Ogaalonline  

  Home| Ogaalonline| War soo dir| Contact Us|  

 

 

 

FALASTIIN ISLAAMKA KA HOR

Qore: Abdirizak Haji Hussein "Naxariis

Cutubka 1aad

 

TARIIKHDII HORE EE FALASTIIN

1.Dadkii ugu horeeyay ee daganaan jiray falastiin.

2.Magaca falastiin asalkiisa.

1.Dadkii ugu horeeyay ee daganaan jiray.

Qof si sax ah u hubo dadkii daganaan jiray ama waqtigi ugu horeeyay uu bilaawdo dagaanka dhulkaas falastiin mana jiro wax tariikhda xadidaaya oo daliil ah lakin waxaa jira tilmaamo ama aa thaar sheegeeysa daadkii ugu horeeyay ee falastiin daga in aay a aheeyd qarnigii ”14aad” (NABI CIISE HORTII) ku waas oo ahaa qabaa’il la yiraahdo ”Al-naduufiyuun” kuwaas oo leh aathaar sheegeeyso lakin qof garanayo ma jiro lamana yaqaano yeey ahaayeen dadkaas  iyo meesha aay ka yimaadeen lakin aathaartan ayaa ah mida koowaad ee sheegeeyso dadkii ugu horeeyay ee daga dhulka falastiin, qarnigii 8aad NCH ayaa waxaa ay athaarta tilmaa meeysaa in aay jirtay magaalo hada la yiraahdo ”Ariixa” waa ariixad hadee sidaas aaw geed ayeey culimad wax baarta barkeed u yiraahdaan waa magaalad ugu duqsan aduunka aathartana waxaa aay tilmaameeysaa in aay aheeyd magaalo dhan waa ”Ariixee”..

Waxaa aay tilmaameeysaa tariikhda dagaankii ugu horeeyay ee dadka eey dagaan ”daaro” waa magaalada aan ka hadleeyno ee ah ”Ariixa”  intii ka horeeysay intaas waxa aay dadku ahaayee reer guuraa oo marba meeshii daaq iyo biyo leh in aay u guuraan, intii aay bilaabatay magaalo daga waxeey aheeyd waqti hore lakin aathaarta ugu horeeysay waxaa aay soo ban baxaday  ”Ariixa” Waa saan horey u sheegnaye qof garanayo ma jirto dadkii horey u dagay dhulkaas ama sarahaas iyo guryahaas ama asalkii dadkii daganaa meesha aay ka yimaadeen…. 

AL-KANCAANIYUUN 

Aathaartii ugu horeeysay ee la yaqaano dhulka falastiin waxaa aay u noqoneeysaa qoowmiyada la yiraahdo ”Al-kancaaniyiin” iyo qoomiyad kale oo la yiraahdo ”Al-amuuriyiin”labadaas shacab ayaa ah qabaail  ayagu ka soo hijrooday dhulka la yiraahdo Jaziiratul carab waqooyigeeda dagtayna dhulka shaam (shaam waxaa la isku yiraahdaa wadama sida:- Suuriya ,Jordan ,Lubnaan ; Falastiin) taxdiidan falastiin tanina waxay ku sugantahay si cad tariikhda falastiin, waxeeyna isku raaceen dhamaan mu’arikhiinta bari iyo kuwa galbeed marka taariikhdi ugu horeeysay  waxaa aay qoreeysaa una noqoneeysaa dadkii ugu horeeyay ee dagay falastiin in aay ahaayeen dad ka mid ah carab ku waas oo ahaa  ”Al-kancaaniyuun & Al-amuuriyiin” Ama dadka yahuuda ah laguma xusin tariikhdan lakin xusidii ugu horeeysay waxaa la sheegay in aay aheeyd qarniyo xoogaa ah kadib taas oo aan ku sheegi doono si cad tariikhda taxan.

AL-YABIISIYUUN

Qabaa’ilka ka soo hijrooday jaziiral carab waqooyigeeda waa aay badnaayeen weeyna kala duwanaayeen waxeeyna u kala baxeen qabaa’ilkaas  wadamada kala ah shaam ciraaq bar ka mid ah waxeey aa’deen dhulka masar waxaana ka mid ahaa ”Al-kancaaniyuun” waxaa aayna dageen dhulka falastiin waxaa kaloo ka mid ahaa ”Al-yabiisiyuun” waxaa aayna dageen ”qudus” iyo nawaaxigeeda waxeeyna aheeyd inta aan la dhisin ka hor, qoowmiyada kalena waxaa aay dageen buuraha waxaana la dhihi jiray ”Al-finiiqiyiin & Al-camuuriyiin” sidaa ayeeyna ugu qeebsantay qabaa’ilkii dhulka falastiin dhaxdagay, waxaana ku soo arooray kutubta taariikhda taas oo ku dhisan aathaarta iyo aragtiyo oo ku qoran magacyada qabaa’ilka iyo sida aay u qeebsameen juquraafi ahaan dageenka dhulka falastiin.

Sidaa darteed ayeey culimad aathaarta barkood u dhahaan dhulkii ”kancaan” taas oo loogu nasab sheegayo ”kancaaniyiinta”taasna si cad ayeey ugu soo aroortay kutubta samawiga ah oo aay ka mid yihiin ”toowraad & injiil”kuma imaan wax sheegaya ama xusi yahuud kutubta tariikhda ama kutubta samawiga ah tanina waa xaqiiqo uu waqtiga sheegayo..

2. ASALKA MAGACA FALASTIIN XAGA UU KA YIMID.

Xaga uu u noqonayo magaca falastiin waa shucuubtii dagtay eeryada ”balasta”ee koon furta falastiin waxaa uuna u noqonayaa magaca falastiin shucuub kale oo ka timid jaziiradaha ”bada dhexe” qaasatan jaziirada ”kariit” taas oo ah mid la yaqaano oo caan ah waxeena u egtahay shucuubta jaziiradan in aay abaar ku dhacday iyo duruufo kale oo mucayan ah daruuftaas oo ku kaliftay in eey soo weeraraan xeebaha shaam iyo masar waxaana ka difaacay oo ugu horeeyay ”ramiis-kii 3aad”  dagaalkii la magac baxay ”Lowziin” ee caanka ahaay kaas oo ka dhacay masar waxaa uu ”ramiis” uusan dooneeyn in aay dagaan masar mudo kadib markii uu wada hadal socday  ayuu go’aanku noqday in aay u wareegaan halkaa iyo xaga falastiin waxaana uu amray ”ramiis” in aay dagaan koonfurta falastiin mandhiqada la yiraahdo ”balasta” waxaa ayna kutubta tariikhda hoosta ka xariiqday iyo kutubta samawiga  ee muqaska  sida tan ayaa lagu xusay ”balasta” ayada oo ah nasabka dadkii daganaa eeryadaas ee ”balasta”  waxeeyna la magac baxeen ”Al-balastiiniyiin” halkaas ayuu ka yimid magaca falastiin waxaana loo yaqanay ”balastiin” waxeena isla badashay waqtiga kadibna noqotay ”falastiin” aydoo aay shucuubtaas la daristay ”kancaaniyiinta & Al-yabuusiyiin” kuwaas oo ahaa sidaan horeyba u sheegnay in aay ahaayeen dadkii asalka dhulka daganaa intaa kadib waxaa dhacday in aay is dhax galeen nasabkoodi & luqadahoodi kadibna ku milmeen shucuubtii asalka aheeyd eena ka tirada badneed kana  xadaarad badneed markii eey arintaa socotay sanado waxaa eey ”Al-balastiiniyuuntu ku milmeen Kancaaniyiinti” dhulka horey u daganeed kana badneed sidaa aawgeed ayuu raad koodi baa ba’ay tariikhdana xusid looga waayay.

Sidaanba hore u sheegnay waxaa nooga cad halkan in aysan ka soo bixin wax lagu xusayo yahuud ama qoomamkoodi  xageebeey joogeen waqtigaas ama mar xaladaas ? sidee beey ku soo galeen dhulka falastiin ? waxaa ku cad dhamaan aathaarta iyo kutubta tariikhda iyo kuwa muqadaska iyo kuutbta reergalbeedka in aay yihiin dadka asalka u ah falastiin ”kancaaniyiinta & Al-yabiisiyuun” Aaway xaqa yahuuda dhulka falastiin ?!........waa taxane ee la soco…

Cutubka 2aad waxaan uga hadli doonaa

Yahuuda falastiin dhexdeeda

  1. Markii aay u soo guureen yahuuda xaga falastiin.
  2. Nabi muuse iyo yahuuda.
  3. Yahuuda nabi muuse kadib.
  4. Xiligii nabi da’uud & nabi suleyman CHS..

Qore: Abdirizak Haji Hussein "Naxariis

                 Helesinki - Finland

 

 

 

 

                                                                                                                                                      



 
  Ogaalonline@yahoo.com
©  Ogaaloonline.net Back to top ^ ^
MySpace Web Counter