar waxay u noqoneysaa taariikhdu markey aheed 1250 CH.

Muuse Muuse CS iyo Falastiin

Markii nabi muuse CS iyo asxaabtiisa aay soo gaareen daafaha falastiin waxaa uu u waramay in ilaahay uu ku amrayo in aay galaan beeytul-maqdis lakin jawaabtoodu waxay aheeyd in ay dhaheyn :-  

قَالُوا يَا مُوسَى إِنَّ فِيهَا قَوْمًا جَبَّارِينَ وَإِنَّا لَن نَّدْخُلَهَا حَتَّىَ يَخْرُجُواْ مِنْهَا فَإِن يَخْرُجُواْ مِنْهَا فَإِنَّا دَاخِلُون

(maida- ”22”)َ

Markii aay saa yiraaheen waxaa ay ugu jawaaben Nabi muuse CS iyo walaalkii haaruun gala ilaahay ayaa idin guuleeysinaya, markaas bay hadan dhaheen sidan:- wa surada maida ayada 24

قَالُواْ يَا مُوسَى إِنَّا لَن نَّدْخُلَهَا أَبَدًا مَّا دَامُواْ فِيهَا فَاذْهَبْ أَنتَ وَرَبُّكَ فَقَاتِلا إِنَّا هَاهُنَا قَاعِدُونَ

Bal aan ka fakarno shacabkan gaalada ah ee canaadka badan eena ku jirto cuqdo iyo gaalnimo isbiirsatay oona lagu arag umadaha kale ee dhulka dushiisa ku nool intii taariikhda jirtay.

Ilaahay quraankiisa aayado badan ayuu ku husay dhibkooda iyo ciqaabihi lamariyay halkana laguma soo koobi karo.

Yahuuda Nabi Muuse CS dabadii ”CH 1186”

Yuushac bin-nuun CS

Sanadkan 1186 CH waxaa hogaanka u qabtay yahuuda yuushac bi-nuun CS  dagaalkii aay uu aadeen xagaa iyo dhulka barakeeysan wayna aadeen xaga iyo falastiin lakin meeysan aadin xaga beytul maqdis “Qudus” lakin waxaa jira sheekooyin qaldan oo oranaya in aay furteen ama qabsadeen qudus, lakin sida runta ah waxa waaye in aay magaalada ariixa furteen.

                                   

 Waxaa jira dagaal ay la galeen yahuuda dadkii awooda lahaa ee dhulka daganaa kuwaas oo ahaa “Kancaaniyiin” qurankana lagu sheegay dagaalkaas, yahuudana waxay furatay magaalada ariixa ee ku taal wadanka falastiin weyna ku yara nagaadeen.

 Kutubta taariikhda iyo axaadiithta way sheegeen dagaalkaas qur’ankana waa lagu xusay surada baqara aayada 58

                                   

                                    وَإِذْ قُلْنَا ادْخُلُواْ هَـذِهِ الْقَرْيَةَ فَكُلُواْ مِنْهَا حَيْثُ شِئْتُمْ رَغَداً وَادْخُلُواْ الْبَابَ سُجَّداً وَقُولُواْ حِطَّةٌ نَّغْفِرْ لَكُمْ خَطَايَاكُمْ وَسَنَزِيدُ الْمُحْسِنِينَ

Dagaalkan waxaa uu dhacay malin jimca ah waxaana ognahay in ilaahay uu yahuuda ka xarimay malinta sabtida ah in aay wax camal ama shaqo iyo dagaal aay sameeyaan, dagaalkii malinta jimcaha bilowday ayaa socday ilaa qoraxdu soo gaabato, markaas ayeey ka baqeen in dagaalka oo socda malin sabtida ah ku gaaro ayagoon guuleeysan, markaa ayuu Nabigodii Yuushac CS uu baryan ilaahay in uu qoraxda u istaajiyo markaa ayuu ilaahay ka aqbalay ducadiisi wuuna u istaajiyay qoraxda meesheedi ay taagneeyd kamana aay dhaqaaqin ilaa dagaalka uu guushiisa aay ayaga ka raacdo.

Arintan aan hada sheegnay waxey ku xusan tahay quraalada sunada waxaa uu ibnu-xajar dhinacya badan oo saxiix ah ku wariyay uuna soo saaray Axmed uuna ka wariyay Hisham – ibnu-seyriin abii-hureyra waxa uu yiri nabiga SC Qoraxda qof looma xabiso ilaa Yuushac binunuun..sidaas ayey mucjiso cusub ku arkeen in dhahooda reer banii israil...

                                    Cutubku wali waa uu socdaa...

Qore:

C/risaaq Xaji Xussen

Naxariis@hotmail.com

Helsinki, Finland

 

 

 

 

                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter